Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Waftigii ay hogaaminayeen xildhibaanada reer Hiiraan oo kulamo kala duwan halkaasi kula leh saraakiisha ciidamada

Wararka MaantaHiiraan:(HS)- Xildhibaanadii reer Hiiraan ee dhawaantan gaaray gudaha Hiiraan ayaa inta badan ku guleystay iney mideeyaan ciidamda reer Hiiraan iyagoona dhawaantan la kulmi doona qeybaha kale ee bulshada reer Hiiraan iyagoo ku sugan degaanka Kalabeyr oo ay maanta saraakiisha kula kulmeen.

Xildhibaanadan oo uu hogaaminayey xildhibaan Waare ayaa kulamo kala duwan kula yeeshey dalkaasi Ethiopia qaar ka tirsan horjoogayaasha ciidamada Hiiraan oo mudo 2 sano ku dhawaad ah ku dagaal galeyey magacyo iyo ururo kala duwan. dadaalada xildhibaanada ayaa horudhac u ah dadaalo lagu mideynayo fikirka iyo maskaxda reer Hiiraan iyadoo muhiimada 1aad la siinayo sidii guud ahaan Hiiraan looga xoreyn lahaa cadowka iskugu jiro shisheeyaha iyo sokeeyaha oo ka taliya inta badan Hiiraan iyo koofurta Soomaaliya sida Alqacida iyo dhalinyarada ay qaldeen ee Shabaab.

Bulshada reer Hiiraan oo mudo ku soo jiray colaado is xig xiga oo ay dad badani ku nafwaayeen tiro kalena ay iskaka carareen guud ahaan Hiiraan iyagoo qaxooti ku ah qeybo ka tirsan Somaliland iyo Puntland oo ay habeysteen amaba nabadeysteen dad reer Hiiraan oo kale ah ayaa hada lagu wadaa iney wax badan iska bedelaan siiba dhinaca fikir kala duwanaata iyo ismaqal la,aantii ragaadisay bulshada.

Inta badan siyaasada reer Hiiraan amaba koofurta Somaliya waxaa maanta hor boodayo dad aan marnaba u naxeyn shacabka hadane doonayo iney shacabkaas hogaamiyaan oo ay xakumaan iyagoo qaab qaldan u maraya. dadaaladan ay xildhibaanadu wadaan oo aanu warar horu dhac ah ka heleyno ayaa sheegayo in ujeedadoodu tahay in marka hore la xoreyo Hiiraan oo dhan intey doonto ha qaatatee, kedibna shirweyne loo iclaamiyo ka dhaca gudaha Hiiraan dhamaanba jaaliyadaha dibada iyo kuwa gudaha sidaasina ay shacabka reer Hiiraan ku doortaan amaba kusameystaan hogaan cusub amaba isku raacaan cidii ugu macquulsan kuwa hada jira si taasi loo helana waa in cidkasta oo daneyneysa arimaha Hiraan amaba mustaqbal ka leh siyaasada Hiiraan ay hada ka qeyb qaatato xoreynta iyo nabad ku soo dabaalida Hiiraan.

Markaad u guur kasho qaabka ay u dhaqmaan kooxaha hada la mideynayo oo ka dagaalami jiray gudaha Hiiraan waxaad arkeysaa 2 ilaa 3 nin oo ilmo adeer ah oo hadane midkasta sheeganayo magac urur hadane doonayo inuu ku hadlo amaba isticmaalo magaca guud ee reer Hiiraan. sidoo kale waxaad arkeysaa kuwo isla kooxahaas qurbaha ka wacayo oo aan marnaba gudaha tageyn iyagaasne kala taageersan taas oo meesha ka saartay dantii guud ee reer Hiiraan ayna isku aqli noqdaan kuwii qurbaha joogay iyo kuwii gudaha ku jiray ee 21 ka sano colaada ku dhex jiray.

