Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynahii hore ee Somaliya waxii ka horeyey shirkii loogu magac daray Kampala Acord Shariif Shiikh Ahmed iyo shacabkii Somaliyeed oo kala tagay.

Wararka MaantaMogdisho:(HS)- Madaxweynahii hore ee Somaliya Shariif Shiikh Ahmed oo waxii ka danbeeyey shirkii loogu magac daray "Kampala Acord" ay shacabka Somaiyeed kalsoonidii kala laabteen kedib markii uu wadanka u gacan galiyey shisheye ayaa hada ku mashquulsaan sidii u u soo celin lahaa kalsoonida shacabka oo hada u muuqata mid faraha ka bixi rabta hadii kacdoodno hada abaabulkooda laga wado dibada oo bilaaw ah leyskugu soo baxo dhawaantan.

Inkasta oo aanu waqti munaasib ah ku soo beegi doono in ka badan 10 page oo taariikhdii iyo dhacdooyinkii ay kala kulmeen shacabka Somaliyeed mudadii uu joogay Shariif Shiikh Ahmed ama ahaa madxweynaha Somaliya waxii ka horeyey shirkii Kampala ee uu sida tooska ah iskugu dhiibay madaxweynaha Ugandha, hadane xaqiiqadii maanta xitaa Shariifka ma istaahilo in loogu yeero gudoomiyaha koofurta Somaliya ayey tiri Hoyo Culimo oo ka mid ah shacabka waayeelkaa ee dareenka naxdinta leh ee malinkasta ka soo yeerayo madaxweynahii hore ee Somaliya Shiikh Shariif ka cuudubileysata.

Gudoomiyaha koofurta Somaliya Shiikh Shariif iyo shacabka Somaliyeed ayaa mudo 4 isbuuc ah ku kala bixi doona siyaasadan daxleysatay ee duliga iyo qaran jabka xambaarsan ee uu wadanka ay shacabkiisu muslinka yahiin ee colaada 21 sano jirsatay u dheereed ee uu hada wadaadku cimrigaas ku bilaabay ayaa lagu wadaa iney si toos ah isku arkaan iyagoo dibad baxyo waaweyn ka sameyn doono wadamo ka tirsan caalamka taasi oo soo dedejin doonto fashilka rasmiga ah ee madaxweynahii hore ee Somaliya waxii ka horeey shirkii Kampala Acord Shiikh Shariif.

Fadlan bal dhawaantan la soco taariikh nololeedka madaxweynahii hore ee isagoo caafimaad qaba, waalneyn, ku jira dadii ugu wanaagsaneyd ee qof bini;aadam ah ku fikiro, lagu tilaamo aqoon diin waa Shiikh Shariife intii uu wadanka ka gooyey mudadii uu joogay bal dib u jaleec kedibna caruurtaada gaarsii si aysan mustaqbalka ula yaabin hogaamiyaashii xiligii colaada soo maray Somaliya sidey u kala darnaayeen.

Xitaa maanta qofkii ugu yeero madaxweyne danbi ayuu wadanka ka galayaa marka ilaa laga gaarayo Aug/22/2011 oo ah malinta ay ugu egtahay mudadii xukumadii Jabouti lagu soo dhisay waa gudoomiyaha koofurta Somaliya, ileen wadanka oo aan awalba gacantiisa ku wada jirin ayaa madaxweyne loogu yeerayey hadane isagoo 4KM Mogdisho ka jooga hadey siyaasadiisu sidan noqotay in aan loogu yeerin madaxweyne xaq ayey shacabku u leeyahiin.

Sidoo kale maadaama uusan wadanku laheyn mudanayaal baarlamaan oo isku duuban oo ay la kala safan yahiin labada Shariif hadane kacdoonka shacabka ee hada bilaawka ah ayaa kala saari doona kuwa karaamadii shacabka hoos geeyey hogaamiyaha Ugandha iyo shacabkan dhagarta ku soo jiray 21 sano ee dal iyo dibad ku dhiban.

Waliba shacabku hadey mar dibadbax bilaabaan wey adkaan doontaa in si sahlan loo damiyo marka madaxweynahii hore Shiikh Shariif iyo kooxdiisa waxaa loo qaatay iney wadanka doorasho deg deg ah iclaamiyaan intey ka baxaan qiyaaligii uu ku jiri jiray Farmaajo dhawr bilood ka hor ee siduu isku lahaa 1 sano raadi si aan Somalinimo iyo shaqsi wadan leh oo kale uga baxay siyaasadii uu horboodayey shirkii Kampala waxii ka horeyey.

Waliba shacabka Somaliyeed tiro yar ayaa og markii ay ciidamada Ugandha kala baxayeen Villada Farmaajo oo ay u hanjabayeen waxuu shir kula jiray ilaa 20 meeyo reerka uu ka soo jeedo ah kuwaasi oo iskugu jiray waxgarad, saraakiil iyo waliba aqoonyahano kedibna sidii mudo loola maqnaa dadkii uu shirka kula jiray oo beel hoosaadka aheyd kula soo noqday in loo qabtay 48 sacadood inuu wadanka uga baxo hadii kale aysan qaadi doonin masuuliyada nabad galyadiisa waxii caawa ka danbeeyo sidaasina naftiisa u baqay oo isku casilay, waxaa ka sii daran ninkii sidaa loo bahdilay ee xilkii R/wassaarenimo qaab daradaasi looga qaaday waxuu maanta doonayaa inuu xil ka raadsado amaba ku qanacsan yahay in meel kale loo magacaabo qiimo uguma fadhiso bahdilkii lagu sameyey iyo shacabkii dal iyo dibad shacuurtooda muujiyey.

