Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Beesha caalamka oo madaxweynaha Somaliya iyo xukumada Farmaajo ula dhaqmeysa sidii dowladii C/qaasim

Wararka MaantaMogdisho:- Madaxweynaha Somaliya ee lagu soo doortay dalkaasi Jabouti mudo ka badan labo sono ka hor ayaa isagu markii waqtigiisu dhamaaday la yimid diidmo in aysan wadanka ka dhici karin doorasho si hogaan cusub loo helo ayaa sidii caadada u aheyd hogaamiyaasha Somalida oo inta is qilaafa hadane banaanka laga maamulo ayaa hada lagu qasbay inuu ogolaado iskuna diyaariyo doorashada soo socota.

Warar sugan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in beesha caalamka marka hore ku dayaan waan waan masuuliyiinta shacbakoodu dhamaanayo ee is qilaafsan hadii ay diidaane qorshaha labaad waa in loola dhaqmi doono qaabkii loola dhaqmay dowladii Carta ee uu garwadeenka ka ahaa madaxweyne C/qaasim Salaad Hasan. bal aanu dib u jaleecno qaabkii xukumadii Carta loola dhaqmay.

Madaxweyne C/qaasim oo isagu is lahaa doorasho si sahlan kuma dhaceyso kuna mashquulsanaa xil ka qaadis uu ku sameeynayey Cali Khalif Galeyr ayaa isagoon wax talo ah laga siin dhismahii dowladii isaga ka danbeysay ee lagu soo dhisay amaba aanba la dhihin talada ka soo qeyb gal ayaa shir mudo socday lagu dul qabtay. beesha caalamka makaa waalineyso marka hore howsheeda ayey iska watataa kedibna markii la gaaray waqtigii ay iyagu ugu talo galeen ayey hal mar wadanka ka soo saareen gudoomiyahii baarlamaanka iyo xildhibaanadii oo ay raxan raxan u soo daabuleen. kedibna maxaa dhacay madaxweyne C/qaasim waxuu hal mar arkey isagoo Mogdisho kaligiis iyo dhawr wasiiro ah dhex jooga. C/qaasim ayaa isagu go,aan ku gaaray inuu ka qeyb galayo doorashadii qasabka aheyd oo uu aaqirkii marqaati ka noqday dhaartii madaxweyne Cabdullaahi Yusuf.

Hadaba halkey maanta wax u maryaaan beesha caalamka?Beesha caalamka waxaa laga dareemayaa isbedelweyn kedib waxii ka danbeyey xayiraadii lagu sameeyey mudanayashii baarlamaanka Somaliya ee ka dhoofayey garoonka diyaaradaha maalinkaas waxii ka danbeyeyna waxey meesha ka saareen iney wax doorasho ah ka dhacdo Mogdisho oo loo weeciyo Kenya.

Dhawaantan waxaa leys kugu keenaya dalka Kenya hogaanka sare hadii ay go,aan kama danbeys ah ka gaari waayaan xiliga ay doorashu dhaceysane mudanayasha baarlamaanka iyo tiro golaha wasiirada ka tirsan oo iyagu doonaya iney wadanka doorasho ka dhacdo Mogdisho koox koox ayey uga soo bixi doonaan.

Maxaa dhici kara hadii ayba doorasho dhici weyso oo uu madaxweynaha Somaliya iyo xukumada Farmaajo ku guuleystaan iney hubeeyaan ciidamdii midowga maxaakiimta dhalinyarada bistooladaha wata ee Mogdisho lagu soo fasaxyna ay bilaaban amaba bar tilmaamedsadaan cidkasta oo ka soo horjeeda madaxweynaha iyo xukumada Farmaajo?

Xaqiiqadii beesha caalamka oo ah kuwa igaya gacanta ku haya amaba mushaarka siiya hogaanka sare waxey iyagu leeyahiin waqti uma harin la dhoodhoobo dowladan hada jirta hadii aysan doorasho dhicina waxaaba laga hadlayey Somaliland sidee lagu soo celiyaa maamulo badan oo ay Puntland ugu horeyso ayaa goyni u istaagi doona marka beesha caalamka waxey qaateen go,aan ah in doorasho la qabto hogaanka hada jirane ay doorasho maraan hadii ay ku guuleystaane lala shaqeeyo hadii laga guuleystane kuwa cusub lala shaqeeyo.

Guntii iyo gabo gabadii doorashadii hogaanka sare waxaa laga yaabaa iney ka dhacdo Nairobi sidaasina jaaniskii ay casimada Somaliya kaka faa'ideysan laheyd dhaqaalaha ka soo galaya xiliga ay doorashadu socoto waxaa dhuunta u galay madaxweyne Shariif iyo Xukumada Farmaajo. maalmaha soo socda isbedel siyaasdeed ayaa laga dareemi doonaa hogaanka sare iyagaane shacabka hortooda ka dhihi doona hadalo aan horey looga baran maadama ay shacabku hada marayaan heer ay wal wal ka qabaan nabadgalyada guud ee koofurta Somaliya.











Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,305 unique visits