Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Ma la socotaa in Hotelka ugu casrisan dalkaasi Tanzaania uu leeyahay muwaadin Somaliyeed ( Hotel Bagamooya)

Wararka MaantaDalka Somaliya oo 40 sano ka hor caalamka kaka jiray safka hore waxaa la haray colaado 20 jirsaday iyo dagaalo sokeeye kedibna waxaa iskaka tagay ganacsatadii caanka aheyd ee dalka Somaliya xiligaas ku laheyd Hotelada iyo ganacsiga waaweyn. ganacsatadaas iskaka haajiray dalka waxaa ka mid ahaa Abdullaahi Nuur Guuleed oo ay Somalidu u taqaano Garguurte.

Garguurte waxuu ahaa milkiilahii Hotelkii weynaa ee Guled amaba Hotel Guled ee ku yiilay inta u dhaxeysa Hotel Kaah iyo warshada Baastada kana soo horjeeday Tiyaatarkii Ladane ee halkaas laga dhisay aaqirkii 80th's-kii. Hotel Guled xiligaasi waxuu ahaa one of the best Hotel in East Africa. marka laga soo tago Hotelka waxaa kale uu lahaa warshadii qalabka guryaha ee Guled Mobil.hadaba bur burkii kedib halkee ku danbeyey Ganacsade Garguurte?

Hotel Gulled Mogdisho oo uu fanaanka caanka ah Hasan Aden samater ku qaadayo mid ka mid ah heesahiisii laga daba dhacay berigaa.

Garguurte waxuu dagaaladii sokeeye kedib sal dhigtay dalkaasi Tanzaania oo uu dagaaladii sokeeye ka hor ku lahaa saaxibo badan oo wadankaas ka mid ah iskuguna jiro ganacsato, siyaasiyiin iyo waliba shaqsiyaad uu ka dhaxeyey ganacsi.

ganacsadaha ayaa 20kii sano ee ina dhaaftay saldhig ka dhigtay dalkaasi Tanzaania oo ah wadan u dhaw dalka Somaliya lagala socon karo hadba xaalada wadanka uu ku sugan yahay si hadii nabad leysku haleyn karo ay ka curato dalka isaga iyo inta badan ganacsatada Somaliyeed dib ugu laabtaan si ay dib u dhiskiisadalka kaalin weyn ugu qaataan.

Garguurte waa muwaadin Somaliyeed kana soo jeeda Hiiraan waa ganacsataha iska leh Hotelka weyn Baagamooya. sida laga soo xigtay wasaarada Dalxiiska dalkaasi Tanzaania waxuu Hotel galay kaalinta koowaad in ka badan 3 jeer tan iyo markii uu ku soo biiray Hotelada ka jira dalkaasi.

Cabdullaahi Nuur Gulled waa ganacsade Smart ah sida ay xaqiijiyeen shaqsiyaad si weyn u yaqaana isaga waana Risk Taker amaba nin u bareero qatarta ganacsiga, inkastoo nin ay wax u kala go'aan oo kaliya qatarta u bareeri karo laakinse isagu ganacsigiisa inta badan waxuu ku saleeyaan qaabab badan sida ka hor inta uusan ku dhaqaaqin ayuu sameeyaa daraasaad dhinacyo badan leh. waxuu qaabeeyaa qaabka uu u doonayo hadba ganacsiga uu markaasi damacsan yahay.

Garguurte waa aabe leh xaas iyo caruur. walito waa joobane markaad muuqaalkiisa aragto. waana nin ay ku weyn tahay Somalinimada mana ahan shaqsi xaasid ah. waa nin gacan furan haduu ugu talo galo.

Hadaba ha u daymo la,aan Hotelka weyn ee Baagamooya Hotel Paradise Holiday Resort Bagamooya, Tanzaania. Baagamooya2 Hiiraan State soon.

Hoyga wararka Sugan
Hiran state online
www.hiranstate.com
Webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.33 seconds
14,579,530 unique visits