Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha Hiiraan State oo ka codsaday jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha iney gargaar la soo gaaraan walaalahooda ay ku dhiban dalka.

Wararka MaantaHS:- Madaxweynaha HS Dr Mohamud Abdi Gaab ayaa ugu baaqay kana codsaday jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha iney soo gargaaraan walaalahooda ku dhiban gudaha wadanka siiba Hiiraan, kedib markii ay halkaasika dhaceen abaaro aad u daran.

Madaxweynaha mar uu la hadlayey taageerayaasha HS ayuu sheegay in xaalada Hiiraan amaba Somaliya ay tahay mid aad u daran marka la eego nolosha ay maanta ku sugan yahiin shacabku hadey noqon laheyd abaar,colaad iyo waliba dalkii oo maalinba maalinta ka danbeysa aad moodo inuu gacanta umada Somaliyeed ka sii baxayo, shacabkiina ay dhib hor leh sii galayaan.

Waxuuna kula taliyey taageerayaasha HS iyo dhamaan jaaliyada reer Hiiraan inaysan marnaba joojin gurmadyada iyo kaalmooyinka ay u fidinayaan walaalahooda ku dhiban gudaha wadanka amaba Hiiraan. sdioo kale madaxweynahu waxuu shegay in laga qeyb qaato dib u dhiska Hiiraan iyo sidii ay reer Hiiraan u noqon lahaayeen umad jirta oo ka mideysan dhinackasta, xag siyaasad, dhaqaale, maamul iyo waliba in shacabka maadaama ay ku soo jireen colaad mudo dheer ayna waqtiga hada lagu jiro tahay markii ugu xumeyd waxuu dhaman reer Hiiraan melkasta oo ay joogaan kula taliyey in shacabkaasi loo tanaasulo oo laga wada shaqeeyo sidii aanu dadkeena uga saari laheyn dhibaatada ay ku jiraan iyadoo meel leyska dhigayo fikir kala duwanaanta.

Madaxweynaha ayaa dhamaanba ugu baaqay walaalaha reer Hiiraan kuwooda ay ka godo talada iney kala shaqeeyaan maamulkiisa sidii loo balaarin lahaa amaba loo soo dhameystiri lahaa qeybaha kale ee dhiman, isagoo ku taliyey in qurba joogtu ay dib ugu soo laabtaan gudaha Hiiraan si looga shaqeeyo arimo badan waxuuna ku taliyey in sidoo kale gurmad joogto ah loo diro ciidamada xoogaga reer Hiiraan oo runtii dadaalo wax ku ool ah ka wada Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa yiri HS ma ahan mamul ay dad gaar ah leeyahiin cidii saluugsana si sahlan looga qancin karo marka leys hor fadhiisto inta maanta hogaamineysana ay diyaar u yahiin iney u baneeyan walaalahii ka mudan hadii uu xalku sidaas ku jiro, laakinse waxuu uga digay walaalaha reer Hiiraan qaarkood in aysan wax ay wanaag ku raadin karaan aysan xumaan ku raadin.

Marka laga soo tago hadalka madaxweynaha hadane talooyinka ugu badan ee madaxweynaha maalmahani loo soo jeedinayey ayaa waxaa u badnaa inuu kala diro golaha wasiirada siiba kuwooda qurbaha iska jooga ee aan Somaliya u socon, laakinse waxuu madaxweynaha hadalkiisa ku soo qatimay dadaalo badan oo dhinackasta leh ayaa Hiiraan ka socda taladuna waxey nagala dhaxeeysaa waxgaradka,aqoonyahanada, culimada, saraakiisha iyo waliba dhaliyarada ku nool gudaha iyo dibada, waxkastana waxaanu u mari doonaa wado wanaagsan oo ay ku farxi karaan reer Hiiraan, wax micno ah ma sameyneyso in maamul la kala diro laakinse waxaa muhiim ah in la hayo waxii lagu bedelan lahaa taasina waxey ku dhici kartaa shirweyne gudaha Hiiraan ka dhaca oo lagu wada tashto, hadii aanu doneyno in aanu deg degno waxaanu maanta banaanka ka sameyn laheyn mudanayaal baarlamaan, gole guurti inta aanu soo qabqabanyo shaqsiyaad iska caadi ah. laakinse inagu ma dooneyno in aanu Hiiraan iyo shacabkeeda u horseedno dhibaato waxaanu dooneynaa in aanu dhamaanteen meesha baneyno laakinse nidaam iyo magac naga haro si walaalaha inaga na bedeli doona ay iyaguna berito marka uu waqtigooda dhamado ugu baneeyaan kuwa ka danbeeya.

Ugu danbeyn maamulka HS ayaa wado dadaalo wax ku ool ah oo dhawaantan ka farxin doona shacabka reer Hiiraan oo xitaa midkii ka soo horjeeday uu ku farxi dono marka la soo gabogabeeyo latashiyo badan oo qabyo ah oo madaxweynaha iyo taageerayaashiisa iskugu dhiman wali amaba qabyo ka ah.

Cidkasta oo reer Hiiraan ah waxaa masuuliyad ka saaran inuu ixtiraamo walaalkiis amaba qofka markaasi masuuliyad ku magacaaban si isagana marka uu masuul noqdo loo ixtiraamo mustaqbalka kedibna halkaasi uu ka bilaawdo wadshaqeyn iyo ismaqal.

HS waa bilaw fiican oo ay reer Hiiraan ku midoobi karaan hadii maskax caafimaad qabto lala yimaado laakinse inta maanta hogaamineysa ninka diiday iyadoo waliba loo ogol yahay in inta hada joogta ayba diyaar u yahiin iney u baneeyaan hadii xal lagu helayo isagana waxaanu sugeynaa midka uu la imaan doono sida uu nooga gadi doono hadii uusan aheyn shaqsi xoog waxkasta kula wareegi kara. taageerayaashii HS ee madaxweynaha la xariiray ayaa aad u soo dhaweeyey fikirka caafimaadka qabo ee ka yimid madaxweynaha iyagoo markii danbe isku raacay in aan loo joojin arimaha HS shaqsiyaad ee la fiiriyo maslaxada caamka ah ee reer Hiiraan hadii aanu xal u aragnana maamulka dib loogu celiyo gacanta waxgaradkii, aqoonyahanadii, culimadii shaleyto juhdiga galiyey inta ka horeysana lagu dadaalo qaab kasta oo walaalaha reer Hiiraan lagu kasban karo, si mustaqbalka deganada deris la ah Hiiraan shacabkooduna u helaan nabadgalyo ay kaka ganacsan karaan Hiiraan amaba ugu noolaan karaan.

iyadoo isla isbuucaan gudahiisa lagu balamay in shir kan ka weyn leyskugu yimaado

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,715 unique visits