Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xog uruurin aanu ka soo diyaariney shacabka Somaliyeed kedib markii ay South Sudan ka goday wadanka intiisa kale.

Wararka MaantaSomalia:-Aduunyadani aynu ku noolnahay qarni kasta waxuu leeyahay taariikh u gooyni ah oo lagu xasuusto.nolosha bini,aadamka inta badan qarni kasta waxkasta wey isbedelaan laakinse waxaan isbedelin nolol iyo geeri oo markasta waxaa dhasha jiil cusub amaba dhinta, sidoo kale waxaa jiro mucjisooyin lama filaan ah oo dunida ku soo biira amaba ka suula. sidoo kale markaad dhinackasta ka eegto waxaa aduunyada hada maalinba maalinta ka danbeysa ka sii yaraanayo labo arimood oo aad muhiim ugu ahaan jiray hadba umada markaasi jirta sida .

1- Marka laga soo tago xiliyadii ay diinteena Islaamka uu soo degjiyey Alaahu subxaanahu watacaalane muslimiinta maanta nool u soo diray Nabi Maxamed Nabad Galyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee waxaa shacabka dunida inagoo ka tusaale qaadaneyna kuwa muslimiinta ah qarniba qarniga ka danbeeya ku dhacayey bur bur iyo towfiiq xumo inkasta oo ay culimada diinta sidaweyn looga danbeeyo aduunka ay qireen in dhibaatada muslimiinta ku dhacday ay sabab u tahay kitaabkii Alle uu waxkasta inoogu sheegay waliba waxkasta ku idil yahiin laga tagay, halkaasina ay ka bilaabatay in uu yimaado tafaraaruq guud oo ku habsada muslimiinta maanta jirta.

2- Qodobkaan diin shaqo kuma lahaan laakinse waxuu ka hadlayaa sida ay siyaasada maanta dunida ka jirto ay umaareeyaan hogaamiyaasha maanta nool hadey noqon lahaayeen kuwa aduunka ugu quwada badan sida Mareykanka iyo xulufadiisa. xiliyadii hore waxaa jiray in ay dadka ka muuqatay masuuliyada amaba si kale hadaan u dhigno in ay aad u kala duwan yahiin hogaamiyaasha maanta jira iyo kuwii hore.

Qeexid qodobkaan.

a) Waqtiyadii hore siyaasada aduunka marka qof masuul ah oo ka socda QM loo diro wadan kale howshiisa waxey ku ekeyd inta markaasi loo baahan yahay amaba xal lagu gaari karo inuu ka soo talo bixiyo isagoon markaaasi ku xadgudbeyn dhaqanka u gaarka ah wadankaasi amaba goobta markaasi loo diro Envoy-kaasi.

b)In aduunyadu waqtiyadii kala duwanaa ee la soo maray ay u dhaxeysay amaba ay soo martay heerar kala duwan oo ay isku bed bedelayeen awoodo kala duwan ha yeeshee markasta ay xadidneyd dhibaatadu.

Hadaba maanta ma jirto faalo badan oo dunidan aanu ku noolnahay laga qori karo oo xitaa kii ugu awooda badnaa ayey dhibatadii saameysay halka kii aan awooda laheyna la bur burinayo hadba nidaamkii markaasi ay ku dhaqmi jireen bulshada markaasi ku nool wadanka la bur burinayo iyadoo waliba aan loo aabe yeeleyn siyasad, diin amaba dhaqan markaasi jira.

Dhinaca kale qarnigan 21aad waxuu u muuqdaa mid ku bilaawday qalalaase siyaasadeed,mid dhaqaale iyo waliba masiibooyin waaweyn oo ku habsaday meelo badan oo dunida ka mid ah iyadoo mucjisadii ugu weyned ay ka dhacday dalka Japan oo gabigiiba waxyar ka durqay meeshii uu markii hore ku yiilay kedib markii ay dhawaantan ka dhaceen dhulgariir.sidoo kale waxaa bur buray dhawr wadan oo nabad ahaa waxii ka danbeeyey 2000-kii oo ah sanadkii ugu horeeyey qaniga 21aad.

