Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Jaalliyada Somaliyeed ee magaalada Toronto oo shirtay.

Wararka MaantaToronto:- Waxaa habeenkii xaleyto ahaa ka dhacay magaalada Toronto shir ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah qaban qaabiyaasha dinaca siyaasada musharaxa m/weynimada Somaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa kuwooda ku sugan dalka Canada, shir ay iskugu yeereen qaar ka mid ah jaaliyada Somaliyeed kuwooda ugu caansan hadey noqon laheyd ganacsato, culimo, aqoonyahano rag iyo dumarba leh.

Shirka oo lagu furay aayado Qur'an ah ayaa waxuu si rasmi ah u bilaawday 7PM waxaana shirka furay Dr Abdullaahi Sid Ahmed oo runtii siweyn u yaqiiney Prof Warfaa goobtiina ka sheegay in ujeedada shirku yahay sidii ay jaaliyadu ugu diyaar garoobi laheyd soo dhaweynta musharaxa oo wadanka Canada ku soo aadan 20ka bishani aynu ku jirno.Intaasi kedib waxaa daadihinta shirka la wareegay oo xiriiriye ka ahaa Hasan Karatee oo ka socday Radio Ogaal isagoo hadalka si talan taali ah ugu qeybinayey qeybahii kala duwanaa ee jaaliyada Somaliyeed ee Toronto.

Waxaa goobta ka hadlay oo lagu soo dhaweyey inuu warbixin halkaasi ka siiyo jaaliyada Avv. Mohamed Dooli oo ah qareen Somaliyeed oo si weyn looga yaqaano waqooyiga America gaar ahaan si wanaagsan ugu xiran jaaliyada Somaliyeed ee Toronto isagoo ku dheeraaday taariikhda Musharaxa,sidoo kale markii uu qudbadii dhameeyey ayaa dadweynahii la siiyey jaanis ay su,aalo ka soo dhaxbaxay qudbadiisii kuweydiinayeen qareenka.



Hadaan soo koobno nuxurka su,aalahii halkaas lagu weydiiyey dhamaantood waxey ka turjumeysay wacyiga maanta lagu jiro iyo siyaasada Somaliya waxeyna dadku isla markiiba abaarayeen sida lagu heli karo nabad waarta, cadaalad, qarankii Somaliyeed qaabka loo soo nooleyn karo iyo ugu danbeyn heerka ay gaarsiisan tahay siyaasada arimaha dibada iyo xiriirka beesha caalamka uu la leeyahay musahraxu.

Avv.Dooli oo isagu codka musahraxa ku hadlayey ayaa yiri aniga hadaan waaya aragtinimadeyda ka hadlo Professor Warfaa waa kii Somali isku soo dumin lahaa wadankana isagoo Allaahu subxaanahu watacaalaa iyo Somaliweyn talo saaranaya dejin doona.Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri aniga Proffessor Warfaa waligey nolol kuma arag waxaan ku bartay telefon ha yeesheen maalintan bartay ilaa maanta waxaan waayey qof dhaleeceynayo arintaas oo maanta ku adag bulshada Somaliyeed dhexdeeda. Avv Dooli mar uu ka jawaabayey su'aal aheyd xiriirka ka dhaxeeya musharaxa iyo beesha caalamka, ayuu ku jawaabay beesha caalamka waxaanu raadin doonaa markaan doorashada ku guuleysano kedib waayo iyagu waxaanu ka dooneynaa iney naga saacidaan dhinaca tanbabarada isagoo tusaale u soo qaatay duuliyaashii diyaaradaha oo uu ku sheegay hadeyba jiraan wax nool maanta iney gaboobeen loona baahan yahay xarumo farsamo oo aanu ku soo saaarno jiil cusub.

Laakinse Somaliya waxey u baahan tahay dib u heshiisiin joogto ah (permanent reconciliation), wacyigalin, cadaalada oo dadka wada gaarta, culimadii Somaliyeed diinta ayey waxkasta oo wanaag ah ku jiraane oo shacabka ku baraarujisa wanaaga. sidoo kale waxuu ka dhawaajiyey in dhaqan celin loo sameyn doono dhalinyarada oo hubka marka laga dhigo loo abuuri doono shaqooyin iyo xarumo farasamo.

Dadkii shirka iskugu yimid ayaa marka ay maqlaan cadaalad iyagu sacabinayey maadaama waxa maanta ka maqan shacabka Somaliyeed ay tahay hogaamiya ku dhaqa cadaalad. Intaasi kedib waxaa hadalka qatay Shiikh Feysal oo isagu jaaliyadii Toronto ku booroyey in ay si Somalinimo leh u soo dhaweeyaan musharaxa iyadoo sida uu wariyaha Hs.com ka dhawaajiyey ayba howsha intii ugu muhiimsaneyd isla shirka dhexdiisa ku kala qeybsadeen.

