Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka warfaafinta Hiiraan State oo soo dhaweeyey dadaaalda nabada ay wadaan xildhibaanada reer Hiiraan.

Wararka MaantaHiiraan:- Dadaalo lagu mideynayo ciidamada reer Hiiraan ayaa ka socda gudaha kedib markii ay dhawaantan gaareen halkaasi wafi uu hogaaminayey Xildhibaan Waare oo ka soo kicitimay magaalada Mogdisho dhawaantan.

Waftiga oo shirar kala duwan la yeeshay qeybaha kala duwan ee jaaliyada reer Hiiraan ee dalkaasi Ethiopia ayaa ugu danbeyn ku guuleystay iney xiriiro la sameeyaan qaarkoodna isa soo hor fadhiisiyaan saraakiishii halkaasi ku sugned ee iyagu watay amaba kala matalayey kooxaha siyaasada wadanka isku heysta sida Ahalu suna, ururo siyaasdeed oo gudaha wadanka looga dhawaaqay iyo waliba ciidamda dowlada federalka.

Dadaalada ay wadaan mudanayaasha reer Hiiraan oo uu hor kacayo xildhibaan Waare ayaa waxaa soo dhaweyey wasiirka warfaafinta Hiiraan State Amb Xooshow oo isagu ku nuux nuuxsaday si dadka iyo dhulka loo bad baadiyo iney lagama maarmaan tahay in la taageero iskuday kasta oo lagu mideynayo maskaxda, muruqa iyo waliba maalka reer Hiiraan. wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa ku nuux nuuxsatay iney lagama maarmaan tahay in shacabka loo tanaasulo lana xoojiyo hanaan kasta oo ay dadkeena nabad ku gaari garaan.

Sidoo kale waxuu amaan u soo jeediyey wasirku xildhibaanada iyagu go,aansaday iney gudaha u galaan Hiiraan si ay u mideeyaan ciidanka.dhawaantan ayey aheyd markii ay xildhibaanada halkaasi gaaray isku keeneen saraakiisha Ahalusunada Hiiraan, ururka Dooxada Shabelle iyo saraakiisha dowlada ineysan wax maamul ah sheegan karin inta laga xoreynayo Hiiraan oo dhan iyadoo laga saxiixay arintaasi.durbaba waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada la mideeyey intoodii badneyd iyagoo ku dagaal gali doona ciidamada xoreynta reer Hiiraan halkii ay magacyo ururo aan la aqoon meesha ay ka yimaadeen ku dagaal gali jireen.

Shacabka Hiiraan ayaa dhibaato ku qabay kooxo midkastaba uu qoray la ordayo si uu gudaha Hiiraan uga fuliyo dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo dadka lagu barakicinayo ayna ku dhintaan dhalinyaro badan oo aysan kuwa dagaalka galinaya kala jecleyn qaabka ay u dhimanayaan. Jaaliyada qurbaha ayaa lagu wadaa iney shir dhinaca telefonka ah kaka qeybqaataan xildhibaanada si ay u xoojiyaan dadaalada ay wadaan.

Masuuliyiinta Hiiran State iyagu dan gooyni ah ma wataan waxaana ka go,an iney waxkasta oo shacabka Hiiraan dan u ah u tanasulaan. waa maamul ku yimid maskaxda reer Hiiraan waxeyna diyaar u yahiin waxkasta oo lagu bad badinayo jiritaanka shacbaka reer Hiiraan iyo Somaliweyn iney tanaasul ka sameeyaan.

Dhibatadu waxey ka taagneed kooxo kala ujeedo ah oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka waday gudaha Hiiraan oo dhawr kooxood kala matelayey kedibna marka ya dhawr xabadood ridaan inta idaacadaha yimaada ka dhaha waxaanu nahay koox hebel iyo wax la mid ah,mar hadii lagu guuleysto in la mideeyo iyaga reer Hiiraanka kale waa dad nabad jecel horumarka reer Hiirana caqabad kuma aheyn.

la soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.06 seconds
14,581,116 unique visits