Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Musharaxa Madaxweynaha Mr Yaasiin Maaxioo meel ka dhac ku tilaamay xanibaadii mudanayasha baarlamanka.

Wararka MaantaMusharaxa Madaxweynaha Mr Yaasiin Maaxi: ''waa meel ka dhac iyo sharaf ka qaadis in mudane baarlamaan oo ah sharci dajiye lahandado lana xayiro dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana lagu tilmaamo musiibo''

Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Mr Yaasiin Maaxi oo maanta Warsaxaafadeedkiisa Bilaha ahaa ee Xisbiga SSUP uga hadlay Waxyaabihii Foosha xumaa ee ka dhacay maalinimadii daraad ahayd ee Airaporka Muqdisho taas oo Xildhibaanada Qaranka Somalia lagula kacay wax ka baxsaan Dastuurka u yaalo Dowlada KMG ayadoo lagu sameeyay is hortaag aysan ka dhoofi karin garoonka diyaaradaha ayagoo gudanayo waajibaadkooda shaqo.

Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Mr Yaasiin Maaxi ayaa si kulul uga hadlay habka ay dowladda Soomaaliya ula dhaqantay mudanyaasha baarlamanka Soomaaliya iyo gudiga u qaabilsan diyaarinta doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ''waa meel ka dhac iyo sharaf ka qaadis in mudane baarlamaan oo ah sharci dajiye lahandado lana xayiro dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana lagu tilmaamo musiibo'' ayuu si caro leh ugu celceliyay musharaxa.

Waxaa uu sidoo kale Cadeeyey in madaxda dowladda garato waajibaadka saran iyo masuuliyada dastuuriga, taas oo salka ku haysa dimuqraadiyad iyo xuriyada shasiyadeed islamarkaana barlamaanka qaranka uu yahay hey'adda sharci dajinta Soomaaliyeed ee maanta ka soo hartay habdhismeedka dowladda Soomaaliya''waa inaan u ogaanaa baarlamaanka waa midka doortay madaxweeynaha, waa halka kalsoonida laga siiyay ra isul wasaaraha iyo wasiiradiisaba" ayuu yiri musharaxu.

Musharaxa madaxweynaha Mr Maaxi waxaa kale ee uu ka hadlay khilaafaadka Dowladda ayuu sheegay inuu haatan gaaray heer si qalad ah loo adeegsado awooda ciidanka qaranka.

Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha xisbiga SSUP ayaa isagu baryahaanba wada dadaalo ku aadan sidii Xisbiga SSUP uu hormar kaga sameeyn lahaa samata bixinta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya xiligan kala guurka ah waxaana uu kulamo joogta ah la-lahaa bulshada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah isagoo sidoo kale xiriiro wada tashi lasameeynayay dowladaha iyo hey'adaha daneeyo arimaha Soomaaliya si uu uga dhaadhiciyo hindasa nabadda xisbiga SSUP doonayo inuu ka dhaqan galiyo Soomaaliya mudada u harsan Dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.


Isha warka Hiiraan State+
SSUP Media Departement+Swedish Media
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,633,853 unique visits