Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Culimaa'udiin Somaliyeed oo Shaki galiyey caqiidada madaxweynahii hore ee Somaliya waxii ka horeyey shirkii Kampala Shiikh Shariif

Wararka MaantaMogdisho:(HS)-Culimo Somaliyeed oo siweyn looga yaqaano gudaha iyo dibada si taxadir lehna u dhageystay aayado xadiis ah oo uu isticmaalayShiikh Sharif xiligii uu ka tirsanaa midowgii madkamadaha iyo xiligii uu noqday hogaamiyaha Somaliya ayaa shakiweyn galiyey caqiidada Shariif Shiikh Ahmed

Waa dal shacabkiisa indhaha la tiray marba hadii kuwii diinta yaqiinay ay sidan isku bed bedelayaan oo marna Gaalada ha lala jihaado leh marna Gaalada hala raali galiyo leh. walee mustaqbalka Shiikh Shariif waa loo yaabaa.

Shaley waxuu lahaa Gaalada halala dagaalo xiligii uu ahaa gudoomiyaha midowgii maxkamadaha waxaana jihaadkaas uu iclaamiyey ku naf waayey in ka badan 5000 oo Somali ah oo u badnaa caruur laga soo qafaalay schooladii Mogdisho iyo degaanada ku xeeran iyadoo dagaal aan ujeedo laheyn la galiyey kuna dhinteen inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Buurhakaba sida meelo ay ka mid yahiin Daynuunaay iyo Moode Moode iyadoo caruurta xiligaasi loogu sheegeeyay in ay Jimcaha ku dukan doonaan Baydhabo oo ay xiligaasi ku sugnaayeen dowlad ay ugu yeerayeen iney Ethiopia iyo Gaaalo watato oo uu garwadeen ka ahaa madaxweynahii hore ee Somaliya Cabdullaahi Yusuf Daawo qudbadahan yaabkooda leh.


Sidoo kale markii ay maxkamadahii jabeen sidii loogu heystay inuu galayo jihaadkii uu iclaamiyey Shariifka waxuu u baqoolay Kismaayo kediba waxuu ka sii aaday Kenya halkaasi oo uu kula kulmay sirdoonka Mareykanka oo uu xiligaasi heshiis kula galay in uu bur burin doono maxkamadahii uu madaxda u ahaa isagoo aaqirkiina hadane yiri.

Gaalada waa in la raali galiyo.

Gaaladii uu lahaa hala raali galiyo waxey dhashay in uu amaan ugu dhaqaaqo dowladii Ethiopia iyo Mareykankii uu shaleyto intii aysan dhiman 5000 oo Somalida ah lahaa ha lagu jihaado inuu maanta kuwane dhaqaalo ay ku dagaal galaan aduunyada kaka raadiyo isagoo shirkasta oo uu tago ka yiraahdo Amisom howl wanaagsan ayey qabtaane dhaqaalo hala siiyo. sidoo kale maanta waxaa Mogdisho ku sugan 12-ilaa 15 Kun oo ciidamo Gaalo ah, waayaabe ma shaleyto ayuu waalnaa mise maanta.

Shiikh Shariif oo ay shacabka Somaliyeed kalsoonidii kala laabteen waxii ka danbeeyey shirkii Kampala oo uu wadanka u gacan galiyey dowlada Ugandha ayaa hada Somaliya ka ah madaxweyne maqaarsaar ah,isagoo wadankii galiyey gumeysi dadban ,dabcan waxey su,aal ka taagan tahay mustaqbalka sida uu shacabka Somaliyeed ugu dhex noolaan lahaa, waayo Somaliya waa la arkey hogaamiye kooxeed dad dilay laakinse wali lama arag qof ahalu diin ah oo sidan isku bed bedel badan oo shacabkiisii marna leh Gaaalada halala Jihaado marna leh Gaalada ilaahey oo kaliya ayaa ka wanaagsan......... WOW.

Madaxweynahii hore ee Somaliya Shiikh Shariif waligii hal maalin dalka iyo dadka Somaliyeed uguma shaqeyn xoogiisa. waxuu ku noolaan jiray amaba ku dhashay tuulo yar oo la yiraahdo Miirtuugo oo aan sidaasi ugu fogeyn degmada Mahadaay. inta badan xiligii uu yaraa waxuu maqli jiray oo kaliya dagaalo jahli ah oo mararka qarkood u dhaxeyn jiray beelo Somaliyeed oo markaasi dhulka daaqa leh ee miyiga ah isku heystay. sida la sheego markii uu ku biiray ururkii Itixaad Islaamiya waxii ka danbeyey waxuu la soo baxay dhaqano yaabkooda leh oo ay ugu muhiimsaneyd inuu Aaabahiis oo caalim ahaa hadalo aan u qalmin ku yiri(Ma hubno).

Waxaa magaalo weyn iyo maamul ugu horeysay Magaalda Jowhar oo uu ka mid ahaa masuuliyiintii la shaqeyn jirtay Gudoomiyahii xiligaasi halkaasi ka talinayey Mohamed Dheere ilaa uu markii danbe u cararo Mogdisho kedib markii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Moh'ed Dheere qaabka loo wada shaqeynayo.

Markii uu Mogdisho tagay waxuu macalin dugsi ka noqday halkaasi kedibna maalin maalmaha ka mid ah ayaa cunug ardeydiisa ka mid ah la afduubay kedibna waxaa sidaasi ku bilaawday kacdoonkii sida kediska ah ku bilaawday ee midowkii maxkamadaha.

Shiikh Shariif waxaa lagu tiriyaa shaqsi aad u nasiib xun dalka iyo dadka Somaliyeedna la haray isagoo mudadii uu joogay ee uu madaxweynaha ahaa uu shirqoolay wasiiro badan oo dowladiisa ka tirsanaa ilaa uu qaarkood ka adeejiyo kooxda mayalka adag ee Shabaab isagoo inta badan ka saacidi jiray shirarka muhiimka ah iyo saacada la qabanayo kedibna dadka badankood halkaasi lagu xasuuqo.waa aabe sida la sheego dhawr xaas leh mararka qaarkood waxaa la sheegaa inuu qabo 3 xaas oo official ah laakinse dadka yaqaana waxey sheegan in 3 kalena qudbo siro ku qabo.

Waxii ka danbeyey markii uu qiyaanay wadaadadii ay isku qadiyada ahaayeen ee ay iskula jireen midowgii maxkamadaha waxaa ku dhacay cuduro ku dhaca Faruuryaha oo ka mid ah nooc socorta ka mid ah oo bishimaha ku dhaca. Caqiida xumida heysta waxaa qeyb ka ah waa ninka kaliya ee ilaa maanta laga waayey jawaab sax ah waxa uu ku ceyriyey R/wasare Farmaajo oo aysan hal maalin isku qaban waxaan waa cad yahiin iyo waa madowyahiin oo ninkasta shaqadiisa si caadi ah u watay. Inta badan dadka Somaliyeed ee aragtida fog waxey qireen inuusan wadani aheyn Shariif la soo gamay.

Waxuu hanti badan ku heystaa bangiyo ku yaala wadanka Turkiga isagoona ku hami weyn inuu mustaqbalka halkaasi ku nasto waaba hadii u Xabsi ka bad baadee.

Intaasi ha inoo joogto maanta.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.06 seconds
14,667,133 unique visits