Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Hiiraan State oo ka digay in xukumada hada jirta loo kordhoyo waqtiga isagoona sheegay in hadii ay taasi dhacdo Soamliya dib ugu laaban doonto dagaalo sokeeye.

Wararka MaantaLondon:- Ambassador Abdullqadir Adulle Xooshow oo ah wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Hiiraan State oo aanu maanta la xariirnay isagoo ku sugan magaalada London ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo iney dhacdo doorasho ka hor bisha 8aad isagoo ka digay in waqti loogu daro xukumada hada jirta oo uu sheegay ineysan aheyn mid ku cusub shacabka Somaliyed oo aysan qaban karin waxii ay hada ka hor qaban waayeen oo ay ku fashilmeen sida dib u heshiisiintii oo ay ka gaabiyeen. 100 maalmood oo ay horey u qabsadeen iyo waliba iyagoo dantooda oo kaliya u cararaya oo aan marnaba danta umada ka turjumeyn.

Wasiirka wasaarada warfaafinta HS ayaa ku tilmaamay xukumada Farmaajo mid NGO ah oo ay wax badan ka duwan tahay xukumadahii ka horeyey. waxuu aad ula yaabay wasiirku sida aysan diyaar ugu aheyn wasiirada Xukumada Farmaajo iney degaanada ay ka soo jeedaan ugu gadaan hadafka dowlada ay ka tirsan yahiin isagoo qaarkood qirayba ineysan xitaa waligood arag amaba tagin meel ay ku yaalaan degaanada ay ku heleen jagooyinka ay ku magacaaban yahiin marka xukumada Farmaajo ma waxey dooneysaa oo kaliya in 1 sano loogu daro iyadoo joogta Mogdisho qeyb ka tirsan oo kaliya? waxaasi aqli maahan sharafna uma ahan madaxweynaha Somaliya laf ahaantiisa inuu ku doodo waqtiga hala kordhiyo xuukumada wasiiradooda aysan xitaa dowladii ay ka tirsanaayeen gaarsiin karin dadkii ay metelayeen.

Amb. Xooshow ayaa taariikh mugdi ah oo la deristay shacabka Somaliyeed ku tilmamaya hadii mudo kordhin loo sameeyo xukumadan isgoona ka digay inuu wadanku dib ugu laabto fowdo iyo dagaalo sokeeye.

Dowlad goboleedka Hiiraan State waxuu ka mid yahay maamulada ka jira Somaliya ha yeeshee wax badan uga soo horjeeda xukumada Farmaajo oo iyadu af mooyee aan wax ficil ah oo ay shacabka ku kasban karto la imaan. sidoo kale shacabka Hiiraan ayaa iyagu qaba in xukumadani tahay xukumad ay hor boodayaan shaqsiyaad daneysta yaal ah oo aan diyaar u aheyn iney tagaan degaanada ay ku magacaaban yahiin oo ay xilalkaan ku heleen qaarkoodna maba yaqaanaan inta KM ee u dhaxeysa degaanada ay ka soo jeedaan iyo caasimada Somaliya ee Mogdisho maadama aysanba waligood tagin degaanada xilkaan loogu magacaabay.

Farmaajo ayaa xukumadiisa ka soo buuxiyey shaqsiyaad aan taageero ka heysan dadkooda amaba aan aqoon u laheyn dhaqanka iyo degaanada qabiilada ay magacooda ku heleen xilalka ay hayaan wasiiro badan oo qurbaha ka tagay mudana ay dalka ugu danbeysay oo isaga oo kale ah.

Amb. xooshow oo aanu muuqaal 10 daqiiqo soconayo waxyaabo badan iyo sida ay u shaqeeyaan Farmaajo iyo xukumadiisa iyo heerka uu beentooda gaarsiisan yahay isagoo ka hadlayo oo waliba cadeymo la taaban karo soo bandhigayo ayaan bulshada u soo bandhigi doonaa. ma jirto cid maanta diideyso iney hesho dowlad Somaliya ka shaqeyso lakinse si aan bulshada loo qaldin maamulka Hiiraan State ayaa dhawaantan warbixino wax ku ool ah oo qancin doona shacabka Somaliyeed soo bandhigi doona laakinse Amb. Xooshow waxuu leeyahay shacabka ha loo turo waana in cidii isku kalsoon ay doorasho u soo diyaar garwdo, shacabkana laga daayo loolankaan iyo siyaasadahan daneysiga kudhisan ayuuna ku soo qatimay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,568,601 unique visits