Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Afhayeenka Hiiraan State oo ka digay abaaraha ku habsaday dadka iyo duunyada.

Wararka MaantaHiiraan State: Arbaco 22, December 2010(HSOL) Dhibaatooyin bini'aadamanimo kii ugu xumaa oo ku soo fool leh shacabka Hiiraan kedib markii ay halkaas abaaro ba'an ku dhufteen.warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya gudaha Hiiraan State ayaa shegaya in dhulka fog ee miyiga ah dadkii ay bilaabeen iney oon u dhintaan Xoolane warkooda daa.

Hadaba Afhayeenka dowlad goboledka Hiiraan ee Somaliya oo u waramayey webka ku hadla magaca dowlad goboledka Hiiraan State ( Hiranstate.com) ayaa xaqiijiyey in xaalada dad kor u dhafaya dhawr kun oo qoys laga yaabo iney salfadaan abaaraha ka jiro halkaas. afhayeenku waxuu sheegay in hada arintu hadal dhaaftay oo loo baahan yahay in wadan wadan iyo jaaliyad jaaliyad isku abaabulaan shacabka reer Hiiraan ee qurbaha si ugu yaraan intii karaankeen ah aanu gargaarno shacabkaasi.

Sawirkani waa mid ka mid ah abarahii dhawr sano ka hor ku dhuftay halkaas
Afhayeen Xooshoow oo maanta galinkii hore la xariiray gudaha Hiiraan state ayaa sheegay in dhibaatatu ay marba marka ka danbeysa ka sii dareyso mana jirto ayuu yiri shaqsiyad amaba haayado arintaas u istagay ilaa hada maadama haayadahii gargaarka qaab siyaasadeysan looga ceyriyey guud ahan Hiiraan kedibna xafiisyo ka furteen gobolada ku teedsan Hiiraan State.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay Hiiraan ku sugan yahiin haayado Local ah oo ay iska kaashadeen shaqsiyaad reer Hiiraan ah laakinse aysan dabooli karin baahida hada jirta marka xaqiiqda laga hadalo ayuu yiri.

Afhayeenka oo niyad xumi weyn ka muuqatay kedib baaxada iyo qatarta ka soo socota halkaas ayaa ka dalbanayo gurmad deg deg ah jaaliayda reer Hiiraan ee dibada, maadama uu yiri in aan la joogin waqti laga hadlo haayaddo iyo kaalmo dibadeed oo hada arintu tahay mid hadii sidan lagu eegto laga yaabo meel aan wax laga qaban karin iney xaaladu gaarto.

Arintaan ayaa laga yaabaa iney soo dedejiso in gudoomiyaha qurbo joogta Hiiraan State Dr C/qadir Ali Abdi( Xuurka) uu ku dhawaaqo wakiilada wadamada qurbaha u jooga Hiiraan State si ay gurmad deg deg ah ugu bilaabaan wadamada ay joogaan. qorshaha loogu sameynayo wakiilo u jooga Hiiraan State wadamad Yurub, Africa, iyo Asia ayaa hore abaabulkooda u socday laakinse hada waxey u muuqataa in ay arintaasi soo deg dejin doonto maadama xaalku hada marayo meeshii ugu xumeyd ebed.

Aduunyada waxaa wax lagu yahay waa shacab hadii aan loo maciinin xiliga ay gar gaarka u baahan yahiina uma maleynayo iney kalmo u baahan yahiin xiliga ay wax heystaan waayo dadka reer Miyiga ah waa laf dhabarta bulsho kasta oo waxkasta iyagaa hormuud u ah sidaasi daraadeed ma qabo in dhibtaan lagu eegto ayuu siiraaciyey afhayeen Xooshow.

Sawirkani waa mid ka mid ah abarahii dhawr sano ka hor ku dhuftay halkaas
Sida aad ku aragtaan sawirada abaaraha waa qaar ka mid ah abaarahii ay shacabku soo mareen dhawr sano ka hor xiligaas oo dadka meelaha ay joogaan loogu geyn jiray biyaha iyo raashinka si aysan uga soo qaxin degaanadooda.hadase xaalku sidaasi ma ahan qatartuna sidii hore maahan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay madaxda maamulka Hiiraan State ka hadlayan, madaxweynaha Hiiraan State ayaa hore uga hadlay dhawr maalin ka hor isagoo jaaliyada dibada ku boorinayo iney gurmad deg deg ah la gaaraan shacabka inta ay goori goor tahay.


Hoyga wararka Sugan
Hiran State online
www.hiranstate.com
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,580 unique visits