Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shirkii ay QM qaban qaabineysay ee wadatashiga oo laga yaabo inuu dib u dhaco amaba fashilmo.

Wararka MaantaSomalia:-QM oo ka walaacsan goobta lagu qaban karo shirkii wadatashiga kedib markii ciidamadii Shabaab ee dhawaantan ka baxay Mogdisho shacabka ku milmeen,halka Somalida kala aragti duwan yahiin goobta shirka lagu qabanayo ay arinta sii murjisay. hadiise ay dhacdo Yaa mudan in shirka lagu qabto Mogdisho, Garoowe,Baydhabo iyo Belet Weyn hadii ay Shabab ka baxaan.

Inta aan u guda galin goobta amaba magaalada shirka lagu qabanayo horta shacabka Somaliyeed iyo xukumada ka talisa koofurta Somaliya qeyb ka mid ah ee aan awoodin iney ka arimiso degmada Balcad iyo Afgooye ma og yahiin waxa looga hadlayo shirka iyo ujeedada ka danbeysa? hadiisa ay dhacdo inba la qabto xagee ku haboon in shirka lagu qabto?

Marka hore waxaaba qalad ah in 21 sano sidii dad xoolo ah maalinkasta shirar loo qabto bulshada Somaliyeed iyadoo ay yahiin dad isku af,diin iyo dhaqan ah laakinse ay la hartay dano qabiil iyo damac waalan oo ay la soo baxeen qaar Somalida ka mid ah oo iska indho tiraya iney dib ugu laabtaan degaanada lagu yaqaano ee ay ka dagan yahiin Somaliya.

Sidoo kale hadiiba shir la qabanayo waa muhiim in lagu qabto gudaha wadanka ha yeeshee gudaha wadanka iyo goobta lagu qabanayo waa muhiim in waxa ugu horeeya ee lagu dooranayo ay ahaato nabadgalyada iyo iney goobtaasi gacantooda ku jirto dad Somali ah oo aysan magaalada shirka lagu qabanayo ahaato mid guud ahaan ka caagan qad cagaaran.

Hadaba waxaa u baahan in leys weydiiyo magaaladee mudan in shirka wadatashiga lagu qabto waxaanu soo qaadanay dhawr magaalo oo ay ku jirto caasimada Somaliya.


Mogdisho,Somalia

Inkasta oo aanba meelo ka mid ah gobolada Somaliyeed loo arkin caasimad Mogdisho ee loo arko magaalo ay 1991kii iyo waxii ka danbeeyey ay sheegtaan dhawr qabiil oo marna isku ujeedo ah marna kala ujeedo ah magaaladiina ka dhigay goob lama degaan ah hadane waa caasimad Somaliyeed oo magacii ay lahaan jirtay wey leetahay laakinse tayadii lagu yaqiinay magaalo caasimad ah ma lahan.sidoo kale waa magaalo qatarteeda leh inba shir lagu qabto waxii ka danbeeyey markii ay ciidamadiii Shabaab ka baxeen laakinse dharkii bedesheen oo ay shacabkii ku milmeen taasi oo qatarteeda leh lagana yaabo hadii shirkaasi Mogdisho lagu qabto inba ay ka soo qeyb gali waayaan wafuud ka kala socota dal iyo dibad Somaliyeed. Mogdisho waxey aheyd magaalo ay Somalidu wada dhisteen oo multi culture ah laakinse maanta hadaad tagto adigoo ka yimid meel ka baxsan magaalada waxaa laguu arkaa ajnabi hantidaad rabto ku lahaaw waayo jiilka hada ku sugan maba yaqaanaan waxii ay Mogdisho aheyd iyo sidey iskugu xiri jirtay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed.

Arinta kale Mogdisho waa magaalo ay ku nool yahiin in ka badan 10 kooxood oo midkasta uu leeyahay ujeedo u gaar ah hadey noqonlaheyd kooxo sheeganaya magacyo diimeed, ururo bulsho oo aan la aqoon cida ay wacyi galiyaan, qabqable dagaal, ganacsato ku faraxsan goobtii ay ku shaqeysanayeen oo ay caruurtoodu ku nooleyd hadii la gubo iyo hadii kaleba aan kala jecleyn.

