Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Qeybtii 3aad ee shirkii jaaliyada Toronto iyo Prof Warfaa

Wararka MaantaToronto: Gabadha gabaygani amaba buraanburkani tirineysa magaceedu waa Zahra dabcan buraanburkeeda meelo badan oo dunida ka mid ah muuqaal ahaan waad u daawan doontaan laakinse waxaanu isku daynay bal inaanu intii garaankeena ah shacabka qoraal ugu soo bandhigno gabaygan iyo kuwo kale oo ay kala tiriyeen Jija Diriye Hasan iyo fanaanada weyn Nagruuma oo aanu intii ay ku luqeeyeen dib u soo diyarin doono waana ganaa buraanburkii Zahra Khalif a inoo mareyso.











Dumarka Somaliyeed baan dardaarmayaa
Caruurtii aan dalalkaan ku heeynoo daryeelka helay
Markaan ku dadaalnay xoogoodii yahay diyaar
Dibadeey ubaxeeno guryaheeyba diidayaan
Dariiqa lootaagan yahoo waalidkii dafiray
Kuwo la dilay iyo kuwaas gaalshiruhu la dagay
Daroogada kuwabartiyo diintu waxeeysan qaabin
War maan ulla dareerno ciideeni dahab aheeyd
Oo diinta soo barano iyo daa’in waxuu na faray
Hawadii lagu diirsanaayoon dunida la helin
Hadaan dooneeyno waa in aan Warfaay dirnaa (Professor Warfaa)
Dalka u dhiibnaayo diiwaanka lagu qoraa
Asagune uu noo dadaalaa illaah dartiis.
Mudanoow magaceenu Soomaali waa mid qura
Ma kala maarmaanoo murtideey wadaagayaan
Murugta iyo qabiilka markaan maad ka meyrataan
Midnimadeeni horiyo maanka soo ceshada
Mudanoow magaceenu soomaali waa mid qura
makala maarmaano martideey isla soorayaan.
War maad murugtiyo colaadaan ka meeyrataan
muslin ayaan nahayo magaceenu waa mid qura.
Waxaan ku midoownay diinteena muqadaskaa
Madxafka iyo quraanka umadaan ku maamushaan.
Midnimadeenii horiyo maanka soo ceshada.
Dabaa la dhigaayo diritaa wax loo yiraa
Dalkeenii lagu kala dagaagaayey dacal walbaba.
Ninkii dajinaayey Soomaali waa diyaar
datoor Warfaay weeye oo uumiyuhu dalbaday.
Dadnimo badan iyo waliba daacad lagu yaqaan
Oo diin illaah barayoo waligiis dulmiga necbaay
Soomaalaay alle deeysagaan ma isla dooranaa?

Intaasi waxey uga baxday intii ay ugu talo gashay Somaliweyn waxeyna qeybta danbe ee baraanburka uga hadleysaa degaanka uu ka soo jeedo musharaxa madaxweynimada Somaliya Prof Warfaa oo ah gobolka Hiiraan tirtiina waa tan bal inala eeg.

Gayigii Soomaaliyeed baan u guuraya
Warfaay gobolkiisi baan gaar u eegayaa
Wabiyo aan gureeynin waligoodna kala go'aayn
gacanka mooska iyo seeytuunka laga gurtaa
galeeyda iyo digirta canbaha ka soo go'aan
Jicibka noo gaara heedhe yaal guryaha
oo geela iyo fardahaa galabtii isgarab socdaan
gabdho qurxoon iyo ragoo geesiyal wax gala
gardaro aan qaadan waligoodna gacal ahaay
ayaa garabkaaga joogee ha marin gadaal.

Intas kedib waxaa hal mar is qabsaday sacab iyo dumarkii oo intooda badan fadhiga ka kacay oo saalada kore ugu tagay. baraanburkaan waxaa alifay oo madasha shirka caawa ka soo jediyey Zahra Kh Guled.xaqiiqadii duamrkii Soamliyeed ee caawa shirkaasi tagay markii ay qudbadii Professor Warfaa dhageysteen wax weyn baa iska bedelay qaarkooda uma arkaan musharaxa shaqsi doonayo inuwadanka Somaliya iyo shacabkooda inu bad baadiyo ee waxey lahaayeen ilaah ayaa u soo diray umada ilaahayow hadii uu qeyr inoo yahay u fuduee.




Isha warka Hiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.45 seconds
14,586,104 unique visits