Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii ugu balaarnaa oo ay qabtaan maamul goboleedka Azaaniya oo ka dhacay Limuru,KEnya

Wararka MaantaKenya:(HS)- Shirweynahii ugu balaarnaa oo ay iskugu yimaadaan waxgarad,aqoonyahano siyaasiyiin oo maanta ka dhacay dalka Kenya iyadoo uu maamulka Azaaniya soo bandhigay qorshe la yaableh oo ka duwan kuwa maamulada dalka ka jira taasi oo soo jiitatay dadweynaha ka soo jeeda Jubooyinka iyo Gedo, iyadoo dhinaca kale ay si rasmi ah TFGDa u aqoonsatay sida ay ka sheegeen goobta masuuliyiin ka socotay dowlada.

Prof Moh'ed Abdi Gaandi iyo masuuliyiintii lahaa fikirka maamulka goboleedka Azaaniya ee Somaliya(Azania State of Somalia) ayaa madasha shirka ka sheegay qaabka ay u soo xulayaan baarlamaanka iyo xukumada inteeda kale.Maamulka Azaaniya ayaa maalintii shaleyto aheyd si rasmi ah u helay taageerada shacabka degmada CeelWaaq iyagoo soo dhaweeyey kuna biiray.magaalada Limuru oo ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan dalka Kenya oo uu shirkani ka dhacay ayaa wararka naga soo gaaraya ay sheegayan in wafuudaasi ay ku sugnaan doonaan inta laga dhameystirayo dhismaha xukumada iyadoo ay ka dhaxmuuqan doonaan aqoonyahano iyo waliba dad muctarif ka ah degaanada maamulkaan loo sameyey ee jubooyinka iyo Gedo.

Dadkii ka soo qeybgalay shirkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiin ka socotay dowlada Kenya oo iyagu soo dhaweeyey howlaha ugubka ah ee ay maamulkaan bilaabeen.sidoo kale sidii shacabka Somaliyeed caadada u aheyd waxaa shirka lagu casuumay qeybaha kala duwan ee bulsahda Somaliyeed.

Maamulka Azaaniya waa maamulkii labaad ee looga dhawaaqo dalka Kenya iyadoo horey looga dhawaaqay dowlad goboleedka Hiiraan State oo ay xiligii lagu dhawaaqay sidan oo kale uga soo qeyb galeen masuuliyiin ka socotay dowlada Kenya oo aanu ka xusi karno gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Dr Farah Macalin iyo marti sharaf kale.

Hadaba shirka oo hada bilaaw ah la soco wararkeena danbe.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.05 seconds
14,667,255 unique visits