Hadaba iyadoo ay intaasi jirto ayaa dhibaatadaas dunida ka jirta waxaa qeyb ka ah wadanka Somaliya oo ay ka jiraan dhibaato ay abuureen shaqsiyaad Somali ah iyadoona ay shacabkii noqdeen kuwo isnaca, kala taga, qeyrkoodna ka haray mana muuqato xiliga ay joojin doonaan colaada aan dhamaadka laheyn iyo xisbiyadan ay maalinkasta sameysanayaan qeybo badan oo bulshada ka tirsan.kedib 21 sano oo dagaalo sokeeye ah Somaliya maanta waxey mareysaa in ay goboladii waqooyi yiraahdaan waxaanu ka go'eynaa Somali inteeda kale.

Waxkasta wey sahlan tahay marka afka oo kaliya laga sheegayo laakinse marka loo wajaho arinta ficil ayey riyadaasi run noqotaa amaba laga quustaa. tan iyo waxii ka danbeeyey markii ay xornimada qaateen shacabka koofurta Sudan waxaanu isku daynay in aanu dhexgalno bulshada Somaliyeed meelkasta oo ay ku nool yahiin sida Somaliya, Jabouti intii aanu awoodi karnay,Somaliland, Somalida Ku nool waqooyi bari Kenya iyo ugu daneyn Somali galbeed xaqiiqadii waa laga yaabaa in aanu si rasmi ah u wada helin dadkii degaanadaasi laga wareysan lahaa laakinse waxaanu maqaalka ku soo koobeynaa nuxurka labadii su'aalood ee aanu dadkaasi weydiiney oo aheyd .

1- Somaliland ma laga yabaa iney ka godo Somali inteeda kale?2-Yaase siin kara madaxbanaani ma aqli ka yimid Somalida dhaxdeeda ayey ku heli kartaa mise QM iyo wadamada horey u maray?

Jawaabtii waxey noqotay Shacabka koofurta Sudan waxey dagaal ku jireen 50 sano iyagoo 100% la ogaa iney masiixi yahiin ayey aduunyada iyo iyaga ku qaatatay waqtiga intaasi la eg sidaasi ay tahay 50% waxaa madaxbanaanidooda fududeeyey dowlada waqooyiga Sudan ee fadhigeedu yahaya Khartuum.

2- Waxey yiraahdeen hadii aan xal loo helin koofurta Somaliya oo aan wada hadal loo marin arinta Somaliland lana helin masuul Somaliyeed oo arinta dhinackasta ka eega oo 50% fududeeya amaba wax dadkaasi lagu qancin karo la helin si ay Somaliweyn uga sii mid noqdaan waxey yiraahdeen wey adag tahay in QM iyo wadamada horey umaray ay si sahlan ku aqoonsadaan Somaliland,waayo ayey yiraahdeen Ma ahan masiixi mana jirto maanta dowlado muslin ah oo quwad leh oo iyaga arintaasi ka saacidi kara marka waxey u badan tahay in Somaliland ka hor ay wadamo badan oo African ah xornimo ka qaadan doonaan dowlado ay hada ka tirsan yahiin.

Gabo gabadii waxaanu hada u gudbeynaa maxaa dan u ah shacabka Somaliland ma sida ay hada yahiin mise iney ka qeyb qaataan dib u dejinta koofurta Somaliya si marka ay degto koofurta iyagana ay miiska la yimaadaan hadafkooda sidaasina ku bilaawdo wada hadal?.

Hadaba marka laga soo tago shacabka aanu la xaiireyno waxii fikrad ah inoogu soo hagaaji ilaa July 26/2011 Email Adders webmaster@hiranstate.com

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,569,503 unique visits