Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Qorshe dharka ciidamada dowlada loogu qeybinayo maleeshiyo beeleed horey uga tirsanaa ururkii bur buray ee Xizbul ISlaam iyo Shabaab oo ka socda xaafado ku yaala Mogdisho.

Wararka MaantaMogdisho:- Magaalada Mogdisho oo waayadii hore aheyd City of hope hada waa magaalo qabiilka uu ka dheereeyo diinta. ciidamo beeleedyo isku aruursaday xaafadaha Karaan, Yaaqshiid ilaa Hurwaa horeyna uga tirsanaan jiray kooxahii magacyada diinta huwanaa sida ayaa lagu wadaa in loo qeybiyo dharka ciidamada saacadaha inagu soo aadan.

Arintaan ayaa si xowli ah uga socoto magaalada Mogdisho iyadoo ay ku lug leeyahiin qaar ka mid ah wasiiro dowlada ka tirsan oo ka soo jeeda beelaha doonayo in ciidamadan dejiyaan xaafadahan aanu kor ku soo xusnay.

Dadka ay ku weyn tahay Somalinimada amaba u hamuun qaba iney arkaan Somaliya oo nabad ah iyo Mogdisho oo ku soo noqota sidii ay waayadii hore ahaan jirtay wey ku adag tahay iney fahmaan dhaqanada Mogdisho yaala haduusan qofkaasi aheyn amaba ka soo jeedin beelahii magaalada ku haray waxii ka danbeeyey 1991-kii.

Mogdisho marka laga soo tago in qofkasta uu siduu doono wax u qoro waxey hada ku jirtaa loolan u dhaxeeya dhawrkii qabiil ee magaalada ku lahaan jiray qabqablayaasha iyagoo si aduunyada loo tusiyo in ay magaalada la wareegeen ciidamo ka tirsan dowlada dhinaca kalena loo qeybinayo dareyska ciidanka Somaliya lagu yaqaano dhalinyaro dhawr maalmood ka hor dagaal kula jiray ciidamada dowlada ayaa hadane markaad dhinaca kale ka eegto waxaa isla goobahii ay difaaca kaka jireen loogu geynayaa tuutayaasha lagu garto ciidanka Somaliya.

Mogdisho uma muuqato magaalo qeyrkeed la jaanqaadi karta inta qabiilku uu ka horeeyo diinta iyo Somalinimada. gawaari dagaal oo mudo labo sano ah aan la soo bixin ayaa qoryo la saray iyadoo leys kugu geeyey xaafadaha aanu kor ku soo xusnay. sidoo kale arinta qatarteeda leh waa in masuuliyinta dowlada aysan dhamaantood arintaan ka war qabin oo ay faraha kula jiraan qaar iyaga ka mid ah oo garab ka helaya ganacsato saacadahii ugu danbeeyey uu damac ka galay arintaan cusub maadaama ay iyagu hantida ku yeesheen fowdada.

Si kasta oo arintaan loo qariyaba maalmo kedib ayey si rasmi ah u soo shaac bixi doontaa iyadoo qabiilada qaarkood ay doonayaan iney dhulweyn ka taliyaan magaalada hada la ciir ciireysa 15 kun ee Africanka ah. waxaanse ku soo qatimeynaa. Mogadishu used to be like any other capital city in the world.Today.......... More than half the population has been displaced and no longer City of hope believe it or not.

La soco wararkeena danbe iyo dhibaatada ka jirta caasimada Somaliya oo ay qaxooti ku yahiin dumar iyo caruur badan oo gaajo iyo haraad uga soo cararay degaanadii ay kaka noolaayeen dalka intiisa kale.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,605,743 unique visits