Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xildhibaanadii reer Hiiraan ee maalmahan ku sugnaa Ethiopia oo gaaray Hiiraan

Wararka MaantaHiiraan(HS)- Wafti balaaran oo ay hogaaminayeen mudanayaasha baarlamaanka Somaliya ugu jira reer Hiiraan qaarkood oo uu hogaaminayey xildhibaan Waare oo gaaray Hiiraan kedib markii ay xaliyeen laguna guuleystay in la mideeyo saraakiisha horboodeyso ciidamda reer Hiiraan oo iyagu kala matali jiray kooxaha iskaka soo horjeeda arimaha Soamliya amaba Hiiraan.

Waftigan oo ay xildhibaanada ku wehliyeen saraakiil kala duwan oo iyaga lagu heshiisiiyey gudaha wadanka Ethiopia ayaa ugu danbeyn maanta ka wada raacay wadankaasi hal diyaarad. ujeedada socdaalka xildhibaanda ayaa ah in la mideeyo ciidamda reer Hiiraan kedibna siwada jir ah loo wajaho arimaha siyaasada Hiiraan iyo Soamliya iyadoo waxkasta lagu saleynayo rabitaanka shacabka Hiiraan.

Mar aanu caawa la xiriirnay inta badan Hiiraan ayaa siweyn looga hadal hayaa imaatinka waftigan oo iyagu howshoodu tahay sidii ay reer Hiiraan u noqon lahaayeen umad dhianc kasta ka mideysan oo isku ujeedo ah si looga gaaro himiladaasina waxey horta xoogooda iskugu geeyeen iney mideeyaan ciidamda ku jira furinta saraakiishooda halka ay ciidanka u qudbeyn doonaan maalmaha inagu soo aadan iyagoo wada jira xildhibaanada iyo saraakiishii lagu heshiisiiyey gudaha wadanka Ethiopia.

Inta badan shacabka Hiiraan kuwooda ku sugan gudaha iyo dibada ayaa aad u soo dhaweynayo isku day kasta oo ficil wata oo lagu mideynayo reer Hiiraan, sidoo kale maadamaa lagu jiro waqti kala guur ah waxey u badan tahaya in xal rasmi ah laga gaaro siyaasadaha iska soo horjeedo iyo fikir kala duwanaanta ku kala dhax jirta reer Hiiraan.

Jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha oo inta badan isku maaweelin jiray shirar aysan awoodin waxgaradka reer Hiiraan ee dibadaha lagu qabto ayey tani u noqon doontaa hadii la heshiiyo in ay reer Hiiraan gudaha wadanka iskugu yimaadaan oo ay istusiyaan waxii ka qaldan kedibna la abaaro mesha maslaxada shacabka ku jirto amaba fikirka dadku u badan yahay in loo jiheeyo siyaasada guud inkastoo ay shacabku soo dhaweynayaan isku day kasta oo lagu mideynayo siyasada iy danaha reer Hiiraan iyo Somaliweyn.

La soco wararkeena danbe iyo arimaah mudanayasha baarlamaanka ee halkaasi gaaray

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,568,477 unique visits