Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Halery Clinton oo ah wasiirka arimaha dibada Mareykanka oo ka naxday markii xabadii 1aad lagu dhuftay Osaama Bin Laden

Wararka MaantaWashingto:Halery Clinton oo ah haweeneyda u qaabilsan arimaha dibada wadanka Mareykanka ayaa sawir laga qaaday xiligii la dilayey Osaama Bin Laden aad uga naxday iyadoo afka gacanta saaratay qorshe qaatay 38 daqiiqo oo lagu qaarajiyey hogaamiyaha Al qacida Osaama Bin Laden.

Osaama ayaa lagu dilay guri ku yaala dalkaasi Bakistaan horaantii subaxii Isniinta halkaasi oo uu joogay markii ay galeen koox halkaasi loo diray. isla markii ay u galeen waxey xabadka kaka dhufteen hal xabad wax yar kedibna waxey arkeen isagoo nuux nuuxsanayo kedibna waxey xabad kale kaka dhufteen meel wax yar ka koreysa Isha bidxeed waxuuna ku dhintay wax ka yar minute.

Markii xabadii labaad lagu dhuftay ayey aad uga naxday Mss Clinton mar maanta la weeydiiyey waxa ay ugu muuqaal ekeyd qof shooksan ayey tiri afka ayaan gacanta saartay maadama lagu jiro waqtigii xagaaga oo aan xasaasid qabo marka waxaan gacanta afka u saartay in aanan qufacin iyo wax la mid ah waa siyasada Mareykanka.

Osaama ayaa guriga uu deganaa mudo laga shaki qabay mar dadka deriska ah la weydiiday iney ogaayeen iyo in kale ayey caruurta qarkood sheegeen in guriga uu mar kaka dhacay Kubad ay ciyarayeen kedibna loo diiday in la siyo taasi bedelkeeduna la siiyey dhawr dolar oo ay ku gataan Kubad cusub.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa diiday in sawirada Osaama oo muuqaalkoodu aad u naxdin badan yahay in aan aduunyada la tusinin iyadoo laga baqay in kuwa ururkaasi taageersan ee aan hada war iyo wacaal u heyn qaabkii loo dilay hogaamiyaha Al Qacida sidooda loo daayo.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay iney qaateen waxkasta oo yiilay qolkisa sida 500 oo lacagta yurub ah, labo telefon, qoray AK 47,coputaro, Hard Drive-yo iyo macluumaad ay ilaa hada baaritaan ku hayaan. waxey sheegeen iney Osaama ku rideen Bada kedib markii ay ku rideen Qandul adag oo isaga quusinaya iyagoo u maray hab waafaqsan diinta Islaamka oo qabta in aan qofka muslimka ah la heyn karin meydkiisa wax ka badan 24 saac.

Laakinse warar kale waxey sheegayaan in meydka Osaama loo soo qaaday mareykanka oo aan lagu ridin Bada.

Isha warka Hiiraa State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.01 seconds
14,667,556 unique visits