Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
genevievemq69

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Warar goos goos ah: Shabaab, dowlada, xiliga doorashada

Wararka MaantaMogdisho:- ururka Shabaab ee dagaalka ba'an kula jira shacabka Somaliyeed, dowlada kumeel gaarka ah iyo waliba ciidamada shisheeye ee Amisom ayaa isbuucii ina dhaafay ku dhaqaaqay dhacdo aad ug ayaabisay bulshadii Somaliyeed xitaa kuwii iyaga taageersanaa kedib markii ay gantaalo si arxan daro ah ugu duqeeyey suuqa weyn ee Bakaaro iyagoo isku ekeysiinayo ciidamda Dowlada Somaliya.

Arinta aad loola yaabay ayaa aheyd markii ay suuqa duqeeyeen kedib iney hadane yiraahdaan ganacsatadii waxaanu idiinka dooneynaa dhaqaalo lagula dagaalamo murtadiinta oo ay ula jeedaan ciidmada dowlada iyo cidkasta oo mabda'ooda ka soo horjeedo. nasiib wanaag ciidamda dowlada ayaa maalmahii la soo dhaafay siweyn uga naxariis badnaa kuwa Shabaab iyo ajaanibta caasimadii Somaliya dhulka dhigaya oo meelkasta boholaha ka qodanaya.

Dowlada Somaliya iyo halka auy wx u marayaan.

Inta badan siyaasadii guud ee dowlada waxey u badan tahay iney ku kala tageen masuuliyiinta TFGda kedib markii sida hada muuqata uu ka bilaawday dal iyo dibad olole iyo isxulufeysi dhinaca siyaasada doorashada soo socota oo iyadu la xaqiijinayo iney dhaceyso waqtigii loogu talo galay.

mar uu maanta idaacadaha maxaliga ah ee ka hopwl gala Mogdisho la hadlayey Yusuf Indhacade waxuu yiri hadii ay doorasho ka dhiciweyso dalka Somaliya oo aan hogaan cusub la helin aniga ayaa madaxweyne ka noqonaya Somaliy iyadoon cidna i dooran madama uu sheegay in masuuliyiinta ugu sareysa ay la soo baxeen dhaqano isagii qab qablaha ahaan jiray ka yaabiyey.

Dhinaca iyo habka ay doorashu u dhaceyso iyo goobta.

Inkasta oo aysan Somalidu jecleyn waxa laga hor dhaco hadane ma muuqato qorshe ay caasimada Somaliya uga dhacdo doorasho go,aankasina dowaldaha ay wadanka Soamliya ka joogaan ciidamada waa lagu wargaliyey iney xoogooda saaraan sidii ay caasimada SOamliya u nabadey nlahaayeen inta lagu guda jiro doorashada oo lagu wado 80% iney ka dhci doonto dalkaasi Kenya mudo aan hada si rasmi ah loo cayimin. isbuucyada soo socda waxaa si xowli ah u bilaaban doono olole iskugu jiro mid ay shacabka Somaliyeed qaarkood ku sameysanayaan maamul goboleedyo har leh oo abaabulkooda la wado iyo ololaha musharaxiinta u taagan hogaanka sare ee dowlada dhexe oo iyagu jaaliyadaha dibada iyo shacabka Somaliyeed ee gudaha la kulmi doono si ay u kasbadaan.

isku soo duuboo xaalka SOmaliya waxuu u muuqdaa mid la rajeynayo inuu ka baxo waqti dhaw nidaamkii qaldaan ee lagu maamuli jiray wadanka ee loogu magac daray TFG waxuuna wadanku noqon doonaa waxii ka danbeeya bisha 8aad 22keeda dowlada imaan doonta mid loogu yeero dowlada Somaliya oo ay halkasi ku hari doonto wax la yiraahdo kumeel gaar, waxaana si rasmi ah wadanka ugu howl gali doona safaaradahii wadamada daneeya arimaha Soamliya ay ku lahaayeen Somaliya bari samaadkii.




Isha warka Hiiraan State
admin@hiranstate.net
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
14,569,607 unique visits