Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo madaxweynaha Somaliya kul ataliyey inuu aqbalo doorasho wadanka ka dhacda.

Wararka MaantaKenya:-Xildhibaan Xasan Abshir oo ka mid ahaa Xildhibaano shalay ku shiray Hotel ku yaala magaalada Nairobi ayaa sheegay in markii shalay ay dooranayeen Madaxweyne Shariif ay u heysteen nin wax ka qaban kara xaalada siyaasadeed ee dalka ja jirtay siiba amaanka, maadaama buu yiri lixdii bilood Maxamadaha Islaamka ay nabad ku soo dabaaleen.

"Anaga markaan shalay Jabuuti ku dooraneynay Shariif hadaanu nahaya baarlamaanka Somaliya waxaan u heysanay inuu ahaa nin wax badan ka qaban karo xaalada dalka ka jirta laakinse waxey arintii noqotay la mood noqonse weysey, waa nin diinta yaqaana nabadna ku soo dabaali karo Somaliya baanu is laheyn, laakiin waxba hada inooma muuqato warkaas hada waa soo baxay anaga iyo aduunyaduna waanu aragnay"ayuu yiri Xasan Abshir oo ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in aanay waxba ka qaban waxii ugu muhiimsanaa oo ah nabadgalyada.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri Madaxweyne Shariif waxaa looga baahan yahayloo inuu isku kalsoonaado, isla markaana uu isu diyaariyo doorasho waxaana uu xusay in hadii uu ku guuleysto ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan mudanayaasha baarlamaanka oo markii horeba doortay.

Xildhibaan Xasan Abshir oo si degan u hadlayey ayaa ka dhawaajiyey qodobo muhiim ah isagoo inta badan aad mooday inuu si gaar ah shacabka u tusineyey madaxweynaha oo ahalu diin ah sida uu wadanka jahwareer hor leh u galinayo waxuuna yiri.

"Shariif shalay xoog kuma imaan, inqilaabna kuma aadan qabsan Kursiga Baarlamaanka ayaa ku doortay waana ognahay inaad Baarlamaanka Rag ku leedahay, tuhunka jirana waa inaad dhaqaale heysatee ee u diyaar garow doorasho waqigu waqtigii maahine, hadii mar kale lagu doortana waan kula shaqeyn doonaa"ayuu dhawr jeer ku cel celiyey mudane Xasan Abshir.

Mudanaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Somaliya uu raali ka ahaa is casilaadii Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf markii khilaafaadyo ay dhaceen, hase ahaatee waxaa uu cadeeyay in talaabadaas ay aheyd mid aanay waligeed la hilmaami doonin oo uu taariikhda gali doono , waxaana uu ka dalbaday Madaxweynaha inuu eego danta shacabka oo uu san umada u horseedin bur bur maadama uu yahay qof ahalu diin ah.

Dooda ugu badan ee ay shacabka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan isweydiinayaan ayaa ah hadii ay wadanka manta ka taliyaan R/wasaare aqoonyahan ah oo mudo wadanka ka maqnaa iyo madaxweyne diinta wax ka yaqaano oo aan wadanka ka bixin mudadii colaada ay shacabkii SOmaliyeed halkii ay xili hore u tanaasuli lahaayeen hadii sidii cariirtii idaacadha looga baaqayo iney qaldan yahiin dalkaan waa la yaabaye yaa iska leh yaase u hari doona hadeysan Somalidu is dada qaban inta ay goori goortahay?

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,605,669 unique visits