Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Musharaxa madaxweynimada Somaliya oo maanta ka amba baxay Seattle

Wararka MaantaSeattle:- jaaliyada Somaliyeed ee ku nool magaalada Seattle Washington ayaa waxaa habeenkii xaleyto ahaa kula kulmay musharaxa madaxweynimada Somaliya Prof Ahmed Muumin Warfaa oo isagu olole xoogan oo uu ku kasbanayo shacabka Somaliyeed ka wada meelo badan oo ka tirsan waqooyiga America.



Prof Warfaa oo ololahiisa ka bilaabay gobolka Minesota ayaa ugu danbeyn hebeenkii xaleyto ahaa soo gabo gabeeyey safaro is xig xigay oo uu ku marayey wadamada Canada iyo Mareykanka oo uu siweyn u kasbaday shacabka ku nool mudadii uu halkaasi ku sugnaa.Sida lagu helayo warar horu dhac ah ayaa shegayo in ololaha xookiisa uu hada u wareegi doono wadamo ay ka mid ayhiiin Yurub, Africa iyo Asia oo ay halkaasi ku sugayaan jaaliyada Somaliyeed oo intooda badan meel kasta ku soo dhaweynayo musharaxa.



Qaabkan uu ku wado ololaha Prof Warfaa waa qaab ku cusub shacabka Somaliyeed maadama musharaxiinta badankood ay isku mashquuliyaan ineyba doorasho dhacyso iyo in kale isagu ololahiisa waxuu sii biilaabay dhawr bilood ka hor waxii mudadaasi ka danbeeyeyne waxuu qeybaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed ka helay taageero aan caadiaheyn oo ay adag tahay si dadka aan goob jooga aheyn looga dhaadhiciyo.



Hadaba hs.com waxey idiin balan qaadeysaa soo gudbinta intii karaankeed ah ololaha musharaxiinta Somaliyeed ee u tagan xilkaan culus ee qofkii ku guuleysta laga doonayo inuu samata bixiyo shacabka iyo dalka si taasi loo helana waa in bal musharaxiinta iyo shacabku is bartaan inkasta oo uu Prof Warfaa u muuqdo mid aan doneyn in loo kala turjubaano shacabka Somaliyeed iyo isaga oo uu xooga saarayo sidii uu meelkasta oo ay sahcabka Somaliyeed joogaan ugu tagi lahaa si uu uga dhaadhciyo hadafkiisa iyo isbedelada uu la doonyo dalka.



Somalida oo intooda badan marka uu qof sidii soo kale waaya arag ah isku soo taago xilkaan isku mashquulin jiray cida qofkaasi watato ayaa hada la yaaban danta goyni ah ee Professor ka iskugu mashquulinayo la kulanka shacabka Somaliyeed, hayeeshee Professor Warfaa hadafkiisu waa in cida la xakumayo ay Somali yahiin dalka la xakumayana u yahay Somaliya sidaasi daraadeed aduunyada iyo isagu waxey isku baahan yahiin marka uu xilkaan ku guuleysto lakinse inta ka horeyso waxuu aaminsan yahay in aysan jirin shacabka Somaliyeed oo la kasbado wax ka muhiimsan ineysan u muuqan isaga iyo teamka garbahiisa jooga ee kula jira oloaha.









Hadaba la soco Video muuqaal ah goor dhaw.

Isha warka Hiiraa State
webmastewr@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.45 seconds
14,600,365 unique visits