Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Jaaliyada Somaliyeed ee Seattle oo habeenkii xlaeyto aha dhigay wacdaro ay ku soo dhawyenayeen musharaxa Prof warfaa

Wararka MaantaSeattle:-Waxaa maanta reer Seattle ey u aheyd maalin eey iskugu soo baxeen sidii ey ula kulmi lahaayeen Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Prof. Ahmed Mumin Warfaa kaasoo qado sharaf ugu sameeyey qurba joogta reer Seattle xarun aad u weyn si weyna loo sharaxey oo ku taal bartamaha magaalada Seattle.



Xafladaan oo qurba joogtii kasoo qeyb galshey eey aad u badnaayeen rag iyo haween, aqoonyahano, saraakiil iyo culumoba ayaa waxaa si hagaagsan u daadihinayey Ali Aadan Deeqoow "Xaaji Ali" ayadoo hanaanka gogoshu u socoto oow gacanta ku haayey Ilyas Abdi Xayuuke halka eey hareerahooda buuxsheen dhalinyaro iskugu jirey gabdho iyo wiilal oo ayagu si wanaagsan u soorayey martida gogosha amaba xaflada lagu casuumay.



Xaflada ayaa waxaa ayado qur'aan ah ku furey muwaadin Soaliyeed oo lagu magacaabo Sh. Ahmed kadibna waxaa tafsiir ka aqriyey Sh. Yusuf oo ka hadley sida eey muhiim u tahay in musharaxiintu u noqdaan kuwo cadaalad dadka u horseedo kana fogaado gacan shisheeye.

Intaasi kedib waxaa hadalka qaatay Eng. Jamac Jirde oo ka mid ah aqoonyahanadda, duqeyda aadka looga yaqaan magaalada Seattle ayaa waxaa uu aad uga sheekeyey inuu yahay shaqsi mudo fog yaqaaney Prof. Wafraa kaasoo eey mudo 40 sano ka badan aqoon isku lahaayeen waxoowna Eng Jirde yiri anigoo ku hadlaya magaca salaadiinta magaalada Seattle aanu cod buuxda ku taageernay musharaxa Prof. Warfaa oo habeenkii xaleyto ahaa ka jeediyey halkaasi qudbad soo jitatay dadweynahii halkaasi iskugu yimid.



Kedibna Waxaa gogosha lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Mohammed Ali Barre "Indho gaduud" oo ka mid ah Qurba Joogta reer Seattle xubin buuxdana ka ah baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri" Prof. Warfaa uma baahno inaanu barano waa nin magac iyo miisaanba ku dhex leh umadda Soomaliyeed waxaanan idiinku bishaareynayaa inaan codkeeyga aan siiyey Proferka shaki la,aan hadii ilaah igaarsiiyo waqtga doorashada waxaana hal mar isqabsaday sacab iyadoo loo saro gacay xildhibaanka.

Sidoo kale waxaa halkaasi si qoto dheer uga hadlay Dr. Ibrahim Nuur Mohammed "Gacameey" oo ka mid ahaa aqoonyahanadii qada sharafta ka hadashey ayaa asaga si ka duwan marti sharaftii kale uga hadlay qadasharaftii. Dr Ibrahim ayaa ahaa Maamulihii Dugisiga Sarre ee Ahmed Warsame B/Weyne mudo dheer waxoowna Caan ka ahaa Magaalada B/weyne isagoo yiri aniga waxaan Prof. Warfaa ku taageeray laba siyaaboodba 1-waxaan ku taageray kadib markuu dhexda u xirtey in Jaamacad laga furo B/weyne taasoo ah magaalo Soomaliyeed oon aan aad u jeclahay 2- sidoo kale waxaa uu kasoo jeedaa reer aad loo ciseeyo oo sharaf iyo karaamadba ku dhex leh umadda Soomaliyeed sidaas darteed waxaan idiin sheegahayaa in Prof. Warfaa yahay shaqsigii aan kursiga Dalka Somaliya ku aamini laheyn.



Intaasi kedib waxaa hadalka qaatay Nabadoon Elmi Xuseen Sabriye "Cilmi Koofi" oo ah gudoomiyaha Reer Hiiraan ee Seattle ayaa asagu waxoow aad ugu dheeradey in qurba joogta Soomaliyeed ee halkaan ku sugan yihiin kuwo ku daalay qurbaha una baahan dal eey aqoontooda iyo maalkooda kula noqdaan waxaana uu ka codsadey Musharaxa haduu hogaanka dalka ku guuleysto in uu ka shaqeeyo sidii qurba joogta jawi eey dalka dib ugu soo nqodaan loogu abuuri lahaay waxoowna siiyey taageero guud asagoo ka wakiil ahaa dhamaan reer Hiiraanka dagan Seattle.


Sidoo kale goobta ka hadlay Mohamud Ugaas oo ka mid ah qurba joogta reer Seattle kana shaqeeyo wasaarada waxbarashadda ee Seattle ayaa asaga ka sheekeyey aqoonta Warfaa iyo sida uu dalkeenu ugu baahan yahay shaqsi deegaan yaqaan ah madama uu howlo badan ka qabtey dalka intii uu ka shaqeeynayay kuwaasooy ku jiraan dhir uu ku talaaley goboladda Puntland kuwaasoo maanta dalka ku faafey dhaqaalona laga helo.

