Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

R/wasaare Farmaajo oo ay qayaameen wasiiradii uu u dirsaday Kampala oo heshiis la galay labada Shariif

Wararka MaantaKampala:- Farmaajo oo kalsooni badan ku qabay inta badan golahiisa wasiirada ayaa ugu danbeyn 3 ka tirsan wasiiradii qurbo joogta ahaa ee uga qeyb galay shirka Kampala ayaa siweyn u qiyaaneen kedib markii ay labada Shariif kula heshiiyaan inuu meesha ka baxo Farmaajo iyaguna soo laabanayaan.

Nasiib wanaag wasiiradaasi oo aanu magacyadooda soo bandhigi doono kedib iscasilaada Farmaajo dad badan ayaa aad u yaabi doona, mar la weydiiyey midkood waxa ay R/wasaare Farmaajo u qiyaaneen ayuu ku jawaabay siyaasadu saaxiib joogto ah ma leh dano joogo ah ayey leetahay.wasiirkaasi waa aqoonyahano sidaa u hadlayo ereyadaasi waxaa magaalada Mogdisho isticmaala caruurta yar yar ee dagaladan ku soo bar baaray oo dhageysan jiray radiyaasha ay ka hadli jireen qab qablayashii dagaalka ee mOgdisho ka talin jiray.

Hadaba waxa Somaliya ka socda waa dulinimo in maanta madaxweynaha Ugandha isagoo maslaxadiisa eeganaya uu bur buriyo xukumadii halkii ay hogaanka sarena shacabka u naxi lahaayeen oo ay doorasho in loo diyaar garoobo shacabka u hor seedi lahaayeen ayey ku mashquuleen farmaajo ha baxo.

Mid ka mid ah culimada Somaliyeed oo jooga Carabaha ayaa laga soo xigtay hebeenkii xaleyto ahaa isagoo leh war heddhe dalku gumeysiba haku jiree howshoodu maxey tahay 550ka mudane ee baarlamaanka isku sheega ee maalinba malinta ka danbeysa gudoomiyaha barlamaanka wado qarjajeex ah la gorayo oo aysan laheyn waanu diidnay waxaad wado?

Gudoomiyaha baarlamanka oo siyaasado badan oo qatar ah oo uu horey u qaatay ku guuleystay mida uu hada ku dhaqaaqay waa midii siyaasadiisa ugu danbeysay hadii uu ogolaado amaba ka mid noqdo shaqsiyaadka in ay wadanka doorasho ka dhacdo diidan.

Wax micno ah shacabka Soamliyeed uma sameyneyso in gudoomiyaha baarlamanka uu kala doorto laba beelood oo Somaliyeed midna yiraahdo R/wasaarahiina lama shaqeynayo kuwane yiraahdo Puntland ayaa leydiin yiraahdaa waan idiinla shaqeynayaa sidaasina dal bur bursanaa 20 sano laguma bad baadin karo shacabkiisa ayuu yiri Col Isaaq oo ah qabiir dhinaca ciidanka ah oo u arka hadii Farmaajo meesha ka tago in ay madaxweynaha iyo gudoonka barlamaanku ay ujeedadoodu tahay fowdo iyo jahwareer shacabka loo horseedayo.

Dabcan dhowr bilood ka hor waxaanu qoraal dheer kaka hadalnay in madaxweynaha Somaliya, gudoomiyaha baarlamaanka iyo waliba Farmaajo ay wadanka Somaliya uga tagi doonaan sidii madaxweynahii Ivory Coast ku dhacday oo kale.

Laakinse marka Farmaajo waa shaqsiye laga soo tago mudanayaasha baarlamaanka garab ma siin karaan miyaa ay kula saftaan Farmaajo maadama uu ahaa nin dacad ah oo ay qiyaaneen wasiiradii uu u dirsaday Shirka kampala?

Siyaasad waa lagu kala aragti duwanaan karaa laakinse R/wasaaraha waxaa siweyn u qiyaanay wasiiradii uu madasha shirka u dirsaday iyagoo iska dhaadhiciyey iney ka mid noqon doonaan dowlada ka danbeysa Farmaajo, laakinse Farmaajo haduu is casilo labada Shariif waxey ka danbeeyaan waa uun maalmo, waliba farmaajo waxuu horseed u noqon karaa kacdoon ay wadanka doorasho uga dhacdo hadii u helo mudayaal baarlamaan oo wadanka ka naxaya diidana go,aankii madaxweynah Ugandha shaqada uga ceyriyey Farmaajo. Dabcan hadii mudanayal damiir leh ay joogaandalkuba labada Shariif waxii ay doonaan kama sameyn laheyn.

Hadaba waxaanu soo bandhigi doonaa dhawaantan sir culus iyo sida uu madaxweynaha Somaliya u doonayo inuu kaka taqalusiyo gudoomiyaha baarlamaanka laakinse waxaanu la sugeynaa iscasilaada Farmaajo.

Wararkii ugu danbeyey ee Mogdisho naga soo gaarayo waxey sheegayaan in magaalda Mogdisho loo kala qeybsan doono maalmaha soo socda oo ay koofurta Mogdishona isku balaarin doonaan ciidamo beeleed huwan magaca Ahalusuna halka waqooyiga Mogdisho ay la wareegayaan ciidamo hoos taga madaxweyne Shariif oo u badan midowgii maxkamadaha.

Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa hareeyey ceeb iyo lama arkaan kedib markii R/wasaare Soamliyeed uu shaqadii hortooda uga ceyriyey madaxweynah Ugandha iyagoo uu hal nin oo afhayeen ah oo ay isaga soo doorteen waxii uu doono ka sameynayo oo aan xitaa lagu arag isku duubni ay siyaasadahan guracan kaka hor tagi karaan.

Wararkii oo dhameystiran la soco xiliga uu is casilo Farmaajo kedib iyo wasiirada Farmaajo qiyaanay magacyadooda.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | hws on August 15 2011 09:02:10
A tourist replica coachhired donkey.
He stopped gucci storesto rest.
refuge in thelouis vuitton storesshadow of.
the donkey louis vuitton stores onlineand a shade.
avoid exposure replica gucci handbagsDonkeys barely.
enough to cover chanel stores onlineof passengers.
shade fierce coach bagsno one think.
owner insisted replica pradahe only letting.
The visitors replica louis vuittonhe employed.
donkeys and shadowreplica coach bagsand even fight.
They debate chanel stores onlinethat people.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,581,312 unique visits