Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
opheliaip2

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan oo soo dhaweyey webkan cusub (Warbixin Cabdullahi Qorshe)

Wararka MaantaIsniin 20, December 2010 (HSOL) Shacabka reer Hiiraan oo soo dhaweyey webka Hiranstate.com oo hawada soo galay maalintii shaleyto aheyd.

Kadib soo galitankii hawada uu soo galay webpage ka hiranstate.com oo ku hadlaya afka dowlad goboleedka Hiiraan State ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyey website kan cusub oo ka saacidi doona baahida loo qabo wararka iyo arimaha Hiiraan iyo waliba dowlada goboledka Hiiraan State of Somaliya.

Bulshada reer Hiiraan ayaa ku tilmaamay website kan mid loo baahnaa gor hore in hawada lasoo galiyo waxa ay sheegeen in ay jirtay baahi loo qabay dhanka saxaafada oo hore ay kaga liiteen reer Hiiraan , balse waxaa ay sheegeen in hada ay ka baahi bixi doonaan dhamaan arimaha wararka iyo barnaamij yada, iyo arimaha ku saabsan maamulka Hiiraan State.

WALHI WAA ARIN FIICAN WEBKAAN WAANA KU FARAXSANAHAY HORE WAXAA ARKI JIRNAY WEBSITEYO BEEN KA QORA GOBOLKEENA IYO MAAMULKA BA LAAKIIN HADA TAA WAA KA BAAHI BAXNAY.

Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka hadlay soo dhaweynta webkaan Hiranstate.com

Waxa ay kuu sheegayan shacabka qaar in hore ugu dhib qabeen websiteyo ka been sheega arimaha gobolka iyo xaaladaha uu marayo iyo sidoo kale kuwo warar been abuur ah ka qora madaxda iyo maamulka iyo waliba indheer garadka gobolka ayagoo website yadaa qaar dadka ay ku tilmaameen in dagaal xaga MEDIA ah kula jiraan shacabka reer Hiiraan website ya ayaa qaar waxaa laga leeyahay gobolo kale kuwaa oo ay adegsadaan shaqsiyaad la sheegay in ay kasoo horjeedaan horumarka guud ee shacabka Hiiraan.

Website kan ayaa noqonaya mid ku hadlaya codka maamulka Hiiraan State ayadoo uu soo tabin doono barnaamijyo iyo wararkii ugu dambeyay Hiiraan iyo dowlada Hiiraan State waxaana uu inta badan kaa haqab tiri doonaa baahida xaga wararka iyo arimaha gobolka Hiiraan, si kastaba ha ahaate talaabadaan ayaa waxaa la sheegay in uu xigo doono Hiiraan StateTV iyo Radio ku hadla codka Shacabka Hiiraan waxa ayna tani noqneysaa horumar xaga saxaafada ah uu sameyey maamulka Hiiraan State.


Hoyga wararka sugan
HSONLINE
www.hiranstate.com
www.hiranstate.net
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net
C/laahi qorshe
Qorshe11@gmail.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,605,542 unique visits