Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
JimHet

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Siyaasadii Somaliya oo hal mar isbedel ku dhacay kedib xanibaadii lagu sameyey mudaneyaal baarlamaan oo ka dhoofayey Mogdisho.

Wararka MaantaNew York:- Beesha caalamka oo dadaal ugu jirtay iney doorashada ka dhacdo gudaha wadanka Somaliya gaar ahaan Mogdisho ayaa shaki ka muujiyey suurto galnimada arintaasi kedib markii dharaar cad is hor taag lagu sameeyey mudanayaasha baarlamaanka Somaliya oo qaarkood la jir dilay iyadoo arintaasi ay waji kale u yeeshay siyaasadii Somaliya. magaalada Mogdisho oo ay ku sugan yahiin ciidamo beelaad loogu yeero ciidamada qaranka ayaan lagu aamini karin musharaxiinta iyo waliba wafuuda kale ee ka socota aduunka oo doorashada kor ka ilaalineysa.

Warar horu dhac ah oo inaga soo gaaray qaramada midoobay ayaa sheegaya in ay adag tahay in Mogdisho ay ka dhacdo doorasho lagana yaabo in doorashada ay ka dhacdo Nairobi maadama ayasan doorashadu ka dhaceyn dalka oo dhan oo ay mudanayasha baarlamaanka Somaliya ay soo dooranayaan madaxweyne iyo gudoomiye barlamaan.

Doorashada ayaa dhaceyso wax ka yar 2 maalmood oo kaliya sidaasi daraadeed waxey u badan tahay iney ka dhacdo wadanka Kenya kedibna madaweynaha iyo gudoomiayaha cusub ee la soo dooran doono ay gudaha wadanka ku dhisi doonaan xukumada inteeda kale.

Magaalada Mogdisho oo isbuucyadii la soo dhaafay camirneyd oo ay qurba joogta ku sii qulqulayeen si ay shaqo uga helan qeybaha kala duwan ee hayaddaha dowlada , waxii ka danbeyey xanibaadii mudanayasha baarlamaanka lagu soo rogay waxaa yimid shaki weyn iyagoo hada siyaabo kala duwan ugu baxayo dalka.

Waxey hada arinta iskugu biyo shuban doontaa xukumada Farmaajo halkii ay 1 sano hanaloogu daro laheyd hada waxey howshu isku bedeli doontaa Mogdisho ha lagu qabto iyo Nairobi ha lagu qabto iyo wax la mid ah.

Ugu danbeyn bisha 8aad kahor aya lagu wadaa iney shacabka Somaliyeed helaan dowld aan kumeel gaar aheyn si taasi loo gaarana waa lama huraan iney wadanka doorasho ka dhacdo,wado kasta oo loo maraba.

La soco wararkeena danbe.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,605,552 unique visits