Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 14

· Members Online: 0

· Total Members: 131,309
· Newest Member: ianwg11

Welcome

Xulka qaranka Hiiraan State oo dhiiragalintii ugu weyneyd ka helay qurbajoogta reer Hiiraan.

Wararka MaantaTartanka ka socda gobolka Nugaal waxuu suuragaliyey iney isku arkaan shacab Somaliyeed oo mudo 20 sano ah kala xayirnaa. Shacabka reer Hiiraan kuwooda xilkaska ah ayaa si weyn u amaanay dhamaanba shacabka Nugaal iyo maamulka Puntland oo nabad leysku haleyn karo ka dhaliyey degaanadooda taas oo suuragalisay in ay maanta marti u noqdaan Somali oo dhan.

Intaas kedib waxaa maanta ciyaarayo Qaranka Hiiraan oo iyagu bilaawkii ciyaaraha ku soo galay qaab indhacadeys ah kedib markii laga hor istaagay safarkii ay ku imaanayeen Garoowe oo ay xabsi dhigeen Shabaab oo ah kooxda xooga ku heysata inta badan Hiiraan State.

Kooxda Qaranka Hiiraan ayaa u soo gudbay wareega 8aad kedib markii ay afka ciida u dareen Sh/hoose hase ahaatee waxaa dhiiragalin dhinackasta ah siinayo ciyaartooydii cuslaatay ee hore ugu soo ciyaari jiray Hiiraan. kooxda ayaa sida warar xaqiiqda u dhaw lagu helayo la sheegay in maalin iyo habeen dibadaha laga waco si niyada loogu dhiso iyadoo baahi kasta oo ay sheegtaan leysku dayayo in la xaliyo maadaama ay u ciyaarayaan sharafta iyo jiritaanka reer Hiiraan.

Ciyaarta maanta dhaceyso waxey isku arkayaan Banaadir oo inta taariikhda Somaliya la xasuusto ay xifaaltan dhinaca Sports-ka kala dhaxeysay Hiiraan xiligii bari samaadkii ayaa u muuqda kuwo aan laheyn ilko badan oo ay wax ku goyn karaan halka ciyaariyahanada reer Hiiraan ay inta aysan quraacan Qoonada ay caanka ku yahiin ku bilaabeen kubada halkaasne ay heer kaka gaareen ciyaaraha kubada cagta.

Hadaan dib ugu laabano ciyaarahii gobolada Somaliya Hiiraan waxey si weyn dhinaca ciyaarta isku necbaayeen J/hoose ciyaartii taariikhda gashay ee Somali oo dhan ka wada yaabisay waxey aheyd ciyaartii la magac baxday Moroodigii Qoonada Liqi waayey. kedib markii J/Hoose oo loo caalwaayey berigaa ay dhalintii ka socotay Hiiraan dhaheen isdeji oo xiligaas wargeyskii Ogaal ee dalka ka soo bixi jiray wajigiisa hore lagu soo sawiray Maroodi Qoono liqi la.

Hadaba markaad eegto dhiiragalinta dhalinta Hiiraan ay ka helayaan qurbajoogta iyo waliba sida looga saacidayo qaabciyaareedkooda oo tababaraha kooxda qaranka HS looga saacidayo waxaa kuu soo baxeysa in hadii Hiiraan maanta ka badiso Banaadir aysan u muuqan meel ay dib ugu laabtaan koobkuna noqon doono mid ay isku qabsadaan Hiiraan iyo Nugal amaba Hiiraan iyo Bari.

Dhinaca kale dhalinta Hiiraan waxey magalada Nugaal ku heystaan taageerayaal badan oo xitaa shacabka Nugaal waxey maanta taageerayaan Hiiraan maadama ay u arkaan marka loo eego Banaadir iney Hiiraan ay kaka dhaw tahay.

Hoyga Wararka Sugan
webmaster@hiranstate.com
hiran State online

Comments

#1 | ralph lauren sale on May 21 2012 14:20:56
ralph lauren outlet are definitely the sign of fashion together with adorn.Perhaps you believe this polo ralph lauren men
tend to be simply with respect to adolescent not to mention enthusiastic persons,not exactly.People today spanning various ages will dress in the following type of polobecause it gives stamina and then dynamism to your own method cheap ralph lauren.Good old young people need to further improve hawaii from spirit just by attire even more!To be able to purchase the leading discount ralph lauren women
,you should get most of these tops internet based instead of within area departmental stores, franchisedretail outlets along with department shops et cetera ralph lauren polo shirts
.You can't state that these are associated with inferior due to the fact they are simply low priced things.Quite a few web site can grant traditional polo top just as the genuine a particular ralph lauren sale.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.36 seconds
10,312,606 unique visits