Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii Kampala oo dhinac u dhacay iyo Farmaajo oo maalinta berito ah qasab isku casilayo.

Wararka MaantaKampala:- Mohamed Abdullaahi Mohamed (Farmaajo) ayaa ugu danbeyn shaqadiisii ku waayey amar ka yimid gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Hasan oo sheegay inta uu wadanka Farmaajo iyo ilaa 6 wasiir oo xukumadiisa ka tirsan ay joogaan inuusan aqbali doonin in madaxweynaha Somaliya hal sano loogu daro.

Waxaan shaki ku jirin xitaa hadii Farmaajo maalinta berito ah is casilo in ay doorashadii dhaceyso waqtigii loogu talo galay oo aysan labada Shariif wax badan ka danbeyn doonin sababatuna waa dhawrkaan qodob.

1- Siyaasada Somaliya hada farahooda wey ka baxday Dhamaanba masuuliyinta uu hareeyey qilaafkan ugu danbeyntii dhaliyey inuu xilkiisa ka tago Farmaajo.

2-Waxaa meesha ka baxay oo beenoobay doorasho hal maalin dhaceyso lama qaban karadii ay madaxweynaha iyo Farmaajo ku cel celin jireen maadama uu wadanku ku jiro dagaal, taasi been ayey noqotay oo beesha caalamka oo arintaasi ka duuleyso waxey hada arkeen in ay masuuliyiinta dowlada hada Kampala wada joogaan sitimaan caasimadii Somaliyana aysan arimaheeda a waxbo iska bedelin hadey jogaan iyo hadey ka maqan yahiin Mogdisho.

3- Qodobkan sedaxaad waa midka loo marayo sidii looga taqalusin lahaa labada Shariif waxaana horta lagu dadaalayaa sidii meesha Farmaajo looga saari lahaa si labad Shariif loo qanciyo ,kedibna aduunyadu wey ogtahay ineysan bil hada kedib ah labada Shariif ku heshiin karin iney xuumad soo dhisaan iskaba daaye in xukumad ay u dhan yahiin golaheeda wasiirada iney ku soo dhisaan waqtiga u haraye waxeysan ka dhamaan doonin soo magacaabista R/wasaare cusub oo muranku ka imaan doono inuu mar kale ka yimaado reerka hada laga qaadayo amaba masuul ka soo jeedo maamul goboleedka Puntland oo waliba Farmaajo oo aan walito is casilin uu magaciisa oo sedaxan caawa ina soo gaaray kaasi oo hada wasiir ka ah xukumada Farmaajo kana soo jeeda degaanada Puntland.

4-Waxaa la ogaaday oo meesha ka baxay walaa madaxweyne amaba gudoomiye baarlamaan midkoodna inuusan u carareyn danta guud ee dalka laakinse la ogaaday in midna Wasiirkiisii 1aad oo aan waxbo ka haleyn si uu u helo sanad dheeraad ah kula taliyey inuu is casilo, halka gudoomiyahii aduunyadu dhaqaajin weysay ee baarlamaanka uu hada ku soo aruuray dano gaar ah oo tiisa oo kaliya ilaashanayo.

Hadaba wararkii ugu danbeyey iyo go,aankii ay beesha caalamka iyo wadamo ay ugu horeyso Ethiopia qaateen waxuu noqday in doorasho la galo labada Shariifna maalmo oo kaliya ka danbeeyaan Farmaajo, taasi micnaheedu waa xitaa ma jiri doonto 3dii sano ee baarlamaanku kordhistay oo waxaa dalka ka dhacayo doorasho iyadoo baarlamaanka hada jira, madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka ay hal mar isla dhacayaan lana suuro galinayo mudo lagu qiyaasay ugu badnaan 6 bilood gudahood iyadoo tirada barlamaanka hada jira uu noqon doono inta u dhaxeysa 275 ilaa 315.

Dabcan dadka Somaliyeed oo siyaabo kala duwan loo jahwareriyo waxaan u sheegeynaa iney Somaliya ka dhaceyso doorasho ka hor bisha 8aad qilaafka hada muuqdana waxuu ku dhaman doonaa iney wadanka doorasho ka dhacdo.

Webka HS.COM waxuu horey u oo qoray arimo badan oo ku saabsan siyaasada Somaliya midkastana waxuu noqday sidii aanu sheegnay. hadii Farmaajo berito is casilo labada Shariif doorasho qasab ah ayey mari doonaan sida R/wasaarahii laga waayey wadanka si uu uga baxo kumeel gaarka doorasho hala galo maanta shaqadiisii weynayo isagoo awal ka qeylinayey bisha 8aad ayaan xitaa bisha Jun dhameysaneyn, haduusan ilaa berito is bedeli doonin oo ku adkeysan doonin inuusan xilka ka tageyn ilaa doorasho la qabto.

