Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxeynaha dowladda FS Sheekh Shariif oo maanta kula kulmay Xarunta Villa Beydhabo M/weynaha Hiiraan State .

Wararka MaantaMadaxeynaha dowladda FS Sheekh Shariif oo maanta kula kulmay Xarunta Villa Beydhabo ee Muqdisho Madaxweynaha Hiiraan State .

Madaxweynaha dowladda FS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan albaabada u xirnaa kula qaatay Xarunta “Villa Beydhabo” ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gaab, iyadoo labada Mas’uul ay si gaar ah uga sheekeysteen xaaladda gobolka Hiiraan iyo qorshayaasha dowladdda Hiiraan State ee la dagaalanka kooxda Alshabaab ee haatan gacanta ku heysa Gobolkaasi iyo qaabka ugu wanaagsan ee lagu xoreyn lahaa , gacanta Hiiraan State loo gelin lahaa si ciidamo ammaan oo Boolis iyo Milatari ay u sameysan laheyd.

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab ayaa ku soo bandhigay kulanka ajandayaal lagu sheegay inay yihiin kuwa horumarin kara Gobolka Hiiraan kadib marka Maamulkiisa uu gacanta ku dhigo .

Dowlad Goboleed-ka Hiiraan State oo heysata hadda taageerada dadka ku nool Gobolka Hiiraan ayaa la filayaa inay iclaamiso kulan-weyne loogu googol xaarayo dhismaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka , kaasoo ay xubno ku wada yeelan doonaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobolka Hiiraan .

Hiiraan ayaa waxaa loo qeybin doonaa 3 Gobol oo kala ah Dhagax jibis , Deebley iyo koonfurta Hiiraan sida qorshaha yahay , waxaana la shaacin doonaa dhowaan Degmooyinka cusub ee ka mid noqonaya Gobolada cusub,Xuduudaha Dowlad Goboleedka la yeelan doonto Gobolada kale ee dalka Soomaaliya iyo istiraatiijiyadda ay hiigsan doonto intaba .

Madaxweynaha dowladda FS ayaa la filayaa isna inuu shaaca ka qaado taageerada uu siin doonto dowlad Goboleedka Hiiraan State oo xudun u noqon doonto nabad ka dhalata koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya .

Madaxweynaha Hiiraan State Maxamuud Cabdi Gaab ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahiyo waxyaabihii ay isku afgarteen isaga iyo Madaxweynaha dowladda FS Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaase uu xusay inuu ku dhamaaday jawi isfaham leh.

Isha Warka – Hiiraan State
Mogishu, Somaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.26 seconds
14,637,792 unique visits