Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Reer Canada oo caawa wacdaro ka dhigay shir ay ku soo dhaweynayeen Prof Warfaa

Wararka MaantaToronto:- Magaalada Toronto waxaa caawa ka dhacay shir lagu soo dhaweynayey madaxweynaha mustaqbalka Somaliya amaba musharaxa madaxweynimada Somaliya Professor Ahmed Muumin Warfaa oo dhawaantan dalkaasi Canada ku soo booqday jaaliyada Somaliyeed ee wadankaasi ku nool si uu ula kulmo Somalida waqooyiga America isagoo min tuulo ilaa heer magaalo ugu tagaya hadba intii markaasi uu awoodi akro.



Shirkii caawa oo ay xaadir ku ahaayeen dad lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 300 ilaa 400 taqriiban ayaa waxuu si rasmi ah u furmay abaarahii 9PM iyadoo ay halkaasi ka hadleen aqoonyahano, waxgarad, siyaasiyiin iyo waliba dumarka Somaliyeed oo kaalin lama iloowaan ah ka qaatay xafladii caawa .Shirka waxaa lagu furay ayado Qur'an ah kedibna waxaa halkaasi ka qudbeeyey ugu yaraan ilaa 10 qofood oo dhamaantood iskugu jiray rag iyo dumar ay qaarkood macalimiin u ahaayeen Musharaxa.





Sidoo kale waxaa goobta uu shirku ka dhacayey amaba si talan taali ah u xariirinayey xaga raga Hasan Karatee halka ay dhinaca dumarka ay daadihineysay suxufiyada weyn ee qaranka Somaliyeed Luul Ali Hasan oo runtii caawa muujisay Somalinimo iyo codkarno dheri ah. dhinaca fanaaniinta waxaa goobta ku sugnaa hooyadiii hobolada Waabari Fadumo Ali Nagruuma oo iyadu halkaasi ka qaaday heeso wadani ah.



Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in uu madasha shirka ka hadaley mid ka mi ahaa macalimiintii wax soo baray Prof Warfaa oo isagu ka sheegeeyey taariikhdiisa iyo waliba sida uu yaraantiisii u dadaali jiray waligii. inkasta oo aanu halkaan ku soo koobi karin qaabkii uu caawa shirkaasi u dhacay oo qof joogay maahane aan qaf maqan sidey wax u dhaceen laga dhaadhicin karin hadane waxaanu qeybtaan hore ugu talo galnay dulmar uun qeybaha kale ee warkeena ayaanu qodob qodob ugu soo qaadan doonaa warbixintii oo dhameystiran.

ugu danbey sidoo kale waxaa koobta baraanbur dadkii shirka ikugu yimid ka yaabiyey oo macno badan xambaarsanaa ka tiriyey Zahra Khaliif oo iyadu jaaliyada Somaliyeed ee Toronto ka mid ah Buraanburkeduna iskugu jiray marxalada ay shacabkeenu kusugan yahiin iyo waliba qeyb ay si weyn ugu amaaneysay gobolka uu ka soo jeedo musharaxa oo markii ay tirisay hal mar ay siweyn u soo jiidtatay shacuurtii dadkii Somaliyeed ee halkaasi iskugu yimid.



Xaqiiqaadii waxaanu wararkeena danbe mid mid ugu soo qaadan doonaa qaabkii ay waxgaradkii,siyasiyiintii, aqoonyahanadii iyo waliba dumarkii halkaasi iskugu yimid uga hadleen shirkaasi. sidoo kale waxaa shirka qudbad dheer ka jeediyey Professor Warfaa oo isagu Somalidii habeenkii caawa aheyd nasiibka u yeelatay iney la kulmaan isagu si fiican ugu faah faafhiyey qorshahiia siyaasadeed ee uu wadanka ka leeyahay runtiina ma u maleynayo in walito inta taariikhda shacabka Somaliyeed la xasuusto qof sidan u fur furan oo bulsahda hadalka deeqsiinaa uu Somaliya siyaasadeeda soo maray, iyadoo la wada faraxsan yahay ayuuna shirkii soo gabo gaboobay.sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudneyd in si wanaagsan ay dadku u ruxayeen calanka Shanta xidig dhexda ku leh kalarkiisuna buluga yahay ee lagu yaqaano umada Somaliyeed iyo sawiro si wanaagsan looga soo shaqeeyey oo uu ku sawirnaa musharaxa.







La soco wararkeena danbe iyo sawiro

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,613,878 unique visits