Hadaba mar aanu shacabka Hiiraan ka soo aruuriney xog rasmi ah oo aanu maanta siyaabo kala duwan ula xariirnay waxuu hadalkooda nuxurkoodu noqday reer Hiiraan cidii kasbato oo fikir caafimaad qabto la timaado ayey dooran doontaa maamuladan dibada lagu soo dhisay sida Hiiraan State iyo Midland amaba kuwa iyagaas kedib maseyrka lagu dhisay ee dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ka wada Hiiraan sida Dooxada shabelle iyo Ahalusuna dhamantood shacabka ayaa kala saari doona marka la helo waqti leys wareysan karo oo jawiguna sida uu hada yahay ka wanaagsan yahay hase ahaatee waxey aad u soo dhaweeyeen dadaalada ay wadaan xildhibaanada oo iyagu dadka waadax uga dhigay hadafkoodu waxa uu yahay meesha uu ka bilaawdo iyo halka uu ku dhamaanayo.

Shacabka intooda badan waxey lahaayeen maamulka ugu macquulsan waa Hiiraan State laakinse ciladiisu waa hogaamiyahoodii oo Mogdisho soo dhaafi waayey maahane waa maamulka aanu ku rajo weynahay mustaqbalka inuu shacabka kasbado si taasi loo helane waxey talo ku soo jeediyeen inta ay socoto xoreynta Hiiraan inuu yimaado gudaha uuna kala diro dowladaan wasirada aan la aqoon meel ay ka howl galaan ee 25 ah loo sameyey intooda badana qurbaha iska jooga marka laga reebo tiro yar oo aan xitaa Hiiraan joogin, inkasta oo ay sheegeen in madaxweynaha Hiiraan State uu yahay shaqsiga kaliya ee dowlada iyo reer Hiiran isku xiri kara maadama u yahay shaqsi nidaam iyo kala danbeyn doonaya inta ay ka maqleen iyo taageeradii lagu doortay shirkii mudada soo socday.

Sidoo kale shaqsiyaadka aan xogtaan ka soo aruuriney ayaa aad u dhaliilay wasiirada reer Hiiraan ugu jiro dowlada federalka oo ay ku sheegeen daneysta yaal aan war iyo wacaal u heyn qaabka ay u nool yahiin shacabka oo ay magacooda ku heleen jagada iyagoo intaasi raaciyey ineyba adag tahay iney kala cadeeyaan wasiiradaas reer Hiiraan TFGda ugu jirta inta dumar ka ah iyo inta rag ka ah maadama aysanba arag geeridii Cumar Xaashi Aden kedib wasiir si daacad ah u yimaada Hiiraan oo dadka la qeyb sada nolosha rasmiga ah ee halkaasi ka jirta.

Guntii iyo gabo gabadii waxey ka codsadeen jaaliyadaha dibada, wasiirada reer Hiiraan ugu jira TFGda in ay ilaah ka cabsadaan oo ay hadii aysan Hiraan imaan karin oo aysan wax ka xoreyn karin shacabka ka daayaan kooxaha ay kala taageerayaan cidii damac siyaasadeed ku jirtana ay gudaha Hiiraan yimaadan oo ay dadaalada socda ka qeyb qaataan si shacabka reer Hiiraan loo samata bixiyo waqtigan adag ee ay xabada la ordayaan wiilal dhainyaro ah oo dagaaladii kedib dhashay oo aan waligood helin wax ku haga jidka wanaagsan marka laga reebo in farta loogu fiiqo iney wax dilaan ama iyaga la dilo.

Runtii shacabku waxey u baahan yahiin tanaasul guud iyo in shirweyne leyskugu yimaado gudaha Hiiraan ka dhaca oo laga daayo jahwareerka iyo siyaasadan kooxeysiga kudhisan ee aan wax natiijo ah lagu gaareyn. xogtani waa fikirka rasmiga ah ee Hiiraan yaalo. sidoo kale dumarka reer Hiiraan ayey ka codsadeen iney kaalin fir fircoon ka qaataan dadaalkasta oo shacabka isku soo dhaweynayo. waxey si gooyni ah uga codsadeen suxufiyaasha wax ka qora Hiiraan iney ilaah ka cabsadaan oo aysan sida ay shaqsiyaad ay taageersan yahiin amaba ay dhaqaalo yar ka taaqeen jecel yahiin wax u qorin ee ay eegaan maslaxada guud iyagoo farta ku fiiqay in qaxootiga ugu badan ee dalka Yemen ku dhibaateysan oo waalidkood oo aan Hiiraan waxbo ku heysan soo wacaa yahii reer Hiiraan eyna mudan yahiin in loo maciino oo degaanadii ay u dhasheen loo nabadeeyo si ugu yaraan inta ka hartay bulshada loo bad baadiyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,579,311 unique visits