Waxaa waxaasi oo dhan ka sii daran awooda kaliya ee ay Somalida amaba dowlada ka arimisa koofurta Somaliya isku haleeynayaan waa ciidamo ajnabi ah oo aan wadanka u dhalan sida ajaanibta iyaguna caawiya Shabaab ee aan wadanka u dhalan. ka bixitaankii ay Mogdisho ka baxeen ururka Shabaab waxey dhashay in ciidankii badankiis ay dharka iska bixiyaan oo ay dadka ku milmaan sidaasi daraadeed dhawr arimood oo aanu mar kale ka hadli doono awadeed Mogdisho ma ahan goob ku haboon in lagu qabto shir ay isku imaaneyso qeybaha kala duwan ee Somalida marka laga hadlayo inta ay indhaheenu qabanayaan.

Arinta ugu yaabka badan ee magaalada Mogdisho ka jirta waxey tahay askari dhawr maalmood ka hor u dagalamayey Shabaab oo aan soo dhaafi jirin suuqa Bakaaraha ayaa maanta inta dharkii bedeshay ka shaqeynaya amaba cunto ka karinaya Hotelada Mogdisho qaarkood ileen Somalidu waa dad is yaqaano meeshuna waa Mogdisho oo shaqsi ku nool maba xumaado qofkuna meeshii uu doono ayuu galayaa maadama kooxda uu ku jiro hadii ay fashilanto uu dib ugu laabanayo qabiilkiisa. isku soo duuboo hadii xaqiiqda dib loogu laabto Mogdisho ma ahan goob lagu qaban karo amaba kulmin karta Somaliweyn shir ay iskugu imaaneyso.

Garoowe,Puntland.

Inkasta oo ay dadaal ugu jiraan masuuliyiinta Puntland in shirka ay qaban qaabineyso QM lagu qabto halkaasi hadane waa magaalo yar oo gacanta ugu jirta dad Somaliyeed. Mogdisho oo maanta nabad ahne wey ogyahiin masuuliyiinta Puntland ineysaan ku dhiiradeen iney xitaa haweystaan in shir lagu qabto laakinse waa goob istaahisha in shirkaasi lagu qabto sababo badan oo is biirsaday awkeed.

1- Waxey mudan tahay nabad galyada ka jirta Puntland awadeed in shirkasta lagu qabto si ay uga maseyraan degaanada kale ee dadkoodu isku tashan waayeen oo 21 sano maalin iyo habeen qalalaaso aan dhamaaneyn iyo qabiil ka dhaman la.

2-Hadii dhinaca wanaagsan laga eego waa magaalo Somaliyeed, kuwa Mogdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ee u arka hadii shir lagu qabto Garoowe iney la mid tahay in Israel lagu qabtay ha ogaadeen in Garoowe tahay magaalo Somaliyeed oo nabad ah, si iyaguna hadii ay degaanadooda nabadeeyaan berito ay iskugu imaadaan Somaliweyn waayo hadaadan Garoowe u arkin magaalo Somaliyeed dhulka Somali galbeed iyo NFDna uma aragtid dhul Somaliyeed marka waa in cidkasta oo degaankeeda nabadeysato lagu sharfo wax ka duwan kuwa fowdada joogtada ah ku jira, waa sida maskaxda caafimaadka qabto ay aaminsan tahay.

4- Waxey magaalada Garoowe kulmisay Somali badan xiligii ay marti galineysay ciyaarahii gobolada Somaliya oo ku soo gabo gaboobay dhib la,aan.


Belet Weyne,Hiiraan State

Magaalada Belet Weyne waa magaalo ku taala meel istiraatiiji ah waana magaalo aad u qurux badan hadii kooxaha hada ku sugan laga saaro amaba ka baxaan wey kaka haboon tahay Garoowe iyo Mogdisho oo dadka ka soo jeeda gobolada dhexe iyo Puntlandna wey u dhaw tahay gobolada kale ee koofureedna wey u dhaw tahay,waana magaalo leh Hotelo ku filan iyo guryo qur qurxan oo martida lagu soo dhaweyn garo dalaga beerahane ku wanagsan laakinse hada waqtigii shir lagu qaban lahaa maba la joogo sababo badan awadeed.

