Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaaraya Villa Ugandha, Faroole oo caawa la hadlay gudoomiyaha baarlamaanka si R/wasaare maqaarsaar ah loogu doorto C/wali.

Wararka MaantaV/ Ugandha:-Kedib isjiid jiid badan iyo muran dhaliyey qaabkii R/wasaare maqaarsaar ah oo hoos taga madaxweynaha Ugandha loogu soo magacaabi lahaa Somaliya ayaa waxaa caawa xiriir dhinaca telefoonka ah ku wada hadlay gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha Puntland iyadoo uu Faroole ku qanciyey gudoomiyaha baarlamaanka in uu aqbalo in wadanka gumeysiga ku jira uu R/wasaare ka noqdo C/wali isagoo sheegay in maamulka Puntland iyo mudanayaasha beesha.... ugu jira dowlada dhexe ay iksu raacsan yahiin in C/wali noqodo masuulkii iyaga meteli lahaa ka reer ahaan.



Ka hor intii uusan Faroole la hadlin gudoomiyaha baarlamanka waxaa ka horeyey kulamo iskugu jiray telefoono dhex maray xildhibaano, ninka hada loo wado in uu noqdo R/wasaare iyo waliba Faroole iyadoo leysku raacay in wasiirkii hore ee qorsheynta ahna midka hada xilka sida kumeel gaarka ah u haya loo magacaabo iyadoo shirarkii caawa uu dhamaantood goob joog ka ahaa Farmaajo marka laga reebo telefoonka dhex maray Faroole iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa isbed bedel badan kedib hada kusoo aruuray in loo dhiibo amaba laga dhigo safiirka u fadhiya wadanka gumeysiga ku jiro ee Somaliya qaarada Yurub isagoo si gaar ah u codsaday in lagu bedelo Ninka hada xilkaasi haya ee Nuur Cade maadama sida uu sheegay u xiriir fiican la leeyahay dowlada Taliyaaniga.

Shirarkii caawa Villa Ugandha amaba madaxtooyada hadba taad u taqaano ka dhacay waxey u badnaayeen hal dhinac oo hada gudoomiyaha baarlamaanka iyo kooxdiisa waxey ku qasban yahiin iney fuliyaan go,aano ay aas aaskiisa ka shaqeyeen Farmaajo, C/wali, Faroole iyo madaxweynaha maqaarsaarka ah ee Somaliya Shiikh Shariif.Inkasta oo la hadal hayo C/wali inuu R/wasaare noqondo oo la hadal hayo,hadane waxaa la leeyahay waxaa macquul ah in uu saxada siyaasada maalmaha soo socda uu si kedis ah ku soo galo shaqsi aan aheyn midka hada loo badinayo in xilkaan loo dhiibo marka la eego sida ay saacadkasta iksu bedeleyso siyaasada ka socota xarunta wadanka gumeysiga ku jira ee Villa Ugandha.

Inkasta oo ay Villa Ugandha ka socdaan ruwaayad aysan shacabka Somaliyeed shaqo ku laheyn hadane Somaliya ma noqon doono wadan cagahiisa ku istaaga hadusan ka bixin xiliga kumeel gaarka ah amaba nidaamka qaldan ee loogu yeero TFGda.inkasta oo ay hada shacabku maalinba maalinta ka danbeysa dareemayaan meesha laga heysto iney tahay dowladahan kumeel gaarka ah ee 5 sano kasta lagu soo dhiso shir dibada lagu qabto.

Ugu yaraan hadaan shirkii Kampala waxii ka soo baxay baarlamaanka la marsiin gudoomiyaha baarlamanka loolanka hada socdo isaga iyo xulufadiisa meel fog ma gaarayo. mid ka mid ah waxgaradka Somaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa yiri maxaa wadanka iyo shacabka loo qiyaamayaa haduusanba jirin baarlaman inta fadhiista xitaa isku raaci karo aanu cararo iyaduba waa wax weyne oo shacabka ay codkooda ku hadlaan ugu soo bandhigi la yhiin qatarta uu wadanku ku sugan yahay ileen mudanayaasha barlamaanka waxaa ku jiro aqoonyahano, qareeno, culimo, siyaasiyiin xiligii ay Somaliya aheyd Somaliya xilal kala duwa ka soo qatay dowladahii wadanka soo maray.

Maxaa u diidayo in ay isku raacaan in wadanka ay doorasho ka dhacdo si mustaqbalka caruurta Somaliyeed iyo dumarka ku dhiban meelo badan oo dal iyo dibad ah loo bad baadiyo?.

la soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

#1 | azaqd on August 15 2011 09:07:51
A tourist replica coachhired donkey.
He stopped gucci storesto rest.
refuge in thelouis vuitton storesshadow of.
the donkey louis vuitton stores onlineand a shade.
avoid exposure replica gucci handbagsDonkeys barely.
enough to cover chanel stores onlineof passengers.
shade fierce coach bagsno one think.
owner insisted replica pradahe only letting.
The visitors replica louis vuittonhe employed.
donkeys and shadowreplica coach bagsand even fight.
They debate chanel stores onlinethat people.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.24 seconds
14,568,731 unique visits