Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Maxaad kala socotaa shir dhawaantan dhax maray Shiikh Shariif iyo xildhibaanada iyo wasiirka beesha Xawaadle shirkaasi oo uu cadsaday Shiikh Shariif.

Wararka MaantaMogdisho:- Shir si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacay xarunta madaxtooyada qeybta uu ka degan yahay Shiikh Shariif ayaa dhex maray xildhibaano ka soo jeeda beesha Xawaadle iyadoo uu shirkaasina goob joog ka ahaa wasiirka Qorsheynta.

Shirka ayaa waxuu ahaa mid uu masuuliyiintaasi ka soo jeeda beesha ku casuumay Shiikh Shariif isagoo Afur u sameeyey maalintii uu wadanka ka amba baxayey R/wasaaraha dalka Turkiga oo booqasho ku joogay caasimada Somaliya ee Mogdisho.

Xildhibaanada qaarkood oo ay ku cusbeed u yeeritaanka Shariif ayaa habeenkaas dhegta kor u taagayey maadma uu Shariifka markasta oo ay beesha Xawaadle dan ka soo gasho u yeeri jiray 4 Xildhibaan oo kaliya una qaabilsanaa howlahiisa gaarka ee ku aadan siyaasada beesha.

Shariifka ayaa qudbadiisa ku bilaabay sidan.

"Xawaadlow waxaan caawa idiinku yeeray in aan idiin sheego arin walwal iku abuurtay maadaama lagu jiro 10kii ugu danbeysay bisha Ramadaanka waxaan doonayaa inaan idiin sheego in aan idiinka raali galiyo qaladaad badan oon idiinka galay. shariifka oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri waxaan idiin sheegaya markii aqoonyahano idiinka mid ah ay qurbaha ku shireen ayna Kenya ku dhisteen Hiiraan State anigoo dareemay in aad hogaankeyga qatar ku noqneysaan ayaan go,aansaday in aan arintiina ka hor tago. nasiib wanaag intii aad Kenya joogteen wax badan iigama suuroobin in aan arintaas hor istaago ragii go,aankaasi keenayna waxey iila muuqdeen kuwo go'aankooda ku dheganaa ilaa ay halkaas maamul kaka dhawaaqaan markii lagu dhawaaqay kedibna waxaan idiin sheegayaa in aan aniga gacanteyda ku dhisay Dooxada Shabelle Libiyaa lacag laga keenay iyo warkaasi waxbo kama jiraan Dooxada Shabelle anigaa dhisay bilaaw iyo dhamaad ninka dhalinyarada ahne ku dhiiragaliyey inuu ku dhawaaqo dhaqaalone ku bixiyey"

Intaasi markey mareyso ayuu waxoogaa dhawr daqiiqo ah aamusay kedibna mid ka mid ahaa xildhibaanadii sida hoose ula shaqeysan jiray ayaa yiri hadalkaada is raacso amaba si kale hadaan u dhigo warka dhameyso isagoo xoogaa ka xun inuu arintaan ka hadlo. Shariifka waxuu yiri waxaan doonayaa in ay beesha Xawaadle i cafiyaan hada kediba aan wada shaqeyno intaasi ayuuna kaka baxay.

Mid ka mid ah xildhibaanadii aan horey xiriirka ula laheyn Shariifka ayaa hadalka ku soo gaabiyey waxii reerkaasi hada kedib ku saabsan halkaan wasiir kala xariir iyo wax la mid ah isagoo ula jeeday wasiirka cusub ee Qorsheynta .Kedibna hadaladii goobta leysku dhaafsaday oo aan qaarkood ku habooneyn public awadeed ayuu shirkii soo xiray Shariifka isagoona dhawr maalmood kedib shirkii Midowga Africa ay dhaqaalaha ugu aruurinayeen abaaraha geeska Africa u sii kaxeystay wasiirka Qorsheynta halkaasi oo arinta intii ka dhineyd lagu go,aamiyey.

Markii shirka laga soo baxay ayey xildhibaanada qaarkood dib iyaguna u falanqeeyeen arintii ay habeenkaasi kala kulmeen Shariifka iyagoo u dad badsaday goob ay tiro aqiyaar ah ku sugan tahayne mar labaad ka sheegay intii ay kala soo kulmeen Shariifka iyagoo tiro qurbo joogta ka tirsana garsiiyey aqbaarta.

Beesha Xawaadle ayaa waxii ka danbeyey shirkii lagu dhisay Hiiraan State iyagu macluumaadka is dhaafsada si ay ugu yaraan u ogaadaan shaqsiyaadka amaba qabiilada Somaliyeed ee hagar daamada la daba jooga beesha amaba reer Hiiraan. si saqiir iyo kabiir u ogaadaan siyaasada jaantaa roganta ah ee hogaamiya kasta oo yimaada halkii uu dalka iyo dadka Somaliyeed bad badin lahaa u isticmaalo awooda xilka u markaasi ku magacaban yahay beelo amaba degaano kale oo Somaliyeed.

Hadaba tan iyo markii Shariifka ay la kulmayeen xildhibaanada iyo wasiirka beesha waxgaradkii,aqoonyahanadii iyo intii nasiibka u yeelatay iney maqlaan waxii ka soo baxay shirkaasi nuxurka hadalkoodii waxuu noqday.

