Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shacabka Somaliyeed oo aragtiyo kala duwan ka bixiyey tartankii uu kaalinta labaad ka galay Amiin Caamir

Wararka MaantaSomalia:-Shacabka Somaliyeed waxaa dhaqan u ah xamaasad iyo dhiig marka ay howshu gaarto meel iyaga ka baxsan. Somaliya waxaa lagu tiriya intooda badan dad ku soo korey cad iyo caano amaba bur yar oo Soor ah oo caano la dhax dhigay maadama inta badan Somalidu ka yimaadeen miyiga oo ay noloshu si weyn ugu tirsaneyd miyiga tiro kale oo Somalida ka mid ah waxey iyaguna ku tiirsanaayeen qeyraadka Bada.




Hadaba isku day kala duwan oo ay shabakada Hs.com ka soo diyaarisay tan iyo markii ay soo shaac baxday in farshaxaniistaha Somaliyeed Amiin Caamir Mohamed uu ka guuleystay nin u dhashay dalkaasi Kenya dadka Somaliyeed runtii aragtiyo kala duwan ayey ka muujiyeen arintaasi. nuxurka jawaabtoodiina waxey noqotay sidan.

1-Amiin Caamir waa geesi Somaliyeed gudiga qaban qaabiyey tartankanina waa Kenyati waxeyna ku xayeysiinayeen ninka ku guuleystay shacabka Somaliyeed iyo Amiin caamirba sidan kuma niyad jabayaan.

2- Qaarkood waxey lahaayeen Amiin Caamir waxuu luqada Somaliya gaarsiiyey heer aysan waligeed gaarin kedib markii cartoonkiisa oo aduunayda laga daawado ay shaqaalaha QM, African Unionka, jaamacada Carabta iyo waliba midowga Yurubna ku qasbanaadeen iney raadiyaan qof Somali ah oo u turjuma taasina waxey keentay in cidkasta barato luqada Somaliga amaba inta ku xiran Amiin Caamir farshaxankiisa ay raadiyan qof ku hadla luqada Somaliga oo u turjuma.

3- Qaarkood waxey leeyahiin waxkasta oo dhacaba waanu ku faraxsanahay farshaxanka Amin Caamir waxaani oo dhana waxaa ugu wacan dowlad la,aanta. inta badan Somalidu waxkasta oo soo food sara waxey u aaneyaan dowlad la,aanta sidaasi daraadeed muraalka shacabka markasta xitaa hadii si sax ah looga guuleysto wxey leeyahiin ciladu waa dowlad la,aan. dhawr sano ka hor ayey aheyd mar lagu qabtay tar tanka kubada cagta wadamada bariga iyo bartamaha Africa dalkaasi Tanzania kedibna Somalidii oo aan wax shaqo ah lagu ogeyn ayaa garoonkii buux dhaafiyey si ay niyada ugu dhisaan ciyaartooyda ayaa sidii ay u lahaayeen waajabeene jabiya Somaliyey toosooy ayaa mid ciyaartoydii Somaliya ka mid ahaa hal mar jir la saaray kedibna waxuu dhulka ugu dhacay qaro oo kale ciyaartiina dalka Somaliya waa laga badiyey, kedibna markey taageerayashii banaanka u soo baxeen waxey niyada ku dhisteen waa dowlad la,aanta nafaqadarada ciyaartooyda Somaliyeed heysata.



Hadaba mar aanu xiriir la sameynay farshaxaniistaha Somaliyeed Amin caamir waxuu inoo sheegay in uusan isagu marnaba u heysan tartan weyn waayo inta badan waxaa ila soo xariira ardeyda jaamacadaha yurub iyo waqooyiga America qaarkood oo iyagu i weydiiya in ay sawirkiisa ah si ku meel gaar ah u isticmaalaan amaba uu ka caawiyo qaab dhsimedka, laakinse tartankaan markii ay sawirada is soo weydiiyeen wax weyn uma arkin waxaan u diray sawiro caadi ahaa oo horey iiku diyaarsanaa intooda badana waxaa ku dul qornaa sidii caadada aheyd luqada Somaliga marka laga reebo sawirka ay soo bandhigeen oo Eglish ku dul qornaa, waxuuna sheegay inuusan marnaba sawiradiisa uusan u bedli doonin luqadaha kale ee uu luqadeena hooyo ku soo bandhigi doono aragtidiisa.



Shabakada Hs.com waxey dhiiragalisay farshaxaniistaha Somaliyeed Amin caamir Mohamed oo shacabka Somaliyeed ay uga imaanayeen boqolaal emailo iyo telfoono. mararka qaarkod ficilada iyo dhiiga Somalida ayaa u muuqda mid ay niyadi ka tahay laakinse waxey su'aal ka taagan tahay waxa ay iskugu dilaan dalkooda oo ay u heshiin waayeen mudada fof ee ay dagaalka jahliga ah ku jiraan

Hadaba muuqaalka sawirada looga guuleystay Amiin Caamir sidaad ku aragto ma garan karno sababta uu kalinta 1aad ku galay farshaxaniistani u dhashay dalkaasi Kenya laakinse ciyaari waa gelin danbe.








Isha warka HiiraanState
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,600,547 unique visits