Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

War saxaafadeed ka soo baxay madaxweynaha Hiiraan State kuna socda taageerayaasha HS.

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State oo howlo shaqo ku maraya wadamo ka tirsan bariga dhexe ayaa ka codsaday bulshoweynta reer Hiiraan iyo taageerayaasha Hiiraan State iney gargaar deg deg ah la gaaraan shacabka ay galaafteen abaaraha ee ku sugan Hiiraan.

Madaweynaha ayaa si gaar ah ugu codsaday taageerayaasha HS ineysan sameynin dabaal degyo lagu taageerayo dowlad goboleedka Hiiraan State , taasi bedelkeedana dhaqaalahii lagu qaban lahaa shirarkaasi in loo weeciyo shacabkeena ayaa warbixinta ka mid aheyd.

Dowlad goboleedka Hiiraan State ayaa la dhisay 10/11/2010 xiligaasi oo dalka Kenya lagu doortay madaxweyne Mohamud Abdi Gaab halka isla wadankaasi lagu caleema saaray 20/8/2010 ee isla sanadkaasi. masuulyiinta HS oo maalmahani ay la soo xariirayeen taageerayaashooda si ay u sameeyaan xaflado loogu dabaal degayo sanad guuradii ka soo wareegtay dhismahii maamulka oo ay maalmo uun ka harsan tahay ayaa taasi bedelkeeda waxuu madaxweynaha ka codsaday in shacabka loogu kaalmeeyo dhaqaalahaasi maadama ay hada xaaladooda aad u liitato oo ay halkaasi ka jirto abaar aad u daran.

Masuuliyiinta maamulka ayaa shacabka ku booriyey in ay u jeestaan wax ka qabashada dhibtaada laga dhaxlay abaaraha iyo sidii cadowka dhulkeena qeyb ka mid ah ku sugan looga saari lahaa.

Madaxweynaha ayaa aad u amaanay walaalahii fikirkaan keenay isagoona ku dhiiragaliyey in ay HS u dabaal degi doonaan marka shacabku ay ka baxaan abaaraha iyo macluusha cadowkana iska xoreeyaan inta ka horeysana la gargaaro shacabka Hiiraan iyo guud ahaan Somaliweyn oo ah dad walaalaheen ah oo dhibta na heyso ay iyaguba heyso waana in masuuliyad leyska saaro sidii maanta caruurta Somaliyeed ee macaluusha u dhimaneysa loo badbaadin lahaa intiiba ilaah ka bad baadiyo masiibadan ku timid talo xumo ka timid qeyb bulshada ka mid ah oo ku fashilmay siyaasadii guud ee dalka lagu hagi lahaa ayaa war saxaafadeedka madaxweynaha ka mid ahaa.

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa bisha Ramdaan hambalyo u marinaya bulshada reer Hiiraan , Somaliweyn iyo muslimiinta aduunka meelkasta oo ay joogaan in Ramadaankan kiisa kale ku gaaraan barwaaqo, nabadgalyo iyo nolol tayo leh.


Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,588,812 unique visits