Intaasi kedib waxaa hadalka qaatay dumarkii Somaliyeed ee shirka ka soo qeyb galay waxaana labo su'aalood oo daran doori ah gudiga weydiiyey Xaliimo Abdi Hussen iyo gabar magaceeda ku soo gaabisay Canab. runtii dhibaatada Somaliya waxey si weyn u taabatay dumarka iyo caruurta mid ka mid ah labadaasi dumar ayaa tiri bal horta Somaliweyn ha noo danbeysee inteenaan in aanu garab galno musharaxa oo aanu taageerno diyaar ma u nahay kedibna hal mar ayaa la yiri haa waxeyna hadalkeeda ku soo gaabisay ilaahow hogaamiye caadil ah ayaanu kaa bariney inagu nolol weynu heysanaa dadkeenii ayaa gudaha ku dhamaanayee ayeyna uga baxday. gabadhii kale ayaa iyaduna waxey su,aasheedii noqtay qorshaha musharax iyo sida uu umada ugu xaqsoori karo.

Markaad dhinackasta ka eegto shacabka Soamliyeed meelkasta oo ay iskugu yimaadaan waxey u muuqdaan umad aan waligood helin wax cadalad ah waxeyna ku cel celiyaan waxaanu dooneynaa hogaamiye cadaalad nagu maamula nolosha inteeda kale waanu xalisan karnaa iyo wax la mid ah.dabcan Prof Warfaa waxa lagu tuhmayaa waxoogaa cadaalad hadii uu ku guuleysto masuuliyadaan inuu shacabka ku maamulo cadaalad waxaa ka horeysa inuu Ilaah waafajiyo ayey tiri qof fumar aheyd oo aanu kula kulanay banaanka Hoolka shirka. laakinse rajo ayey ka muujiyeen jaaliyada Toronto in ugu yaraan Profeesor Warfaa isku soo dumin doono umadan kala irdoowday.

Jaaliyada Somaliyeed ee magaalada Toronto waxey ka mid yahiin kuwa ugu tirada badan waqooyiga America marka laga reebo Somalida ku nool Minneapolis walow mararka qaarkood aad arkeyso qoysas halkaasi degan oo hadane Toronto degan taasi oo mararka qaarkood ay adag tahay inaad kala saarto halka ay rasmiyan jaaliyada ugu badan waqooyiga America ku nool yahiin labadaasi magaalo hadane Toronto waxaa ku nool tiro aan yareyn.

Xaqiiqadii maraad shirarka ay iskugu yimaadaan jaaliyadaha Somaliyeed ee qurbaha u guurgasho waxey u baahan yahiin wax aysan soo iibsan karin, sahal ku heli karin meel ayka jirto aqoon, waligood aysan indhooda saarin waa Cadaalad intaasi ayaa maanta Somali ka maqan hadey helaan shaqsi intaas oo kaliya ugu dadaala dadka Somaliyeed si sahalan ayey uga soo kabmi karaan waxii ay soo mareen. mar aanu mid ka mid ah dadkii shirka iskugu yimid bal weydiiyey sida ay u arkaan xukumada hada jirta waxuu yiri macaga badna laakinse waxaan R/wasaare Farmaajo ku amaanay markii uu yiri qaramada Midoobay waa iney u soo guuraan Mogdisho. bal u fiirso Somalidu wax yar oo ay wanaag u arkaan meelkasta ayey ka sheegayan ma dadkaasi ayaan la kasban karin?

Nasiib wanaag waxgaradka meesha ka hadlay wey badnaayeen qeybaheena kale ayaanu ku soo qaadan doonaa.

La soco qeybta labaad iyo sawiradii

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | bare on May 16 2011 09:39:35
aqoon,caddalad iyo caqli iyo islaannimo,intaas shaqsigii laga helaa soamli wax waa u qabankaraa.
waana hubaal prof warfaa waa macaliinkeygii beeraha ,waana ku sifoobey,somaliyeey ilooba warlord radii doorta prof warfaa,
#2 | cheap supras on June 27 2011 06:24:39
Advantageously, the post is in reality the greatest topic on this related concern.supra skytop I fit in together with your conclusions and will eagerly look forward to your next updates. Here those on! 1st time I hear! On your location I would not do it.cheap supras Definitely. All above told the truth. Lets discuss this question. Here or in PM.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.32 seconds
14,666,057 unique visits