1- Dadkeedu uma bisla ololaha noocaan ah iney magaalada u galaan oo ay ka xoreeyaan cadowka heysta.
2- Dowlad goboleedka kaliya ee shacabka u dhisan Hiiraan State walito gacanta kuma dhigin guud ahaan Hiiraan oo dhan waa maamul ugub ah.

3- Qurba joogta reer Hiiraan sida ay dib ugu laabteen Puntland iyo Somaliland iyagu waxey doonayaan in meesha loo hagaajiyo iyagoo dibada jooga, tiro yar oo dib wadanka ugu laabatana waxey xal u arkaan iney diyaaradii ay Jabouti ka raacan Somaliland iyo Puntland ku tagaan kedibna dib ugu soo laabtaan wadamadii ay ka tageen.

Si kastaba magaalda Belet Weyne wey qurxan tahay oo kaliya shir looguma qaban karo laakinse hadii ay shacabkeedu la yimaadaan isbedel deg deg ah waa laga yaabaa in shirarka danbe ay loolan u gasho kuna guuleysato.

Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waa macquul iney marti galiso inaksta oo uu waqtigu aad u yar yahay hadane waa magaalo ay is maqlaan hogaamiyaasha u dhashay hadey noqon lahaayeen kuwo ku jiro Shabaab amaba dowlada. waxey horey u marti galisay oo ay shacabkeedu soo dhaweeyeen dowladii ku meel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay Kenya. waana magaalo sida magaalada Belet Weyne ku taala meel fiican laakisne waqtiga oo ku yar awadeed hada macquul uma ahan sidaasi daraadeed hadalka nuxurkiisa waxuu noqonayaa Garoowe waa meesha hada mudan waa hadii shaqsi kasta oo Somaliyeed u arko iney tahay magaalo Somaliyeed hadiise loo eego degaan ahaan iyo yaa ka soo jeeda waaanu ognahay hal qabiil ayaa degan laakisne hadii uu isku tashaday oo uu degaankiisa nabadeystay u ogolaaw wanaaga si uu asigana berito kuugu ogolaado. sidoo kale maadama aysanba Somalidu talada ka go'in lagana yaabo inba wadanka dibadiisa lagu qabto ha ka hor imaan in shirkaan magaalo Somaliyeed lagu qabto oo aad ogolaataan una kala carartaan wadamada deriska ah in lagu qabto.

Si kastaba qatarta Mogdisho taalo waa mid ka fiirsasho u baahan markii aanu xogag kala duwan ka soo aruurinay tan iyo markii ay Shabaab ka baxeen qeybo badan oo magaalada ka tirsan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

