Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Urur uga qeyb gala doorashada soo socota oo ay ku dhawaaqeen inta badan hogaamiyaashi midowgii maxkamadaha.

Wararka MaantaMogdisho: Ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed waxiiba ka nool ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho Xisbi siyaasadeed uga qeyb qaata doorashada soo socota oo ay hoggaaminayaan 21-xubnood dad lagu qiyaasay halka guddoomiye loga dhigay Abuukar Daahir Maxamed.

Kulanka ururkaan looga dhawaaqay oo uu siweyn ula socday madaxweynaha Somaliya iyadoo leys tusiyey hadii wadanku ay ka dhalato dowlad rasmi ah iney meesha ka baxeyso geeridii ku timid 5000 oo caruur Somaliyeed ah oo ay maxkamadahii mudadii ay jireen ku laayeen dagaaladii Moode Moode iyo Deynuunaay iyadoo xiligaasi dadka dhan ay gaalo u ahaayeen halka ay hogamiyashii midowgii maxkamadaha oo kaliya isku arkeen iney iyagu diinta dadka kale wakiil uga yahiin ilaa ay soo baxaan kuwo kale oo la baxay Shabaab oo iyaga sii gaaleysiiyey. si marka aysan u lumin taariikhda dhalinyaradaas iyo hogaamiyaal badan oo xiligaasi dhintay waa in la helo urur magacoodii ku hadli kara ujeedad ururkuna waa intaas.

Shirka maanta dhacay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dad lagu qiyaasay ilaa 100 xubnood oo isugu jira xubno horay uga tirsanaa maxkamadihii Islaamiga iyo waxgarad kala duwan,waxaana xisbigan la sheegay inuu yahay gogol-xaar lagu dhisayo xisbiga ay ku mideysan yihiin xubnihii maxkamadaha Islaamka oo dhan si ay dib ugu hantaan siyaasda Soamliya oo ay quul dareynayan inuusan ku guuleysan karin xiligaan gudoomiyahoodii gudiga fulinta ahna madaxweynaha hada talada haya.

"Sababaha keenay in la dhiso xisbi ku abtisada Maxkamadihii Islaamka waa kuwo ka dhashay xaalada kala guurka ah ee uu dalku marayo waxaanu istusinay madama ay dalak ka dhalaneyso dowlad rasmi ah in aanu siyaasado cusub la nimaado hadaanu nahay hogaamiyaashii maxkamadaha," ayaa ka mid ahaa qudbado horu dhac ah oo uu halkaasi ka jeediyey C/raxiin Ciise Caddow oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

C/raxiin Ciise oo ahaa afhayeenkii Maxkamadihii Islaamka oo warbaahinta u akhriyay qoraalkii kasoo baxay kulanka ay xisbiga ku dhisteen ayaa sheegay inay go'aansadeen in la dhiso xisbigan lana baadi-goobo dhammaan dadkii ku abtirsadn jiray Maxakamadihii Islaamka.

Inta badan hogaamiyaashii midowgii maxaakiinta ISlaamiga ayaa mudo dhawr bilood ah ciidamo ku aruursanayey gudah amagaalda Mogdisho iyo nawaaxigeeda waxaana lagu wadaa in ururkaan madax looga dhigo mustaqbalka marka shirweynaha leys kugu yimaado rag ay ka mid yahiin Xasan Daahir Aweys oo lagu wado in isaga iyo ciidankiisu ay ka soo baxaan ururka ay hada ka tirsan yahiin ee Shabaab.

"Xubnaha xisbigan hoggaaminaya oo 21-xubnood ah waa kuwo qaban-qaabinaya shirweyne si wadajir ah loogu dhiso xisbiga, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xisbigan.

Sidoo kale warmurtiyeed ayaa sidoo kale lagu sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada qorshaha dib u dhiska dalka iyo adeega shacabka, iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan iyo tartanka nadiifka ah oo si cadaalad ah ay dadku u dooranayaan cidii ay rabaan oo ay u arkaan inuu isbedel sameyn karo.ururkani ayaa lagu dhawaaqay kedib markii ay inta badan la xaqiijiyey iney Somaliya ka dhaceyso doorasho oo ay xukuamda hada jirta ee kumeel gaarka ah meesha ka bixi doonto iyadoo lagu bedelayo mid rasmi ah.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatooyinka joogtada ah ee ay dagaalladu keeneen sida: dhimashada, dhaawaca, qaxa, burburka hantida iyo IWM, waxayna ku baaqeen in ummada Soomaaliyeed ay isgargaarto oo ay waji cusub shacbaka u furaan.isku soo duuboo Shabaab gurigeeda ayuu biyo ugu so galay waxeyna masuuliyiintii iyaga horey ay saaxiibada u ahayen u xuubsiibanayaan ku biirida amaba dhisida ururo siyaasadeed cusub si loo daboolo dhibtii dhacay iyo tacadigii loo geystay shacabka.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.80 seconds
14,581,304 unique visits