Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Puntland oo horey u marti galisay ciyaarahii gobolada dalka ma laga yaabaa iney shirweyne Somaliyeed marti galiso?

Wararka MaantaPuntland:-Sida muuqata siyaasada Somaliya waxey mareysaa heer aysan waligeed gaarin 21 sano ee inadhaaftay.tan iyo waxii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye aduunyadu waxey siyaasadooda ku koobeen Mogdisho iyo nawaaxigeeda oo kaliya dowlad kasta oo la soo dhiso marka dhaqaalo loogu talo galay in wax looga qabto dalka intiisa kale sida caafimaadka,nabadgalyada, iyo waxbarashada dhaqaalahaasi ma gaaro dadkii loogu talo galay oo waxuu ku dhamaadaa gacanta masuuliyiinta markaasi ku sugan Mogdisho oo kaliya inkasta oo ay Puntland tahay maamulka kaliya ee xaqiisa xoog uga soo dhacsada tiiyo aan hada looba soo marsiin TFGda wax dhaqaalo ah oo iyaga iyo Somaliland shirarka caalamiga ah loo ogolaaday iney ka qeyb galaan mashaariicdoodana si goyni ah loo siinayo hadii isbuucyada soo socda qilaafka Mogdisho dhaman waayo.

Hadaba maadama caasimadii Somaliya ay noqotay goob colaadeed ayna isku heystaan in ka badan 10 kooxood oo midkastana ay maamusho 4 ilaa 5 KM maxaa laga filan karaa amaba sidee ay suuro gal u tahay inba lagu guuleysto hadiiba ay dhacdo in lagu shiro.

1- Dadka ku shirayo ma waxey xooga saarayaan iney raadiyaan meeshii ay xabada ka gali lahaayeen mise arimo dib u heshiisiin ayey ka hadlaan goobtii amaba magaaladii lagu shiraryeyba ma jirto cid ay gacanta ugu jirto dowlad walaa mucaarad?

2- Yaa dib u shiishiin u baahan horta ma shacabka Somaliyeed mise hogaanka sare?

Bal aanu wax yar qeexno qodobkaani. Inkasta oo ay koofurta Somaliya ay ka jiraan dagaalo hadane shacabku wuu is dhex maraa oo gaarigaad ka soo raacdo Kenya waxuu ku geynayaa Jabouti waxa kaliya oo isbedelayo markaad safarkaasi ku jirto waa uun meelaha aad mareyso baraha koontaroolada ah oo magacyo loo kala bixiyey laakinse dadku kalama xir xirna oo wey is dhex maraan. cida maanta dib u heshiisiin rasmi ah u baahan amaba in loo aqli celiyo u baahan waa hogaanka dalka ugu sareeya oo iyagu iskaba daa Somalida dhexdeedee ay aduunyadu garan la yahiin wax ay ka qorto.

Hadaba su,aashu waxey tahay Mogdisho ma tahay meel ay Somaliweyn ku shiri karto maanta, iyadoo la ogyahay qilaaafka dhex yaala Villa Somaliya amaba masuuliyiinta dowlada? su,aashu waa maya. hadiiba ay dhacdo in Somaliweyn eyi sku keento mar hadii aysan dowladu awoodi karin iney caasimada Somaliya ay nabadeyso oo ay wada qabsato waa in leyska iloobo damaca iyo qabiil qabiilkaan shacabka la haray shirarka noocaasi ahne loo weeciyo degaanada nabdoon ayuu yiri Abdi Omar oo ah ardey wax ka barta waqooyiga America.

Hadaba marka laga hadlayo deegaanada nabdoon dabcan waa Somaliland iyo Puntland si looga hortago in shir danbe lagu qabto dibada koleyto masuuliyiinta TFGda ma heshiin doonaan kedibna shirarka danbe waxaa loo weecin doonaa Kenya marka si ay ugu yaraan dhaqaalo u helaan dad Somaliyeed waa in shirka danbe la geeyaa degaanada nabdoon ayaa ka mid ahaa cod bixin aanu shacab kala duwan ka qaadnay 24tii saac ee ina dhaaftay qeybaha kala duwn ee bulshada Somaliyeed oo intooda badan bedelkii ay shirarku ka dhici lahayeen dibada gudahiina aysan suuroobeyn meelo badan oo ay caasimada Somaliya ka mid tahay in lagu shiro degaanada nabdoon hadiiba dadkooda diyaar u yahiin arintaasi.

Dowlad goboleedka Puntland oo ah degaankii suuro galiyey in lagu qabto tartankii ciiyaaraha gobolada xiligaasi oo uu qilaafka dowlada sida uu hada yahay ahaa ayaa laga yaabaa hadii ay maskax caafimaad qabto ku ololeeyaan iney kasban karaan in loo weeciyo shirarka ay ku baxaan malaayiinta dolar ee lagu qabto magaca Somaliyeed hadane la geeyo dalka dibadiisa iney iyadu marti galiso maadama dhaqaalahaas ay qaadanayaan wadamada deriska ee qeybta ka ah hurinta dhibaatada Somaliya ay lagama maarmaan tahay in loo weeciyo degaanada nabdoon ee dalka.

Arintaani waxey ku suuroobi kartaa hadii ay isku raacaan oo kaliya dhawr maamul goboleed hogaamiyaashooda amaba inta badan shacabka gobolada koofureed hogaamiyashooda kedibna Dowladu weyba ku qasban tahay oo maba heyso af ay ku dhahdo degaan hebel ma ahan meel nabdoon ee shir laguma qaban karo waxeyna u badan tahay in baarlamaanka Somaliya oo iyagu waxoogaa ka fur furan madaxweynaha iyo Farmaajo ay arintaasi taageeraan, waayo xiligii ay aduunyadu hogaamiyaashaan qilaafka ka dhaman waayey hadalkooda la dhageysan jiray meesha waa ka baxday.

Guntii iyo gabo gabadii waxa la sugayaa shirka ay Mogdisho ku iclaamiyeen madaxweynaha iyo R/wasaare Farmaajo midabka uu yeelan doono maadama ay ugu magac dareen shir wadatashi, sidoo kale waxaanu isha ku heyn doonaa bal dadka ay shirkaasi ugu yeeraan meelaha ay ka imaan doonaan oo iyaduna ah waxa ay aduunyadu sugeyso in shirku yahay shir ay u dhan yahiin Somali oo dhan iyo inuu noqon doono shir dadka ka qeyb galayo laga soo aruuriyo suuqyada Mogdisho ileen meeshu waa Mogdisho oo qaabdaro badan oo aan indhaha shacabka Somaliyeed u rooneyn ayaa horey uga dhacdee.

Shirkaasi uma muuqdo shir sidii la rabay u dhici doona maadama hogaamiyaasha iclaaminayo aysan iyagu heshiis aheyn maba jirto sabab uu u qabsoomo ayaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Aden dheere oo reer Mogisho ah mar aanu ka wareysanay sida uu u arko shirka Mogdisho oo uu ku tilmaamay riyo. waxuuna yiri Mogdisho hogaamiyaal heshiis ah oo dad isku keeni karo ma joogane shirka meel kale hala geeyo siiba meelaha ay nabadu ka jirto sida Puntland oo kale ayuuna inoo raaciyey, runtii shaqsigaasi xitaa ma aheyn shaqsi ka soo jeeda Puntland laakinse waxey taasi ku tusineysaa sida ay shacabku isku bedleen oo ay nabad ugu hamuun qabaan halka ay hogaanka sare walito u bislaan arimo badan oo ay ka mid yahiin nabadeynta Mogdisho.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,600,061 unique visits