Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shabaabka ku sugan gobolada dhexe oo bilaabay iney hubkooda iska iibiyaan, maxey tahay sababta?

Wararka MaantaG/dhexe:- Ururka Shabaab iyo xulifadooda Ajaanibta ah ee ku sugan dalka Somaliya ayaa mudo dhawr sano ah marba marka ka danbeysa dhibaato ku hayey shacabka Somaliyeed iyadoo la garan waayey waxa ay doonayaan iney tahay sidii ay wadanka uga hirgalin lahaayeen shareecada Islaamka amaba dowlad dadka ku dhaqda kitaabka maadama ay isaga waxkasta ku idil yahiin.

Nasiib wanaag Shabaab iyo xulifadooda ma noqon sidey dadka u sheegeen iyo wax u dhaw waxeyna noqdeen koox dooneysa iney wadanka qoray caaradii kula wareegaan si ay u noqdaan dowlad jirta oo ay waxkasta u dhan yahiin sida dowladaha aduunka ka jira, inkasta oo ay qaabka ay u mareen amaba ula dhaqmeen shacabka aysan u muuqan mid lagu gaari karo hadafkaasi marka la eego sidey shacabka Somaliyed ula dhaqmeen mudadii ay jireen iyagoo waxkasta oo xumaan ah u sameeyey ha leydiinka cabsado oo kaliya.

Hadaba hadaan u soo labano waxa dhaliyey in dhalinyarada Shabaab ee ku sugan gobolada dhexe ay bilaabaan iney hubkooda iska iibiyaan waxaa sabab u ah labo qodob oo kaliya.

1- Dhalinyarada markii ay ku biireen kooxdaan Shabaab waxaa loo sheegay oo kaliya iney ku jihaadaan cidkasta oo ka soo horjeeda hadafkooda xitaa hadii ay yahiin waalidka iyaga dhalay. nasiib wanaag dhalinyaradii ayaa hada arkey iskaba daa cid lagu jihaadee waalidkood iyo walaalahood oo ay saameysay abaaraha dalka ka jiro sidaasina u arkey ineysan wax kale awoodin oon ka aheyn iney hubkooda iska iibiyaan si ay u caawiyaan eheladooda walow ay dad yar arintaan oo hada bilaaw ah ku cusub tahay.

2-Arinta kale waa inuu jiro mugdi iyo iska warqab la,aan kooxda dhaxdeeda ah tan iyo waxii ka danbeeyey dagaaladii dhawaa ee ay sida weyn ugu jabeen ee ka dhacay Mogdisho, Gedo iyo gobolada dhexe, taasi oo keentay in saraakiisha qaarkood siiba kuwooda ka soo jeeda gobolada dhexe iyo kuwa degaanada kale ay kala shakiyaan maadaama bilahii ugu danbeeyey uusan jirin hal meel oo ay ka soo baxdo talada guud ee ururka sidaasina ay kooxkasta degaanka ay joogaan ka sameeyaan waxii ay doonaan.

Sida muuqata marka laga soo tago dacaayad iyo hadalada fadhi ku dirirka ee ay Somalidu meelaha Shaaha laga cabo iskugu sheegaan hadane Shabaab iyo xulufadooda sidii hore uma awood badna dhawaana kooxkasta goobta ay joogto ayaa lagu ugaarsan doonaa mar hadii qaarkood ay hubkooda iska iibinayaan oo ay saaxiibadood ku cidleynayaan goobaha difaca amaba ay dagaalka kaka jiraan.

Sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya masuuliyiinta ururka Shabaab saraakiisha ugu badan ee ka soo jeeda koofurta Somaliya ayaa intooda badan hada ku jira wadahadal hoose ay la galayaan qabiiladooda kedib markii ay meesha ka baxday ineysan jirin cid lagu jihaado oo ay kooxdaan si cilmiyeysan ay u dabargooyso shacabka koofurta Somaliya oo kaliya iyadoo arintaani laga leeyahay ujeedo fog ayuu yiri mid ka mid ah culimada Somaliyeed ee ka soo jeeda gobolada dhexe.

La soco wararka Shabaab iyo xulifadooda had iyo jeer.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

#1 | Cocktail Dresses on September 01 2011 07:33:47
What a classic empire satin Cocktail Dresses! The fabulous one shoulder strap is adorned with bow detail.Mother of The Bride Dresses And there is a charming empire waistline with shimmering beaded detail.Bridesmaid Dresses The tripping floor-length train cascades down from the empire waist to the ground.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.27 seconds
14,599,927 unique visits