Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dhismaha xarunta cusub ee agoonta Ugaas Khalif ee Beletweyn oo lagu wado in lagu guuleysto dhismaheeda.

Wararka MaantaBeletweyn:(HS)- Dadaalo lagu xaqiijinayo sidii loogu guuleysan lahaa dhismaha cusub ee agoonta Ugaas Khalif ee belet weyn oo ay wadaan jaaliyadaha reer Hiiraan ee qurbaha.sdioo kale waxaanu halkaan ku soo gudbineynaa magacyadii dumarkii ka qeyb qaatay dhismaha agoonta ee ku nool dalkaasi Norway halka wadamo badana lagu wado iney ka qeyb qaataan dhismaha qeybtiisa danbe siiba dadka qeyrka jecel ee ka damqaday agoontaas aan hoyga heysan.

Inta badan in uu qofku wax sadaqeysto waxaa ka horeysa inuu ilaah la doonto taasina ma ahan wax uu heli karo qofkasta waxuu ilaah waafajiyaa inta uu qeyrka la jecel yahay amaba niyada wanaagsan u muujiya Allaah una naxariista dadka aad ugu baahan in la kaalmeeyo sida agoonta iyo waxii la mid ah.



hadaba waxaanu horey u soo gudbinay magacyada dumarkii reer Toronto oo ka qeyb qaatay mashruuca qeybtiisii hore hadana waxaanu maanta soo gudbineynaa magacyada dumarka jaaliyada Norway oo fulinayey codsi uga yimid Ugaaska beeshooda Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif oo siweyn uga warqaba amaba gacanta ku haya caruurtaasi noloshooda iyo gudiga agoonta oo soo gudbiyey baahida caruurtaan ay u qabaan hoy ay seexdaan waxna ku bartaan, kedib markii laga saaray gurigii ay ku jireen magacyadiina waa kuwan.



1-Ruqiyo Shiikh Ibraahim
2-Canab Cabdullaahi
3-Xaliima Camaleeto
4- Fadumo Ali Maalin
5-Ubax Hsan Xanash
6- Hodan Cabdi Sandhool
7- Xabiibo Barre
8-Qaali Hasan Xanash
9-Hodan Ibrahim Abdi
10-Maryan Xasan
11-Ayaan Shuuriye Huuti
12-Deeqo Hasan Geedi
13-Fadumo Ali Maxamud
14-Ayaan Geelle Cilmi
15-Yurub Hasan Geedi
16- Saciido Caafi
17-Canab Ahmed Qoroyow
18-Sahro Cilmi Sabriye
19- Maryan Ali Xanash
20-Deeqo Mohamed Saciid
21-Ubax Ciise
22- Carabo Dheer
23-Leylo Hasan Bireeye
24-Ayaan Cabdullaahi
25- Raaxo Ilka Boqol
26-Sahro Cumar Diiq
27-Seynab Sh Sharaawe
28- Xalimo Cuamr Xaas
29-Saliido Ali Siyaad
30-Raxmo Mohamud Caalin
32- Shamso Ahmed Takar
33-Maryan Cumar Jeelle
34-Xaliimo Daahiye Ali
35-Cadar Ali Siyaad
36-Shariifo Hagar
37-Sahra Ahmed Rooble
38- Siraad Ali Raage
39-Sahro Mohamed Ceymoy
40-Farxiyo Yusuf
41-Istarliin Ahmed Abukar
42-FArxiyo Khaliff Yusuf
43-Safiyo Xawaadley
44-Sacdiyo Mohamed Carab
45-Deeqo Xasan Yuul
46-Fanto Aden Hussen
47-Qaali Abdullaahi
48-Caasho Ali Xanash

Dumarkaan ka qeyb qaatay gurmadka dhismaha cusub ee agoonta koleyto caruurtaasi marka ay weynaadaan amaba gaaraan heer isku filnaasho lagama weyn doono qaar u mahadceliya marka waa muhiim in jaaliyadaha kale ee dunida dacaladeeda ku nool ku daydaan gedbdhaha Toronto iyo Norway wadamada kale ee ka qeyb qaatay dumarkooda waanu idiin soo bandhigi doonaa. arinta kale ee iyaduna muhiimadeeda leh waa in qurba joogta markasta dhaqaalo la soo weydiiyo iyadoon midii hore ay bixyeen meel ay martay iyo ujeedadii ay u bixiyeen in lagu fuliyeye loo soo sheegin ayaa mid hor leh la soo weydiin jiray, laakine maamulka agoonta waxkasta oo sadaqo ah oo soo gaara waxaa lagu soo bandhigaa webka ku hadla afka agoonta agoonta.et



Walaalayaal si Hiiraan looga fuliyo mashruuxweyn oo Isbitaal hooyada iyo dhalaanka oo ay hada qaban qaabadiisu bulaaw tahay looga hirgalinayo degmada halgan amaba Koronto Uno waa lama huraan in la dedejiyo lagana qeyb qaato odhismaha cusub ee xarunta Ugaas Khalif oo hada ay hdismaheedu meel fiican marayan si loogu helo agoontaan goob ay wax ku bartaan waa lama huraan in lala gaaro sadaqada mida ugu qeyrka badan oo ah mida loogu deeqo agoonta iyo dadka dan yarta ah.

Walaalayaal sida aan muuqaalka sawiradan ku aragtaan caruurta gudiga aad aragtaan ee biyaha ugu soo galay sanadkii tagay hada gacantooda kuma jiro oo waxaa dib ugu baahday dadkii lahaa hada ma heystaan meel ay degaan amaba ku hoydaan.

Hadaba waxii faah faahin ah amaba ku wajahan gurmadka agoonta la xariir www.agoonta.net amaba la xariir shirkadaha xawaalada ka howl gala Hiiraan amaba dadka qaraabadaada ah ee Hiiran ku nool ugu hagaaji iyagaa u geynayo maamulka agoontee.

walaalayaal qofka inta soo dhoofay dadkiisii u gargaaray waxuiu ka wanaagsan yahay kuwa aanba dad ay u maciinaan iska daaye u gargaarida waalidkood gabay oo maalinkasta iyagoo qurbaha jooga laga baafinayo xafiiska Bisha Cas, marka dumarkaan inkasta oo ay waxaani u tahay sadaqo hadane wey mudan yahiin la xuso magacyadooda si caruurtaani ay berito dadkii u maciinay xiligii ay kaalmada u baahnaayeen uga aqoonsadaan kuwa aan maciinin.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,599,821 unique visits