Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha Hiiraan State oo amaan u jeediyey jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha sidii ay u garab istaageen shacabkii ay ku dhufteen Abaaraba

Wararka MaantaSomalia: -Madaxweynaha Hiiraan State oo dhawr maalmood ka hor codsiyo intooda badan laga jawaabay hawada u marineyey jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha si ay u caawiyaan walaalahooda ku dhiban gudaha Hiiraan ayaa uga mahadceliyey sidii walaaltinimada,islaamnimada, reer Hiiraanimada iyo Somalinimada laheyd ee ay u garab istaageen shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarahii.

Mar uu maanta la xariiray Hiiraan xili ay roobaab lagu diirsaday ka dayeen inta badan dhulweynaha Hiiraan ayuu la qeybsaday farxada shacabkii dhawr maalmood ka hor haraadka u dhimanyey oo ay hada dhinackasta ka yaalan xareedii roobka taasi oo uu sheegay iney lagama maarmaan tahay in Alaahii na abuurtay lagu shukriyo.

Madaxweynaha Hiiraan State oo ahaa masuulkii ugu horeyey ee aduunyada ka codsada in kumanaan kun oo shacabka reer Hiiraan ah cunto qalalan hawada looga daadiyo isagoo markaasina jaaliyada qurbaha ee Hiiraan ku booriyey iney gurmad la soo gaaraan walaalahood ayaa rajo ka muujiyey in roobaabka ay ku diirsan doonaan shacab badan oo Somliyeed oo ay reer Hiiraan ugu horeeyaan.

Abaarahii dhawaantan ka dhacay dalka Somaliya waxey aheyd mucjiso waxeyna bulshadu gaareen ilaa ay haraad iyo gaajo u dhintaan. durbaba waxaa lagu soo waramayaa in roobkii ugu danbeyey ee ka day Hiiraan si weyn looga dareemayo biyahiisa wabiga Shabelle oo isagu hada waxoogaa biyo keenay.

Madaxweynaha Hiiraan State waa hogaamiyaha kaliya ee isha ku haya nolosha shacabka reer Hiiraan waana hogaamiyahii ugu horeyey mudo 21 sano ah oo markasta shcabka reer Hiiraan aduunyada ugu ceeladhaamiya. waa masuulka kaliya ee si cad loogu soo doortay fikir ka yimid bulshada reer Hiiraan. waa hogaamiye daacad ah oo reer Hiiraan isku soo dumin kara. waa hogaamiyaha kaliya ee marka waqtigiisa dhamaado hadii uu dib isku soo sharaxo ay dadku si sahlan ku dooranayaan, maadama uu sida muuqata heysto inta badan dhalinta reer Hiiraan taageeradooda.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,606,132 unique visits