Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 121,380
· Newest Member: oibjgegapisa

Welcome

Afhayeenka Hiiraan State:2011 sanadkii horumarka iyo dib u heshiisiinta reer Hiiraan.

Wararka MaantaMarka aad dib u jaleecdo sanadkii tagay ee 2009 iyo kan aanu hada ku jirno waxaa u dhaxeeyo faraq weyn. sanadkii tagay ee 2009 waxuu reer Hiiraan u ahaa sanad colaadeed iyadoo kooxo sheeganayo magacdiimeed laakinse aano qabiil u socday ay halkaas ku xasuuqeen shacab iskugu jiro waxgarad, culimo, aqoonyahano rag iyo dumarba leh.

Dadkaasi ayaa dhamaantood loo dilay si jamac ah iyo waliba kali kali. waxaa 2009 hal maalin lagu qarxiyey in ka badan 100 qofood oo reer Hiiraan ah Hotel Madina. dadkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin aanu ka xusi karno Col Cumar Xaashi Aden iyo safiirkii Somaliya u fadhiyey C/ Karin Farax Laqanyo. Nabadoono iyo waliba dumar iyo caruur aan waxbo gabsan.Waxaa kale oo iyaguna si gooyni gooyni ah loogu dilay halkaas aqoonyahano ay ka mid yahiin Proffassor Da'ud Hasan Ali iyo macalim wax ka dhigeysay magaalada Belet Weyne oo Kenyati iyo Biritish iskugu jiray.
Proff Da'ud Hasan Ali oo mudo ku noolaa dalkaasi UK ayaa intii uusan ka bixin dalkaasi Uk shir jaraa'id oo uu halkaas ku qabtay ku sheegay inuu Hiiraan ama naftiisa ku weyn doono amaba uu tacliinta caruurta reer Hiiraan meel sare gaarsiin doono. wxaana ugu danbeyn dilkiisa iska kaashaday rag jaamacado ku heysta magaalada Mogdisho oo u arkey in hadii ay Hiiraan yeelato tacliinsare iney weynayaan dhaqalo badan oo ka soo gali jiray ardeyda schoolada sare ka soo qalin jabiya Hiran oo Mogdisho u aadi jiray jaamacad arintaas kama hor dhacayo laakinse marka waqtigeeda la gaaro ayaa la soo bandhigi doonaa.

Sidaasi daraadeed waxaa dilka Proffassorka loo adeegsaday iney fuliyaan shaqsiyaad wax magarato ah oo reer Hiiraan ah. waxaa kale oo ku soo xigay Enjineer Kulmiye oo isaguna lagu dilay bartamaha magaalada Belet weyne xili maqrib ah inkastoo la yaqaano dadkii dilay hadane waxaa loo dilay qaab aan qabiil ka marneyn.

Waxaa sidoo kale maalin cad lagu dilay isla magaalada Belet weyne gudoomiyahii odoyaasha dhaqanka Nabadoon Dacar Xersi Xooshow.

Waxaa si bareer ah loogu dilay isla magaaladaas rag saraakiil sar sare ahaa sida Cabdulaahi Faxar Juni iyo rag kale oon hada ku sookoobin karin magacyadooda halkaan.

Waxaa hal mar dumay Buuntadii Liiqliiqato oo muhiim u aheyd isku socodka shacabka ku dhaqan Hiiraan iyo Bakool oo aad u isticmaali jiray walow ay buuntada jareen ururka Shabaab oo dagaalo ba'an xiligaas uga imaanayeen ciidamo deegaanka ka soo jeeda.

Waxaa hal mar guud ahaan Hiiraan laga ceyriyey haayaddahii gar gaarka ee ku sugnaa gudaha Hiiraan.

Sanadkani aanu kujirno 2010


Sanadkani wuu ka duwanaa samadkii ka horeyey ee 2009 waayo wuu ka colaad yaraa kana horumar badnaa marka xaalada laga eego dhinackasta. waxaa la dhisay ama la furay Hiran University. waxaa lag dhisay oo lagu dhawaaqay Hiiraan State government.waxaa la dhisay masaajidka ugu weyn Dalka Somaliya amrka laga reebo kan Isbaheysiga oo Mogdisho ku yaala. waxaa hada socda dib u heshiin reer Hiiran dhexdooda ah.

Waxaasi oo dhan waxey ka mid yahiin mar xaladahii la soo maray labadii sano ee ina dhaaftay. hadaba iyadoo waxaasi oo dhan la soo maray ayaa hadane waxaa 2011 laga bixinayaa inuu noqon doono sanadkii horumarka iyo dib u heshiisiinta reer Hiiraan. waxeyna u badan tahay inuu waliba noqon doono sanadkii ay reer Hiiraan siyaasada dalka oo dhan gacantooda soo gali lahaa maadama ay hore jaanis u siiyeen inta badan Somalida oo waqtigooda la joogo.

Afhayeenka Hiiraan State Ambassador Xooshow ayaa isagu ku tilmaamay sanadka soo socda mid qeyrkiisa wato oo dalka iyo dadku noqon doonaan mid ay mahadiyaan bulshada ku dhaqan Hiran State. afhayeenka ayaa sheegay in ay waxkasta ku xiran tahay reer Hiiraan sidaasi daraadeedna uu rago ka qabo in sanadkaasi noqdo sanadkii dib u dhiska, horumarka iyo nabad ku wada noolaanshaha reer Hiiraan iyo Somaliweyn.

Ma ahan afhayeenka Hiiraan State oo kaliya dadka fikirkaan qab inta badan shacabka Somaliyeed ayaa qaba inuu sanadkaas noqon doono mid ay mahadiyaan guud ahan shacabka Somaliyeed ee dhibaatada 20 jirsatay halakeysay.

Hoyga wararka Sugan
Hiran State online
Webmaster@hiranstate.com

Comments

#1 | ralph lauren sale on May 21 2012 14:18:17
ralph lauren outlet are definitely the sign of fashion together with adorn.Perhaps you believe this polo ralph lauren men
tend to be simply with respect to adolescent not to mention enthusiastic persons,not exactly.People today spanning various ages will dress in the following type of polobecause it gives stamina and then dynamism to your own method cheap ralph lauren.Good old young people need to further improve hawaii from spirit just by attire even more!To be able to purchase the leading discount ralph lauren women
,you should get most of these tops internet based instead of within area departmental stores, franchisedretail outlets along with department shops et cetera ralph lauren polo shirts
.You can't state that these are associated with inferior due to the fact they are simply low priced things.Quite a few web site can grant traditional polo top just as the genuine a particular ralph lauren sale.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.12 seconds
9,750,988 unique visits