Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

War deg deg ah:Hogaamiyahii Shabaabka Hiiraan Yusuf Ali Ugaas oo xilkii laga qaaday iyadoo loo magacaabay wiil.

Wararka MaantaHiiraan:(HS)-Waxaa caawa si rasmi ah xilkii ururka Shabaabka Hiiraan looga qaaday Yusuf Ali Ugaas iyadoo xilkaasina loo magacaabay wiil uu abti u yahay Hasan Daahir Aweys oo ka soo jeedo beesha Shiikhaal kedib markii uu mudo 4 maalmood ah ku sugnaa magaalada Belet Weyne Abuu Mansuur halka Hasan Daahirna joogay degmada jalalaqsi oo uu sahminayey.

Isbedeladan ayaa qeyb ka ah maamul cusub oo ay ku dhawaaqi Hasan Daahir, Ali Dheere iyo Abuu Mansuur oo la doonayo in madax looga dhigo gobolada Hiiraan, Bay iyo Bakool. sida warar lagu kalsoon yahay lagu helayo waxaa laga yaabaa in Shabaabka Hiiraan ay u kala jabaan labo garab maadama uu hada ururka u muuqdo mid ku shaqeeya dano qabiil oo uu u kala jabay koox koox.

Wararka oo dhameystiran filo goor dhaw. iyadoo laga yaabo in Hiiraane looga dhawaaqo urur diimeed magac cusub wata maalmaha soo socda halka Shabaabka Puntland ay qaateen heshiis horu dhac ah iney la galaan dowlada Puntland si degaankaasi looga ilaliyo qalaaso.

Ururka Shabaab inkasta oo aysan dad badan walito si rasmi ah u ogeyn jabkooda iyo sidey u kala jajabeen hadane sida ay wax u socdaan waa nidaamkii ay ku bur bureen midawkii maxkamadaha ilaa ay aaqirkii dhabarka iska toogtaan oo ay qaarajiyaan Abuu Cuteyba oo markaasi ku sugnaa koofurta Somaliya.

The good news dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan waa lala socdaa.
Tusaale dhawr dagaal oo ay ku galeen gobolka Gedo iney ku jabaan waxaa sabab u ahaa macluumaadka iyo hubka ay ku dagaal galaan ayaa la helayey iyadoo ay ciidamada reer Gedo ay macluumaadka ugu badan ka helayeen isla Shabaabka dhexdiisa sidaasina ku hantaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Gedo. Sidoo kale Hiiraan oo ka mid aheyd meelaha ugu adag ee Shabaabka macluumaadkooda laga helo waxey u badan tahay in maalmaha soo socda xog dhinac kasta ah la helo maadama ay hada u muuqdaan kuwo ay heyso towfiiq xumo baahsan argagixisada ku sugan guud ahaa Somaliya.Yusuf Ali Ugaas ayaa hadii uusan xal deg deg ah gaarin ku danbeyn doona meeshii uu maray Macow xiligii Xizbul Islaam oo ay aaqirkii hubka dhigis ku sameeyeen markii ay ku daneysteen.

Shabaabka Hiiraan ayaa maalmahii la so dhaafay dhibaato ku hayey shacabka Hiiraan iyagoo la wareegay dhamaan ceelashii biyaha si ay u qafaalaan cidkasta oo ay u arkaan inuu qoray qaadi karo, maadaama ay hada ku soo aruureen ookaliya in markii waxyar la joogaba ay labo qofood dhawr gobol oo dalka ka mid ah ku goowracaan si looga cabsado amaba loogu maleeyo iney walito xoogan yahiin.

la soco wararka arintaan oo rasmi ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,462 unique visits