Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Doorashada madaxda sare wey dhaceysaa xitaa hadii ay mudada baarlamaanka ay badan tahay

Wararka MaantaMuqdisho:- Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya oo manta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay shirka la filayo in uu bisha June ka dhaco Magaalada Muqdisho oo uu hogaaminayo wakiilka qaramada midoobay ee Somaliya Mahiga halka ay si wada jir ah u magacaabi doonaan gudiyo kala duwan ha'yaddaha kala duwan ee dowlada.

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Shariif Hasan oo manta Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu sheegay in shirka la filayo in uu bisha 6aad ka dhaco magaalada Muqdisho qaban qaabadiisa aysan laheyn Xukuumada Soomaaliya oo arintaasi si qalad ah loogu fasiray shacabka, isagoo sheegay in hogaaminta shirkaasi ay leeyahiin QM halka masuuliyiinta dowlada iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay si wada jir ah u soo xuli doonaan gudiga qaban qabinaya inakstoo ay dowlada howshaasi gudi isgood ah u magacaabeen oo jaaliyada qurbaha taageero uga raadinaya sidii shirkaasi loogu taageeri lahaa waqti kordhinta ay sameysteen ee sanadka ah hadane.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in shirkaasi uu yahay mid daba socda shirkii wadatashiga ahaa ee Qaramada mudoobay ay ku qabatay 12-kii ilaa 13-kii April magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana uu xusay in ay ka wada qeyb gali doonaan maamul goboleedyada ka jira dalka iyo hogaamiyaashii shirkii kan ka horey ka qeyb galay.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay go’aanadii ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada Midoobay isagoo xusay in uu soo dhaweynayo in la wadahadlo si meesha looga saaro khilaafka madaxda dowlada ka dhexjira oo heerkii ugu xumaa gaaray.gudoomiyaha ayaa sheegay in xitaa hadii ay badan tahay mudada ay kororsadeen baarlamaanku ay doorashadii hogaanka sare dhaceyso si loo heli hogaan cusub ayuu yiri.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,579,567 unique visits