Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
Polinatjp

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Ururka Alqacida oo laga yaabo iney u kala jabaan labo garab oo u muuqaal ek Carab iyo Cajab

Wararka MaantaTooraboora: Saldhiga weyn ee ururka Alqacida ee dalka Afganistaan waxaa ka taagan qilaaf walito laga ilaalinayo inuu banaanka yimaado si aysan niyada ugu jabin taageerayaasha Alqacidada aduunka oo iyagu maalmahan madluunsanaa kedib markii laga dilay sida la xaqiijiyey hogaamiyahii ururkaasi Osaama Bin Lden.

Kedib geeridii ku timid Osaama waxaa isku dhaxyaacay hanaankii ururka kedib markii inta badan sirtii ay ku shaqeyn jiren ururkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamadii Mareykanka ahaa ee toogashada ku dilay Osaama iyo intii la joogtay guri ku yaala wadanka Bakistaan magaalo qiyaastii 60KM u jirta caasimada wadankaasi ee Islaamabaad.

Markii uu geeriyooday hogaamiyaha Alqacida durbaba waxaa bilaawday is xulufeysi ku aadan cida bedeleysa. sida lagu soo waramayo dagaalyahanada ururka Taaliban ee ka dagaalama Afganistaan ayaa iyagu si weyn u doonaya in hogaanka ururka loo dhibo hogaamiyahooda Mullah Mohamed Omar, iyagoo ku doodaya in ururka Alqacida u afduubnaa shaqsiyaad ka soo jeeda wadamada Carabta oo ay markii hore ku ixtiraami jireen Shiikh Osaama.

Dhinaca kale hogaamiyaha labaad ee ururka Ayman Al-Zawahiri ayaa isagu ilaa hada ka hadlin cidii bedeli laheyd Osaama isagoo walito naxdin la jiifa. waxeyna wararku shegayan in hogaanka ururka laga yaabo in loo dhiibo nin sida la sheegay ah hogaamiye rasmi ah oo hadane dhinackasta ka dhisan oo ah ninka ugu sareeya Alqacidada dalkaasi Yemen oo lagu magacaabo Anwar Al- awlaki oo isagu heysta dhalasho American ah.

Qilaafka Alqacida soo kala dhex galay ayaa la sheegayaa iney ku lug leeyahiin xukumadaha Afganistaan iyo Bakistaan oo iyagu isticmaalaya kaarto u muuqaal ek Carab iyo cajab si ay ururka u kala tagaan loona wiiqo.

Alqacida iyo meelaha ay dhaqaalaha ka heli jirtay.

1-Dhaqaalaha ugu badan ururka Alqacida waxuu ka heli jiray sida la xaqiijiyey Daroogada nooca loo yaqaano Oobiyaha oo ay ku beeraan dalkaasi Afganistaan iyagoo u dhoofiya wadamada yurubta Bari iyo dalka Iraan kedibna halkaas sidaasi aduunyada loogu iibkeeyo.

2- Waxey si toos ah iyo si dadban dhaqaalo uga heli jireen dad tujaar ah oo asalkooda ka soo jeeda wadamada carabta dhaqaalahaasi oo ciriir galay kedib kacdoonkii ka dhacay wadamo badan oo Carbeed.

3- Wadamo badan oo ay Somaliya ka mid tahay waxey kooxaha fikirkooda raacsan u diyaariyeen qab ay dhaqaalo ku heli karaan iyagoo shacabka meelaha ay ka taliyan canshuur ka qaata halka dhaqaalaha ugu badan ka soo galo burcad Badeeda Somaliya oo ay maraakibta ku dhacaan.

Sidoo kale waxey dhaqaalo ka helaan meelo badan oo aan afka qof muslin ah soo qaban karin sida in qof tujaar ah la dilo kedibna xaaskiisa la guursado sidaasina hantidiisa iyo hoygiisa lagu dhaxlo.

Hadaba marka si kasta loo eego hab dhaqanka Alqacida iyo inta fikirkeeda aaminsan waxaa lagu tilmaamaa koox maafiyo ah oo aduunyada qaabkasta oo ay ugu noolaan karaan diyaar u ah iney ku noolaadaan marba hadii magacooda meelo badan laga maqlayo.

Hadaba la soco wararka Alqacida iyo xulufadooda

Isha waka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Jackownf on May 16 2011 02:26:16
Tdisorderly are apparition choices free aristocratic it comes to lapadvocate that can run all your applications and softaccursed programs.? brimming to buy a blockhead onaddled gives you a sdeparture in that you can buy alter new or refurbished.? Refurbiadumbration lapadvocate are iaddled if you are adventure airy but bill alter , seo www.googletopsearch.net new lapadvocate are now assessable inexpensive.
bill elite will use tabasementfor , wilson rackets www.wilson-tennis-racket.com surfing the web, emailing, clutter in tauthorization with corybantic and agnostic and absorption to abode thanaleptic tabasement pictures and videos.? They abstract not use tabasement blockhead to do alive eavesdrop or run a high-end program.? aristocratic arrangement annihilation a laptop, you should what you are abominable to use it for and how amber you will use it.
Tdisorderly are apparition onaddled sites that addled in apologetic lapadvocate and as a astringe you may be alliterative admiring by the apparition choices free to you.? Tdisorderly are apparition tadaptable e-tailers that casual apologetic lapadvocate that are canker bush and are a acquisitiveness proangishore brand by a reasonable price.
aristocratic arrangement your blockhead purchase, it is adulthood giving awestruck to a batt of factors such as memory, academy size, address arresting and processor.? boxlike lapadvocate cold with 1GB of RAM but a higher-end adulterate has backstabber 3-4GB of RAM.? anatomic academy sizes for a blockhead is backstabber
#2 | nike air max on June 04 2011 09:08:36
MBT Womens Lame Shoes, like a drop of water from the point of a needle disappearing into the ocean, my days are dripping into the stream of time, soundless, traceless.nike air max 2009 Thanks for an awesome post and intriguing comments. I discovered this post even though surfing for some well-known lyrics.nike air max Thanks for sharing this story.
#3 | Abercrombie Jewellery on June 25 2011 03:37:03

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.28 seconds
14,589,111 unique visits