Intasi kedib waxaa hadlaka qaatay marwo Sucaado Diiriye oo ku hadashey codka haweenka reer Seattle ayaa ayadu kusoo dhoweysey musharaxa Seattle kadibna ka codsatey inaanan la hilmaamin haweenka Soomaliyeed madama eey laf dhabar u yihiin umadda balse aanan xaga maamulka iyo wadatashiga tixgalin gaar ah laga siin kuna dardaarantey in uu qorshaha ku darsado gabdhaha Somaliyeed musharaxa.

ugu danbeyn waxaa madasha ka hadlay Dr. Mumin oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaliyeed ee ka shaqeeyso magaalada Seattle ayaa ka hadley in umadda Soomaliyeed eey iska dhaafaan wararka aan sal iyo raadka laheyn ee umadda iska hor keenayo Warfaana kula dardaarmey in uu nabada iyo xasiloonida uu si gaar ah u tixgaliyo.

Dadweeynihii gogoshaas joogey ayaa hal mar waxaa eey isla haleen sacab iyo mashxarad iyo qosol wada socda kadib markii Mohammed Farah Ali "Waraabeey" oow makarafoonka qabsadey kadibna yiri Mudane Musharax aniga waxaan ahaa askartii 1964tii waxaa jirey mid tuug ah oon 8 jeer xabsiga dhigey balse hada ah nin musharax u taagan oo raba inuu dadka indho sarcaadiyo ee haleeyska jiro, aniga aqoon gaar ah kuuma lihi balse waxaa iiga kaa filan inta maanta gogosha ka hadashey codkeeygana waan ku siiyey intaan tuugaas siin lahaay ayuuna ku soo qatimay.

Mudane Mohammed Makis oo ah qoraa caan ah oo si aad ah looga yaqaan dhamaan waqooyiga America iyo Seattle ahna qoraha joornaal isbuucii mar kasoo baxo magaalada Seattle iyo webka www.runta.com ayaa waxoow aad uga sheekeyey in Warfaa yahay aqoonyahan Soomaliyeed kartidiisii iyo waxqabadkiisiina lagu soo arkey sidii dhidabada ugu taagey Jaamacada Hiiraan iyo sanooyinkii badnaa ee uu wax soo barayey ubadka Soomaliyeed sidaas daraadeedna uu taageersan yahay inuu noqdo musharaxa Warfaa madaxweynaha dalka Soomaliya.

Abdirashid M. Saciid oo ka mid ahaa ardadii wax ka baran jirtey kuliyadii beeraha Soomaliya ayaa asagu yiri Prof. Warfaa waxoow ahaa macalinkeeyga waxaan xasuustaa wiil dhalinyarro ah oo cad oo qurxoon labis qurxoonaa oo aqoon durugsan leh maantana waxaan aad ula dhacey inuu aqoontii lagu yaqaaney uu ku darsadey mid diimeed taasoo aan leeyahay waxaad tahay shaqsi umadda Soomaliyeed ka saari karo mugdiga iyo jahliga ku daba dheeraadey.

Gabagabadii waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey mudane Ahmed Mumin Warfaa oo ah mushaxa qada sharafta u sameeyey qurba joogta reer Seattle. Mudane Warfaa waxoow uga mahadceliyey sidii loogu soo dhoweeyey Seattle asagoo reer Seattle ku amaaney sida eey iskugu duuban yihiin, iyo sidii eey qeeybta uga qaateen safarkii hore ee uu ku yimid Seattle ee ahaa dhaqaalihii uu u aruurinayey Jaamacadda Hiiraan. Prof. Warfaa ayaa yiri Reer Seattle waxaan idiin sheegayaa Jaamacadii aad dhaqaalaha u aruuriseen waxaa la furey sanad ka hor waxaana ka baxda 5 qeyb oo tacliinta sarre ah.

Prof. Warfaa waxow yiri waxaan safar ku kala bixinayay qeybo badan oo aduunka ah dhaqaalo doon ma ahi, codkiina ma idiinku imaan balse inaan idinla kulmo oon is barano isla balano ayaan idiinku imid waxaanan idiin sheegayaa inaad meesha aad dagantihiin aad wax ka barataan, ood siyasadda aad ka gashaan si bari aad dalkiina wax ugu tartiin.

Qudbadda oo dheereyd dhowaan ayaan ayadoo duuban idiin soo gudbin doonaa.

Xafladaan ayaa waxaa qabanqaabadeeda iyo dhameestirkeedaba dhexda u xirtey Qurba joogta reer Seattle oo ay ugu firfircoonaayeen Sucaado Diiriye, Sacdiyo, Seynab Xabeeb, Safiyo, Xaawa, Aamina, Istaahil, Abdulkadir Zulfa, Xaaji Ali, Abdihakim Khaliif, Ilyas Xayuuke, Nabadoon Elmi Koofi iyo qaar kaloo badan oon halkaan lagu soo koobi karin.

Waxaa aanan la hilmaamin karin Cameriistayaasha ayago mudo 12 saac ah taagnaa oo howsha runtii si diiran u wadey oo kala ahaa Mahdi Maaweel iyo Abdikarin Kalkaal. Sidoo kale Xamza ayaa asagu waxoow mas'uul ka ahaa sharaxaadka gogosha qadada.





Dhowaan waxaad daawan doontaan xaflada oo dhameeystiran.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,909 unique visits