Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dumarka beesha Xawaadle ee qurbaha o soo dhaweyey dadaalda lagu mideynayo ciidmada reer Hiiraan

Wararka MaantaHiiraan:-Shacabka Hiiraan amaba Somaliweyn oo inta badan maqli jiray shirar Hotelo qur qurxan lagu qabto oo dalka dibadiisa ka dhaca hadey noqon laheyd mid looga hadlayo Somaliweyn amaba maamulada dalka ayaa hada u muuqda kuwo aysan wax natiijo ah ka soo baxeyn maadaama qodobadii ka soo baxa aysan jirin meel lagula laabto iyagaa si tar tiib tartiib ah u baaba'a maadama goobta ay shirarku ka dhacayaan aysan goob joog ka aheyn shacabkii loogu talo galay amaba dadkii loo aqrin lahaa qodobadaasi ay gudaha wadanka ku nool yahiin.

Hadaba iyadoo laga amba qaadayo dhacdooyinkaas iyo shirarkaas qurbaha lagu qabto oo ay wax ka soo bixi waayeen waxey hada dadku ku mashquulsan yahiin iney taageeraan oo kaliya shirarka lagu qabto gudaha wadanka geed hoostiba ha noqotee. hadaba dumarka beesha Xawaadle ee qurbaha ayaa siweyn u soo dhaweyey dadaalada ka socda gudaha ee ay wadaan xildhibaanada iyagoo ugu baaqay qeybaha kale ee jaaliyadu in ay soo dhaweeyaan dadaadalada noocaani oo kale ah.

Inta badan shacabka gobolada Somaliya wey ku adag tahay iney la qabsadaan hanaanka ay wax u wado Dowlada federalka maadaama aysaba shacabku marnaba arkeyn wasiir ka socda iyada oo shacabka meel fagaaro ah kala hadlaya oo isku xira iyaga iyo sacabka ku nool dalka intiisa kale. hadaan u soo noqono Hiiraan dowladahii hore ee ka horeyey xukumada Farmaajo ma jirin dowlad uusan wasiirkeeda ah tagin Hiiraan wasiiradii xiligaasi u matelayey amaba ugu jiray golaha wasiirada reer Hiiraan. laakinse dowladani waa midii ugu horeysay ee uusan wali cagta dhigin wasiir ka socda iyada Hiiraan taasi ayaana keentay iney dadku taageeraan dadaalka xildhibaanada oo iskugu jira dib u heshiin iyo sidii leys kugu xiri lahaa dowlada iyo shacabka reer Hiiraan.

War bixin dheer oo xaqiiqda ka hadleysa ayaanu ka oo diyarin doonaa sababta ay wasiirada reer Hiiraan u tagi waayeen degaankii ay ku heleen jagada ay ku magacaaban yahiin kedibna aqligaada la kaasho.

Ma ahan dumarkani oo kaliya dadka soo dhaweyey dadaaladan ka socda gudaha Hiiraan waxaana horey u soo dhaweeyey wasiirka warfaafinta Hiiraan State Amb Xooshow oo sheegay iney lagama maarmaan tahay in la dhiiragaliyo cidkasta oo ka shaqeyneysa nabad ku soo dabaalida iyo mideynta reer Hiiraan isagoo ku nuux nuuxsaday in waliba Hiiraan State uu ka imaan doono tanaasulka ugu badan marba hadii lagu midoobayo danta guud ee ka dhaxeysa reer Hiiraan.

Dhawaantan ayey aheyd markii ay gaareen wafti xildhibaano reer Hiiraan ah oo iyagu u amba baxay Hiiraan si ay u mideeyaan cidamada reer Hiiraan oo ay hada u mareyso meel fiican dadaalkooda sida ay nagu soo gaarayaan warar horu dhac ah.

Marka laga soo tago taageerada dumar hadane inta badan shirarka gudaha wadanka lagu qabto waa lagu guuleystaa iyadoo la og yahay golaha guurtida Somaliland dadaalkii ay ka qaateen dib u dejinta Somaliland shirkii Burco halka Isimada Puntlande ay udub dhaxaad u ahaayeen nabada maanta ka jirta Puntland waxaasi oo dhana waxaa sabab u ah iney shirarku ka dhaceen gudaha wadanka amaba degaanadii ay dadku ku noolaayeen.

Si kastaba waxaa lagu wadaa in ay reer Hiiraan meel iska dhigaan fikir kala duwanaanta iyo siyaasadaha qalafsan ee ku kala dhex jira si ay u noqdaan umad jirta oo dhinac kasta ka dhisan una suuro galiyaan nidaam ay ku wada noolan karaan reer Hiiraan kana faa'ideysan karaan Somaliweyn si ay nolol ugu abuurtaan Hiiraan.

Shir dibada lagu qabto oo ka muhiimsanaa kii lagu dhisay Hiiraan State ma jirin sidaasi ay tahay masuuliyiintii Hiiraan State ayaa leh wax kasta waanu uga tanaasuleynaa waana soo dhaweyneynaa shirkasta oo lagu mideynayo reer Hiiraan si taasi u hirgasho oo tanaasul rasmi ah loo helo shacabku waxey jeclaan lahaayeen in shirarka danbe ay ka dhacaan gudaha Hiiraan geed hoostiba ha noqotee qofkii uu damac siyaasadeed ku jirane gudaha ha galo si loo dhaqan galiyo heshiis kasta oo halkaasi lagu gaaro dadkana loo kasbado.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.33 seconds
14,613,461 unique visits