Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wafti ka socda dowlad goboleedka Hiiraan State oo dhawaan ku wajahan gudaha si ay u diyaariyaan goobo xarumo lagu quudiyo shacabka ay abaaruhu ku dhufteen kedib.

Wararka MaantaSafaro dhawr ah iyo shirar uu maalmahani ka waday bariga dhexe m/weynaha Hiiraan State iyo qaar ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa intooda badan ku dhamaaday guul kedib markii uu m/weynaha ka dalbaday Hayadaha gargaarka ee wadamadaasi in shacabka HS lala gaaro gargaar iyadoo ay dowlado ay ugu horeyso Kuwait jawaab ka bixiyeen codsigiisa.waxaana lagu wadaa in ay dhawaantan gaaraan gudaha Hiiraan wafti ka socda Hiiraan State si gargaarka loogu hubsado dadka aadka ugu baahan.


M/weynaha iyo waftigiisa ayaa ku dhiirageliyey in ya'ddaha gargaarka ee dowladaha UAE, Qatar iyo Kuwait iney tagaan soona indha indsheeyaan xaalada rasmiga ah ee shacabka Hiiraan oo ay ku dhufteen abaaro iyo colaado galaaftay inta badan dadka reer miyiga ah. masuuliyiintii ay la kulmeen madaxda HS ayaa aad ula dhacay iyagoo qaarkood ka dhawaajiyey ineysan waligoodba arag masuuliyiin amaba shaqsiyaad u soo bandhiga dhibaatada baaxadaasi la eg ee abaarta ka jirta gudaha Hiiraan.

M/weynaha iyo waftigiisa ayaa maalmaha inagu soo aadan u baqooli doona wadanka Iraq oo uu casuumaad rasmi ah ka heysto halka wafti HS ahne lagu wado iney gaaraan Hiiraan si ay u gaarsiiyaan deeqdaasi gudaha Hiiraan gacantane ugu galiyaan shacabka aadka ugu baahan.

Taliyaha cuud ee ciidamada dowlad goboleedka Hiiraan State Sareeye guuto Baryare Nuur Maalin iyo wafi uu hogaaminayey oo dhawaantan ka mid ahaa waftigii madaxweynaha HS la tagay Puntland ayaa isagu hada ku mashquulsan sidii uu u soo dhaweyn lahaa waftiga HS ee dhawaantan gaari doona gudaha, mar aanu la xariirnay taliyaha iyo saraakiil isaga kala shaqeysa arimaha HS ee ku sugan Hiiraan ayuu inoo xaqiijiyey in ay jirto baahi badan oo dadka reer miyiga iyo tuulooyinkaba ka soo gaartay abaarahii ka dhacay inta badan dalka Somaliya siiba koofurta isagoo sheegay in tira kasta oo deeq ah oo halkaan soo gaarta ha yaraato amaba ha badnaatee ay shacabka wax u tari doonto isagoo ku amaanay dadaalka aan kala go,a laheyn ee ay wadaan m/weynaha iyo waftiga ku wehliya safarkiisa ee hada ku sugan bariga dhexe.

Sida muuqata masuuliyinta ku sugan Mogdisho waxey ka badin waayeen abaabulka shirar halka ay iska iloobeen iney deeqaha ka imaanyaa aduunyada gaarsiiyaan shacabka Somaliyeed ee ku nool degaanada ka baxsan Mogdisho, mana jirto masuul reer Hiiraan ah oo TFGda ka tirsan oo ilaa maanta ku baaqay in shacabka Hiiraan la gaarsiiyo gargaar iyagoo qiil ka dhigtay ma lahan meel loo marsiiyo iyo wax la mid ah, halka qaarkoodna sheegeen iney shaqada ku cusub tahay oo la sugo inta ay xafiisyada loo magacaabay kala qabsanayaan.waayaabe ma dad macaluul heyso ayaa i sug iyo wax la mid ah u baahan?

Ugu danbeyn inkasta oo ay dowlad goboleedka HS isku dayeen waxkasta oo ay shacabka reer Hiiraan ku noqon lahaayeen umad jirta hadane dhinaca kale waxaa lugooya shaqsiyaad u muuqaal eg in loo soo diray lugooyada reer Hiiraan oo aan waligood ku fikireyn iney reer Hiiraan isku tashan karaan, walow ay hada intooda badan xaqiiqada dareensan yahiin ayna ogaadeen in HS yahay maamul doonaya inuu bulshada reer Hiiraan gaarsiiyo horumar,nidaam iyo kala danbeyn kedibna bulshada u baneeyaan si ay aayahooda ugu tashadaan mustaqbalka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,588,866 unique visits