Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Qaar ka mid ah beelaha Somaliyeed oo ciidamadooda kala baxayo TFGda , maxey tahay sababta.

Wararka MaantaSomalia:- Qaar ka mid ah beelaha Somaliyeed oo waliba marka ay ciidankooda ka baxaan kuwa TFGda laga dareemi doono dhawaantan kedib marka ay soo gabo gabeeyaan shirar hada ugu socda dal iyo dibad.

Beelahaani oo aan qaarkood si hoose u xooraansanay waxa ku kalifayo iney ciidankooda kala baxaan TFGda ayaa sheegay in ay meesha ka baxday dantii guud ee umada Somaiyeed ka dhaxeyn jirtay oo ruwaayad loo jilayo dhawr qabiil oo Somaliyeed iyagoo sheegay in aysan jirin dowlad kumeel gaar ah oo shaqeyneysa waxii ka danbeyey shirkii Kampala.



Qabiiladan oo maalmaha soo socda shirar kala duwan ku kala qaban doona degaanada ay ka soo jeedaan iyo Mogdisho ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa wadankii la iibsanayo oo heshiisyo dibadaa leyska soo galayo iyadoo uusan jirin baarlamaan wadanka ka shaqeynayo oo ku hadli kara magaca shacabka.

Bal u fiirso Yaa lagala tashtay halkeese laga anaxiyey shirkada Ka howl gasha karoonka diyaaradaha Mogdisho ee canshuurta ka daldaleysa shacabka Somaliyeed oo marti ka ah dalkoodii?

Yaa hor geeyey baarlamaanka 550 ka shirkii ay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta wasiiro uu ku jiro ku iibsadeen Naqshadii lagu yaqiinay wadanka Somaliya ee (SO).

Iyadoo ay qaladaadkaasi oo dhan jiraan ayaa hadane shirkii Kampala oo aan leyska waresan oo aan haba yaratee la horgeyn baarlamaanka horti si ay ugu doodaan ayaa R/wasaare Maqaar saar ah lagu dhawaaqay iyadoo lagu tumanayo xitaa axdigii kumeel gaarka ahaa ee isaguba lagu soo dhoodhoobay Kenya 2004kii ee sheegayey in heshiis kasta oo ay dowlada markaasi jirto ku soo gasho dibada la horkeeno amaba laga ansaxiyo mudanayaasha baarlamanka.

Marka laga soo tago idaacadahan intooda badan Puntland laga leeyahay oo xayeysiinayo R/wasaaraha maqaar saarka ah ee sida qaldan ku yimid iyo masuuliyiinta afka kala furteen ee idaacadaha ka hadlayo oo waliba xiligii uu Farmaajo joogay ku andacoon jiray waa in doorasho la qabto oo hada iyagoo shacabka u reer magaaleynayo R/wasaarahaan Puntland ka soo jedana u hamlayeynayo iska indho tirayo heshiiskii qaldanaa ee lagu soo dhoodhoobay Kampala hadne Somalidu waa u caado iney sidey iskaka dhigayaa muwaadiniin Somaliyeed marka uu yimaado ruux qabiilkoodaa hal mar iney isbedelan waxey ka mid tahay dhaqadooda qaar Somalida ka mid ah ayuu yiri Husen oo ah ardey ka mid ah ardeyda Mogdisho wax ku barata, isagoo yiri dadka Puntland iyo Mudug ka soo jeeda dhawr maalmood ka hor waxaanu ka joogi weynay Mogdisho markii Farmaajo la ceyriyey oo nin degaankooda ka soo jeeda la keenay waji kale ayey la yimaadeen ayuuna sii raaciyey, isagoo hadalkiisa sii watana waxuu yiri taas ayaa ugu wacan iney markasta dadkaasi siyaasada Somaliya kaalinta 1aad amaba 2aad markasta ku jiraan ileen markasta siiba marka ay dan leeyahiin ayey magaca Somaliyeed jeebka kala soo baxaan markey helaan waxa ay raadinayaane dib eyey ula laabtaan ayuu yiri, waxuuna hadalkiisa ku soo qatimay iney ujeedadoodu aheyd amaba kacdoonkoodu ahaa Farmaajo meesha ka ceyrsada oo kaliya.

Inkasta oo dhacdoyinka Somaliya ka dhacayo iyo sida shacabka loogu tumayo ay fara badan yahiin hadane waa lama huraan in marba hadii dantii guud ay meesha ka baxday in dadka amaba qabiilada aysan arimahani quseyn ka tashtaan dowladan bur burtay waxii ka danbeeyey shirkii Kampala.

La soco qoraalkeena danbe inta mar ee uu afhayeenka baarlamanka dhaqaalo ku qaatay si aan baarlamaanka horti loo keenin heshiisyada dibada lagu soo galo. isku soo duuboo shirkii Kampala waxuu waji kale u yeelay jiritaankii iyo qaranimadii umada Somaliyeed oo maanta xitaa hadii dibada lagu soo shiray waxaa aduunyadii in uu jiro baarlamaan iyo in kale si ugu yaraan loo maqlo waxaa laga doodi la yahay qodobadii shirkii Kampala. hadaan laga hadlin hada qabiilada qaarkood waxey ciidankooda kala baxayaan dowlada laakinse waxaa imaan doonta mar xitaa labada Shariif hadey iscasilaan aan la aamini doonin maadama ay ogyahiin qaladka ay wadanka ka galayaan inuu yahay mid iyaga xitaa taariikh ku reebi doona iskabadaa shacabkee.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiransatte.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,633,161 unique visits