Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii Kampala ee meel uga dhacay qaraminada Somaliya oolag ayaabo in maalinta berito ah laga ansaxiyo mudanayaasha baarlamaanka iyadoo sida la sheegay lagu bixinayo qarash dhan half Million Dolar.

Wararka MaantaSomaliya:-Tan iyo waxii ka danbeeyey shirkii Kampala ee lagu bahdilay masuuliyiinta dowlada iyo baarlamaanka, si xad dhaaf ahne loogu tuntay qaranimadii Somaliya iyadoo dalka Somaliya laga soogooyey wadamo badan loona gacan galiyey dhawr hogaamiye oo African ah ayaa hadane waxaanu maalinba maalinta ka danbeysa isku dayeynay in aanu helno sawirada mudanayasha baarlamaanka Somaliya si hadii ay ku dhiiradaan iney ansaxiyaan heshiiskaasi oo qatartiisa leh, waxaanu wadnaa qorshe aanu sawiradooda iskugu keeyneyno hal meel si mustaqbalka looga garto umada inteeda kale ileen wadanku sidan ma ahaan doonee.

Sidoo kale mudane kasta waxaanu diyaariney sawir aanu soo raacinay qabiilkiisa, meesha uu ku dhashay iyo hadii uu wadanka ku nool yahay iyo hadii uu wadamo reer galbeed ah ku nool yahay. hadii heshiiskaasi la ansaxiyo iska iloow wax qaran Somaliyeed la yiraahdo.

Heshiiskaasi iskaba daa in jirintaanka umada Somaliyeed lagu badbadiyee waxaa xitaa Somaliya laga gooyey siyaasadii kala dhaxeyn jirtay wadamada Carabta oo dhaqan ahaan aanu iskaka mid aheyn diinta. waxaa dalkii laga dhigay mid ay dhawr wadan oo African ah iyo wakiilka qaramada midoobay ay meel gees ah ula baxeen oo ay waxii ay doonaan ka sameeyaan iyagoo caasimadii Somaliyana geeyey ciidamo xad dhaaf ah oo African ah.

Mar aanu maanta la xariirnay mudane baarlamaanka ka tirsan kedib markii la soo gabo gabeeyey shirkii barlamaanka ayuu inoo xaqiijiyey in la meel marin doono heshiiskii Kampala isagoo sheegay in mudanayaashu ay yahiin kuwo baahan oo intii ay jireenba maalinkasta meel marin jiray waxkasta iyagoo u xilanayey waxoogaa dhaqaalo ah oo aan meelna ka soo qeyneyn, waxuuna hadalkiisa ku soo qatimay in caawa la kala dalali doono sidii ay awalba u nasaxiyeen R/wasaaraha maqaarsaarka ah ee la soo magacaabay heshiiskii Kampala kedib C/wali oo kale.

Hadaba baarlamaan ayaa buuqay iska ilooba ayuu inoo raaciyey mudanuhu waxuuna yiri meeshaan labada Shariif ayey u xiran tahay waana maqaayad ay waxii ay doonaan ka sameystaan laakinse mudanuhu waxuu yiri waxuu shaki ku jiraa inta ay sii joogi doonaan oo ay dalka sii iibsan doonaan oo uu ku qiyaasay maalmo amaba bilo.


Waxuuna mudanuhu inoo xaqiijiyey inuu naga saacidi doono shaqsiyaadka la taliyaasha u ah labada Shariif magacyadooda inuu noo soo gudbin doono dhawaantan ileen arimaha noocaani ah ma ahan oo kaliya cida ku dhiiraneysa labada Shariif ragbaa turjubaan u ah oo howshaan afka u galiyey kuwaasina waxey la mid yahiin mudanayaasha la doonayo in heshiiskaas laga ansaxiyo ayuuna hadalkiisa ku soo qatimay inkasto oo uu dhawr qofood magacyadooda inoo xaqiijiyey iney yahiin la taliyaasha rasmiga ah ee labada Shariif hadane markii aanu xogta soo dhameystirno ayaanu shacabka u soo bandhigi doonaa magacyadooda kedib marka heshiiskaas ay dhaqan galiyaan inuu yahay mid sax ah mudanayasha baarlamanka maalinta berito ah amab waxii ka danbeeya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.85 seconds
14,667,374 unique visits