#1 | yusuf colow on August 11 2011 11:34:51
waxan halkaan ka salamayaa dhamaan bahda hiraanstate waxan idinika mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad uga hadasheen oo aad u kala dhig dhigteen mesha ugu maqulsan ee shirka lagu qabankaro waxan is idhi waxad modaa ineyba aniga iga qoreen oo ey idheheen sheg halka u fiican waxan idinleyahay dadku ha idiin sinaado waanka heley sida wanaagsan ee firadiina ah ee somalinimada leh dhab ahantii waxan ku dhashey cadan waxanse u dhashey hiiraanstate waxan ku farasanahay sida gesinimada leh ee aad uga hadashen illah ha idin garab galo waxan iniin shegaya somali waxa kaladiley waa qabyaalad iyo cadalad darada melwaba gadhey amaba gaarteydadku ma ahan ma qaldame ee xasusuta cadalada wabilahi tawfiiq
#2 | Joodax on August 11 2011 17:40:56
aniga waxaa rabaa inaa fikir kabixiyo Beledweyne maadaama aan reer Beled weyne ahay , magaaladaas horta waa magaalo tariiq weyn leh oo kuhaboon in lagu qabto shirarka somalida lakin Hiiraan markaa joogay waxaa maqli jiray (WAALO NINKEEDAA KACSADO) oo ah ciyaar laga dheelo Hiiraan , waxaa dadka deegaanka kumatalaan markii ay arkaan wax dan dareysan oo dadkii lahaay kajiifteen oo wax qabad ubaahan , Beled weyne waa magaalo taarq iyo magac weyn kuleh somaliya lakin dadka qurba joogteeda ah ayaa kajiiftay waa sidaa usheegtay maanta dadkii somalidi Gobalada kale nin walba dhulkiisii oow kuxisaabtamaa maalgiliyaa ,dhistaa ,hormariyaa dhinac kastaba ,meela aan Beled weyne magac iyo maamuus ku gaarin aa dadkii lahaay wax kadhigeen, maanta canuga Hiiraan jooga hadaynan qurba joogta waxbarasho iyo shaqo ama wax oow kumashquulo koloow police kanoqdo Hiiraan oo mushaar bishi qaato hadeeyna intaas helin ninkalaa kushaqeysanaa oo Gobal kale ah oo dhaqaalihii bixinaa adigoowna kugudiraa oo kugu dilaa sida hadda taagan , saa adiga waa maalgashan waysan, qofk sidii xoolihi meel iska fadhinaa majiro kii aan wax qabad helin alshabaab iyo xisbi balaayo oo dhan aa kireysaneyso bishii dolar oow ugu shaqeeyaa mushaar ninka somaliya maanta jooga ee aan wax oow kumashquulo loosameyn mameel oow iska fadhinaa , nin facaa iyo qabqale Gobalkale kasoojeedo aakireysanaa us dolar aa somali kashaqeeyo , rag cusub aa baleen xamar iyo meela kale kol toroboro laga soo dajiyo baleen fikir soconaa aa Hiiraan lakeenaa oo Dolar lasocdo kii magaaladda joogay kii baadiya jiray xattee waa ciyaayaa ,hug aalasoo leeyahay wax aa kurartaa waynee ciidan baabuurtaa deeqi waayne aasa banaanka magaaladda lagu kala horaa us dolar looga faaideysanaa xoogooda iyo maskaxdooda , qurba joog maxaa uyaalo intoow kunoqonaa marki hore dadkiisa asaa wax uqabanwaayay iyo dhulkiisa iska eeganaayay hadda Garowe iyo Hargeysa haudalxiisaano , meeshoow udalxiisaa qurba joog faciisaa ufikiray oo dadkii balaayada socotto oo boorsooyinka doolarka lawareegeeysanee kailaaliyay oo kasii tashaday mar hore xaakuuyaal marka adiga inaad Beled weyne tagiwaayso , matagikaree Hargeysa Iyo Growe iska tagaa , meeshaa qurba joog faciis ah aa maskaxkeenay dadkiisana kailaashaday in fikir iyo dolar asiga lagu dilaa lookeensado oow kahortagyay that is only (hadaadan fikirin walaguu fikiraa) ninkasta oo soo qaangaarana shaqoow rabaa hadaana loo fikirin ragaa ufikiraa kugusoojedanaa adiga, adigaba qurbahaa shaqeysataa ninkii tabar oow kusoo baxo waayay dalkoow kashaqeysanaa gudihiisa ninkii boorsa us dolar watta ayoow askari unoqonaa waintaas ,bal xisaabtama qurba joogeey ninka sugaa yaawaa inta soomaliya somaliyadi layaqiinay oo shaqa wax walba laga helaayay kanoqonee, 20 sano kuwii masaajidka kujuray xatee wasugiwaayeen waa kasoobaxeen masaajidki wakuwa tiknikada kala hogaaminaa ee magaalooyinka kuduulaa caama hadey wax keeni waysay culimana wax keeni waysay aqoone wax keeni wayay intoow ciirsadaa maskiinkaan dhalinyaradaa , ayakoow qoryaha uqaadaa , xalkale malahan , adigaba xisaabtan qurbahaad kashaqeysataan qurba joogeey nin somaliya joogo maxaa uyaalo mashruuc kasto qorigaada garabka hakuugu juro waa tabtaas ,

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.15 seconds
14,667,283 unique visits