Dabcan aqoonyari kama ahan laakine Somalida ayaa hadey qurbaha ku raagan oo ay joogaan wax ka badan 25 sano sidaa u dhaqma oo waxey intooda badan qaatan dhaqanada shisheeyaha markaas ayey ku soo aruuraan iney dantooda oo kaliya meeshey ka helayaan ku saleeyaan hadba xaalada markaasi jirta, taasi ayaana ugu wacneyd in wasiiro badan oo qurbaha ka tagay oo waxbartay kana tirsanaa xukumadii Farmaajo ay noqdaan kuwo dantooda oo kaliya u carara taasi oo aaqirikii dowladii ay ka tirsanaayeen iska daa iney dalka intiise kale ka shaqeyso amaba lagaarsiiyo gobolada dalka ee waxeyba hanan weysay caasimadii iyadoo heysata 15 Kun ciidamo African ah oo ka amar qaata oo kaliya madaxda wadankooda oo laakinse meesha ay ka howl galayaan waa Somaliya.

Hadaba madaxweynahii hore ee Somaliya Shiikh Shariif waxuu doonayaa inuu wadan noocaasi ah uu shacabka ugu sheegeeyo inuu madaxweyne ka yahay oo waliba loogu yeero madaxweyne Somaliyeed. waxa taasi ka sii daran ninka wadan Ugandha loo gacan galiyey ku andacoonaya wasiirka 1aad ha leyga dhigo ee hadane magaciisa laga hormariyey Porfessor, waayaabe Professor sow ma ahan midkii uu wadanku maanta oo kale ku fakan lahaa oo ka dhiidhin lahaa duliga iyo bahdilka lagu hayo qaranimadii Somaliyeed ee awalba markaanu doono isku dili jirnay markaanu doonaana isku xakumi jirnay?

Guntii iyo gabo gabadii waayaha iyo waqtiga dhaw ayaa aqiyaartan qurbaha ku raagay ee daneysta yaasha ah iyo labadan Shariif ee aan waligood arag amaba wax ku soo baran canshuurtii wadanka iyo shacabkaan marar badan isagu is dulmiyey hadase ay aduunyadu dulmineyso iyagoo isticmaalayo kuwa aanu kor ku soo sheegnay kala saari doona.

La soco xiliga aanu taariikhda madaxweynahii hore Shiikh Shariif soo bandhigi doono waqti shacabka ku filan oo ay kula socon karaan ayaan u soo bandhigeynaa waxaana ku soo beegi doonaa waqti munaasib ah oo ku haboon, waxaanse qormadaan uga tageynaa habeenkii Shiikh Shariif iyo kuwo badan oo aanu maanta aragno ay Somali u dhasheen ma aheyn habeen barakeysnaa....................

Wadankii waxuu u gacan galay dhawr qabiil oo xitaa iskaba daa wadanka dhan iney wax u qabtaane hadey degaanada ay qabiiladooda kaliya degan yahiin nabadeyn lahaayeen xitaa dhibkan ma jireen ileen hadaba qabiilka meelkasta waa u isticmaalaane oo markasta darajo iyo nin jecleysi kama dhamaadaane. sidoo kale waxaa iyaduna ayaan daro ah 21 sano hogaankii Somaliya soo maray jacburba ha iska ahaadee waxaa isku bed bedelay 2 ilaa 3 qabiil oo mid markuu noqdo madaxweyne kan kale noqonayey R/wasaare wax kaleba iska daaye mid markuu wax qaldo kan kale ee imaanayo waxii uu kaasi qalday ma saxayo wuu ku sii miisaa.

Tan kale qaarkood maxey qalad iyo gef ay Somali kala gashay xaliyaan oo ay dalka iyo dadka gaarsiiyaan nolol iyo horumar isla markii la magacaabo waxey ku mashquulayaan iney degaan ka radsadaan meelo nabdoon kedibna waxaa la barakiciyaa shacab garan waayey siyaasada meel ay ka soo galaan oo danahooda iyo degaankooda ku mashquulsan.

Oday reer Hiiraan ah ayaa laga hayaa xiliyadii ay socdeen colaada hada taagan aduunyooy xaalka ba, maxey kii rag ahaane yaab ka soo reebtay kii nacaska ahaane carar aan dhamaan galisay mar uu la yaabanaa sidey wax u socdeen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hianstate.net

Comments

#1 | yusuf colow on June 23 2011 11:30:29
waxan halkaan mahad celin uga soo jedinayaa webka hiraanstate iyo raga wadaniyihiinta qora waxan leyahay waad ku mahad santihiin sida wanaaga leh ee aad uga haqab tirtaan shacabka ood u tusisaan runta iyo xaqiiqda iyo hagardamada eey ku hayaan kuwa isku shegey in eey yihiin madaxweyne yasha qayaaliga ah waadna kumahadsantihiin waxa kale een leyahay haloo banaan banaan baxo sidii wadanka uu uga dhicilahaay dorasho xor ah midaas shacabka ku gubaabiya una soo bandhiga sidii leysku abaabuli lahaay waa shacabkee mahadsanidiin
#2 | cheap supras on June 27 2011 06:13:49
Write to me in PM, we will communicate.cheap supras Hey, your post truly helps, right now I take place the exact same problems, and Ive no thought on how you can solve the problem.supra shoes Luckily I research Google and discovered your post; Thanks once again 1 thing, may possibly I paste your post on my site? I will add the source and credit to your website. Regards!

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,585,827 unique visits