Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
leslieea11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu dabeeyey musharaxa maaxweynimada Somaliya Prof Warfaa oo ku sugan Dubai

Wararka MaantaDubai:(hiranstate.com)-Musharaxa madaxweynimada Somaliya Prof Ahemd Muumin Warfaa oo maalmahani safar gaaban oo u ku marayey bariga dhexe ayaa kulamo kala duwan kula leh wadanka isku taga Imaaradka Carabta magaaladiisa Dubai.

Prof Warfaa oo si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi kedib kulamo kala duwan oo uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed kuwooda ku nool magaalada Dubai sida ganacsato, waxgarad, dhalinyaro iyo siyaasiyiin uu ula kulmay siyaabo kala duwan oo gooyni gooyni ah.

Xiriiro kala duwan oo ay shabakada HS.COM la yeelatay qaar ka mid ah jaaliyada Somaliyeed ee Dubai ayey inoo xaqiijiyeen in safarka Professor uu ku yimid Dubai ay aheyd mid muhiimadiisa leh maadama ay wadankan ku nool yahiin jaaliyada ugu badan jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool wadamada bariga dhexe marka laga reebo jaaliyada Sacuudiga.

Sidoo kale waxey inoo xaqiijiyeen in uu ula muuqday Professorka shaqsi mudo u soo diyaar garoobay howshaan iyagoo sheegay inuu yahay qof iska caadi ah oo kaftan badan isku sina u qaabilaya shacabka Somaliyeed darajadey doonaanba ha lahaadaane faqri, tujaar,siyaasi, ardey intuba isku si ayuu u qaabilayey ayey yiraahdeen. waxaa kale oo ay dhawr jeer ka dhawaajiyeen in Professorka ula muuqdo shaqsi ay ka dhab tahay inuu dalka iyo dadka Somaliyeed waaya aragnimadiisa uga faa'ideyo marka la eego qaabka uu ololahiisa ku wado iyo kalsoonida ka muuqata. waxey sheegeen inuu ula muuqday shaqsi iskusoo dumin kara bulshada qeybaheeda kala duwan maadaama uu qofkasta oo Somaliyeed amaanayo shaqsiyadiisa. waxey yiraahdeen waxaanu weynay hal qof oo dhaleeceynaya dadkiina waxey ka bixi waayeen macalin buu ii ahaan jiray iyo aabahey bey saaxiibo ahaayeen iyo hada ka horaan isku isguul aheyn iyo wax la mid ah.

Marka laga soo tago shirarka uu jaaliyada Somaliyeed ee Dubai kula leeyahay Hotelka uu ka degan yahay Dubai qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed hadane waxaanu xiriiro kala duwan la yeelanay qaar ka mid ah raga isaga ka ag dhaw waxaanu weydiinay sida uu musharaxu u arko qilaafka hareeyey masuuliyiinta dowlada waxeyna inoogu jawaabeen dhawaantan ayuu war saxaafadeed ka soo saari doonaa mediyaha loo qeybin doono.

Dubai iyo qaabka ay ugu nool yahiin Somalida halkaasi degan.

Magaalada Dubai waxaa ku nool ganacsatada ugu caansan Somaliya, waxaa kale oo ku sugan Somali badan oo ka xoogsata, sidoo kale waxaa ku nool ganacsato yar yar mararka qaarkood ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yarba waxaa hantidooda loo dhacaa si sharci daro ah meelo badanoo dunida ka mid ah maadama aysan heysan dowlad dhexe oo gacansiga muwaadiniinta Somaliyeed difaaci karta. sidoo kale waxaa ku nool dumar badan oo ka xoogsada halkaasi oo u badan danyar si ay u caawiyaan qoysaskii ay uga soo tageen Somaliya amaba caruur ay halkaasi ugu soo tageen kedib markii qaarkood la dilay ragi qabay amaba ay kala tageen.

Dadka Somaliyeed ayaa ah dad adkeysi badan waxeyna dhibaato iyo colaado ku jiraan mudo ka badan 21 sano. waxey maalinkasta ku dan dareysan yahiin dunida dacaladeeda. walita lama hayo hogaamiye isku raadiya oo xaquuqdooda uga soo dhiciya dalka amaba dibada. maalin iyo habeen waxey idaacadaha maxliga ah iyo kuwa caalamka ka dhageystaan qilaafka hogaanka ugu sareeya iskaba daa in loo maciinee. waa dad midab furan laakinse waqtiga ka hiiliyey daruufaha iyo colaada daba dheeraatay ee dalka ku dhacday awkeedna looga faa'ideystay.

Sida ay dad badan ka dhawaajiyeen Somaliya ayaa lagu wadaa iney masiibada ku habsatay mudo gaaban uga bixi doonto hadii loo helo hogaamiye daacad ah dadka iyo dalkana ka naxo.Hooyadii Somaliyeed ee aanu ku faani jirnay waxey noqotay mid arageeda laga naxo. caasimadii Somaliyeed ee ugu wanaagsaneyd horaantii todobaatameeyadii caasimadaha aduunka waxey noqotay mid aan indhaha la siin garin lamana yaqaano cida maanta isku dileysa oo dagaalka ka wado.

Hadaba waxaan sugnaaba waa waxa uu dalka iyo dadka ka bedeli doono musharaxa maalmahan afka bulshada Somaliyeed u badan yahay Prof Ahmed Mumin Warfaa oo isagu ka mid ahaa Somalidii nasiibka u yeelatay ee wax ku soo bartay canshuurtii laga qaadi jiray shacabka Somaliyeed.

la soco wararkeena danbe iyo arimaha musharaxa

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | discount christian louboutin on May 16 2012 07:16:40
rgue the Hawks shouldve stayed in Arizona. They shouldve volunteered christian louboutin shoes for cheap to play Game 6 in Jobing.com christian louboutin shoes for sale Arena. christian louboutin shoes for cheap Game 7, too, and pass christian louboutin shoes sale christian louboutin cheap the SPF 45.

Thats christian louboutin shoes for cheap the only place the christian louboutin for cheap Hawks have won during this ser...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,614,440 unique visits