1- Mar hadii uu afkiisa ka leeyahay Dooxada anigaa gacanteyda ku dhisay waalidiintii dhalay wiilashii maalintii u dhisay ilaa maanta ku dhintay amaba dhaawaca ah in lagula xisaabtamo marka uu ka dego xilka uu hada ku magacaban yahay.

2-In ujeedada uu hada arintaan u soo bandhigay tahay sidii uu siyaasada dalka ugu sii jiri lahaa marka ninkaani waqtigiisa waa gabo gabee yuusan beesha waqti ka lumin ee wasiirkaan cusub iyo isaga meeshey iskala dhacayan ha laga warsugo.

3-Xili danbe ayey beeshu ogaatay in uusan arintaan u soo bandhigin beesha oo kaliya uuna qabiilo kale sidaan oo kale ku yiri iyaga ka hor iyo kediba tan iyo mudadii uu hor boodayey midawgii maxkamadaha ilaa maanta iyagoo dadka qaarkood qireen inuu Shariifku yahay shaqsi beenta ku dheereeya taasi oo ay dad badan qireen in aan lagu cadaabeyn in uu shariifka beenloow yahay dabcan cadeymo rasmi ah ayaanu heynaa iyo documents xafiiskiisa ka soo baxay oo uuna ku saxiixan yahay mid run ka noqdayna aysan jirin.

Marka laga soo tago xildhibaanadan iyo wasiirkaan cusub hadane beesha Xawaadle siyaasad ahaan mar hore ayey kala tageen Shariifka inkasta oo uu mudada intaasi la eg uga faa'ideystay qaar iyaga ka mid ahba hadii uu leeyahay anigaa isticmaalay miyeysan xaqiiqo aheyn in dhibta reerka soo gaartay aan isaga oo kaliya lagu eedeyn oo laga soo qado shariifka nin jaanis soo maray ka faa'ideystay?

Waxaase dad badan layaab ku noqotay intii la kulantay markii laga waayey mid yiraahdo hadaad dooneyso in aad soo nooleyso siyaasadii kaala dhaxeysay beesha amaba reer Hiiraan dowlad goboleedkii aad la dagaashay ee Hiiraan State la shaqee, amaba xitaa kii aad gacantaada ku dhistay la shaqee midkood lee wax uun u ogoloow , waadna ujeedaan xitaa shirka wadatashiga waxgaradka beesha uga qeyb galayo sida looga been sheegayo heerkaasi ayey siyaasada Shariifka iyo kuwa ka ag dhaw mareysaa ayuuna ku soo gaabiyey masuul magaciisa naga codsaday in aanu afka ku dhufano nabadgalyada Mogdisho oo xun awadeed,taasi bedelkeediina intii la kulantay waxey ka dhaman waayeen sarakiil ayaan Hiiraan u direynaa oo................................ gacanteena ku soo dhisaynaa iyo wax la mid ah.

Ugu danbeyn Shariifka waxuu rajo kaqabaa inuu 5 sano oo kale soo laabto hadey u mareyso isagoo qabiil kasta sidaan hoose ula hadlayo hadey u marto iyo hadii kaleba ,qabiilo badan oo Somaliyeedna koleyto sida ay beesha Xawaadle macluumaadka isku dhaafsanayaan hadii ay isku dhaafsadaan qatarta Shariifka mustaqbalka kaka imaan karta wey yaraan doontaa.koleyto hadii uu gacantiisa ku dhisay Dooxada Shabeelle iyo kuwa uu hada i cafiya leeyahay hal cadow ayey maanta leeyahiin waana Shabaabka Hiiraan ku sugan iyo shaqsiyaadka sidan oo kale u hadlayo beesha Xawaadlena xaqiiqada iyo marka laga soo tago hadalka ay Somalida qurxiyaan Siyaasiyiinta beesha Abgaal soo maray waayadii danbe iyo iyaga waa kala tageen waxaana arintaas sabab u ahaa Ali Geedi, Nuur Cade iyo Shariifka oo dhamantood isku fikir ka noqday siyasada Hiiraan iyagoo markasta iyagoo wanaag ay shacabkaasi kula dhaqmaan heli karay mudadii ay joogeen ayey markasta si ay Hiiraan u qasaan shaqsi u soo magacaabi jireen ay leeyahiin waa gudoomiye gobol, halka ay degaanada kale ee Soamliya iyagu aayahoda ka tashan jireen.

Nasiib wanaag beeshu wax yaabahan yar yarowka ah hada waqti badan uma hayaan waxeyna ku mashquulsan yahiin sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska dalka cidkasta oo ay reer Hiiraan u arkaan iney wanaag wadaana ay kula midoobaan cidii ay hagardaamo muuqata sida midaan oo kale ahne waqtigeeda lala sugo ayuu yiri ......... oo ka mid ahaa dadkii ugu horeyey ee ay arintaan soo gaarto.

La soco cod maqal ah dhawaantan iyo qoraalka oo ku soo bixi doona English.

Alloow dalkaan mid bulshada mideeya oo calankaan dunida ka suulay ku soo celiya dano qabiilna ku shaqeyneyn umada ugu soo saar si Somalinimadii luntay 21 sano iyo ka hor u soo laabato.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.14 seconds
14,667,147 unique visits