Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
malloryat1

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wadamo badan oo hakad gelinaya macaawino ay u soo diri lahaayeen Somaliya kedib markii suuqyada Mogdisho lagu iibsaday cunto loogu talo galay shacabka Soamliyeed.

Wararka MaantaHS:-Somalia:- Muuqaal naxdin leh ayaa malmahan qaatay telefininada aduunka kedib markii wadamo ay ka mid yahiin dalka Kuwait ay daawadeen macaawino ay dalka Somaliya geeyeen oo lagu kala iibsanayo suuqyada Mogdisho, halka wadamo badan laga yaabo iney dib u dhigaan gar gaarka ay ugu talo galeen Somaliya oo lagu qiyaasay 1 Billion lacagta Mareykanka ah, ilaa ay dalka ka curanayaan roobabkii amaba ay ka yaraaneyso gaajada.

Dowlada maqaarsaarka ah ee ka arimisa 12KM oo Mogdisho ah horeyna loogu eedeyn jiray musuq maasuq ayaa hada u muuqata mid si sahlan ay aduunyadu u aragtay waxii laga sheegayey kedib markii wax kale iska daaye la dhacay cuntadii loo waday dadka dhibaateysan ee ay macaluusha heshay ee ku soo qul qulaya Mogdisho. sidoo kale shacab badan ayaa ka soo hayaamay degaanadii ay ku sugnaayeen kedib markii ay abaaro ku dhufteen taasi oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo.



TVka Al-Jazeera qeybtiisa Englishka ayaa soo bandhigay muuqaalo aad u naxdin galiyey dadka damiirka leh ee maanta ku nool dunida dacaladeeda hadey ahaan lahaayeen Somali amaba kuwa macaawinada u diray Somaliya kedib markii ay indhahooda ku arkeen cuntadii gar gaarka aheyd oo suuqyada Mogdisho taala.

Hooyo Somaliyeed oo ka mid ah dadka ku jira xerooyinka Mogdisho ayaa ku calaacashay aloow yaa mar lee iku celiya degaankii aan ka soo tagay bil ka hor iyadoo quul dareyneysa in iyada iyo caruurteeda helayaan daryeelka ay u bahan yahiin. waa ayaad daro inteeda la eg iyo ceeb ka mid ah ceebahii sanadahaan danbe soo wajahi jiray bulshada Somaliyeed oo maanta idaacad kasta oo aad daawato ay ka hadleyso amaba ay soo bandhigeyso muuqaal aad u xun oo ka turjumaya hooyo amaba caruur Somaliyeed oo dhibaateysan.



Dadka caruurta aad muuqaalkooda aragtaan wax loogu talo galay cunaya miyaa liibaanaya amaba ma wadankaas ayaa u muuqaal eg wadan ay ka curan doonto kala danbeyn inta ay hada joogaan kuwa masuuliyada sheeganaya amaba laga bedelayo ayuu yiri mid ka mid ah waxgarad
indhahiisa ku arkey cuntadii oo la boobayo.

Waxaanu ku guda jirnaa dadka arimahaan ku lugta leh ee masuuliyiinta dowlada u qaabilsan iney cuntadaan uga iibiyaan suuqyada iyo masuuliyinta arintaan ku shaqada leh.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,568,455 unique visits