Tan kale hogaamiyaasha Somaliya ee hada jira xaqiiqadii sharaftii iyo karamadii umada Somaliyeed ayey ku ciyaaareen maadama ay dalka gaarsiiyeen ilaa madaxweynaha Ugandha oo isagoo ay ciidamdiisu madaafiic ku garaacayaan caasimada Mogdisho hadane hogaankii dalka ugu sareeyey qaarme leeyahay iscasil hadii kale ciidmadeydu Mogdisho kukuma ilaalin doonaan kuwane ugu hanjabayo inuu ciidamadiisa kala bixi doono wadanka hadii uu sii socdo muranka hogaanka sare.

Sow kama sharaf badneyn halka Farmaajo looga yeeray kampala laguna amray inuu iska casilo shaqadiisa ka tago isagoo Mogdisho jooga haduu ku adkeysan lahaa inuu yiraahdo maxaa leygu yeerayaa kampala hadii ay ujeedadu tahay xilkeyga anigaa u tanaasulaa shacabkeyga oo isagoo Mogdisho jooga go,aan qadan lahaa doorashana iclaamin lahaa maanta taariikh ayuu shacabka ugu tagi lahaa mustaqbalkana rajo uu siyaasada dib ugu soo laabto ayuu yeelan lahaa,
ugu yaraana aduunyadu waxey ogaan laheyd dhibta wadanka ka tagaan inuu yahay labada Shariif sida ay hadaba aaminsan yahiin laakinse talo iskuma kaa sheegto.

Isku soo duuboo Somaliya waxa ka dhacaya doorasho deg deg ah oo waliba dad badan ka yaabin doonta qaabka ay u dhici doonto, waxaa laga yaabaa Somalida oo dhinacba mar u carara iney isku mashquulin doonaan dowlad cusub ayaa la soo dhisayaa iyo labada Shariif ayaa Farmaajo ka danbeyn doona iyo wax la mid ah arintaasi waxey suuro gal aheyd intii uu gudoomiyaha baarlamaanka ku dheganaa go,aankiisii hore hada arintu dano shaqsi ayey gashay aduunyaduna sida ay dad badan moodaan uma shaqeyso hada ,nuxurka mustaqbalka Somaliyana waxuu ku danbeyn doona doorasho deg deg ah oo dhaceysa iyadoo waliba waxkasta hoos laga soo bilaabayo. waliba gudoonka baarlamaanka oo is leh hal dhagax laba shimbir ku dil waxuu weyn doonaa labada jago oo uu ku haminayo hadii maalinta berito ah Farmaajo is casilo oo wey adkaan doontaa inuu amaba gudoomiye baarlamaan sii ahaado amaba uu mustaqbalka noqdo madaxweyne Somaliyeed, laakinse waa laga yaabaa iney siyaasada wadanka ku guuleystaan shaqsiyaad ay u ololeeyaan isaga iyo saaxiibadiis.

Qoraaladeena danbe wax la hubo ayaanu shacabka u soo bandhigi doonaa qaabka ay u dhici doonto doorashada soo socota iyo sida labada Shariif aysan Farmaajo uga danbeyn doonin haduu is casilo maalmaha soo socda sida la qiyaasayo. inkasta oo uu Farmaajo xaq u leeyahay inuu hor tago mudanayaasha baarlamaanka Somaliya una qudbeeyo sidaasina shacabka Somaliyeed ku maca salaameeyo hadane waxaan waxaasi oo dhan u saamaxeyn cadaadiska beesha caalamka iyo labada Shariif uga imaanayo.

Hadaanu nahay bahda HiiraanState.com siyaasada Farmaajo waxey na soo xasuusisay xisbiyada ka dhisan dalkaasi Canada ee mucaaradka ah ayaa u heshiiyey xisbiga talada haya iyagoo cod aqlabiyad leh ku riday xukumadii dhisneyd iyagoo is lahaa doorasho cusub hala galo. nasiib wanaag xisbigii keenay taladii lagu riday dowladaasi oo la yiraahdo Liberal oo baarlamaanka ku lahaa ilaa 100 iyo dhawr kursi ayaa markii doorashadii la qabtay iskadaa iney ku guuleystaane xitaa waxey waayeen kala bar xubnahii ay horey u heysteen iyadoo kuraastoodii ay heleen xisbi aan waligii soo gaarin meel fiican oo la yiraahdo NDP, hadaba ujeedada qoraalkeena waa in Farmaajo uu maalinkasta ku jees keesayey madaxweynaha Hiiran State oo Mogdisho joogay mudo 8 bilood ah isagoo maalinba maalinta ka danbeysa ku lahaa beri is sug.

Madaxweynaha Hiiraan State oo xushmad weyn u hayey Farmaajo iyo qoyska guud ee uu ka soo jeedo oo is lahaa waqti adag ayaa lagu jiraaye dulqaado isagoo markasta been u sheegayey isagaba daa inuu si Somalinimo leh ula hadlee waxuu ugu baxay been iyo balamo aan dhamaaneyn sidaasi daraadeed hadii uu Farmaajo is casilo iyo hadii kaleba waxaanu u aragnaa nin aan Somalida kala aqoon amaba hadaan si kale u dhigno rag yaqaan aheyn, marka waxaanu leenahay muwaadin Somaliyeed ayaad tahay kukuma diganeyno good luck.


Isha warka Hiiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net





Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,586,167 unique visits