Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Shir Jaraaid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan: Kooxda “Alshabaab”(sawiro)

Wararka MaantaMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan: Kooxda “Alshabaab” waxa ay ku xukuntay dadka Gobolka Hiiraan dil iyo Xasuuq.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hiiraan Dr. Maxamuud Cabdi Gaab oo maanta shir Jaraa’id ugu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho dhammaan bahda Saxaafadda gudaha iyo dibadda ayaa waxa uu sheegay in Alshabaab ay tahay codowga koowaad ee dalka , isagoo ku booriyay dadka reer Hiiraan inay isku diyaariyaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxdaasi .

Dr. Maxamuud Cabdi Gaab ayaa waxa uu yiri “sida aad la socotaan oo adduunkaba loogala socdo dalka Soomaaliya waxaa ka jirta abaar aad u ba’an , taasoo galaafatay nolosha dadka iyo duunyada ,waxa ayna gaartay in dadka qaarkii ay baahi iyo haraad u geeriyoodaan , deegaanada maamul goboleedka Hiiraan, waxaa ka jirta abaar iyo biyo la,aan baahsan , hayeeshee waxaa intaasi u dheer colaad iyo dagaalo , waxaa la gumaadayaa dadkeenii , waxaa la dhacayaa xoolihii ,waxaa Hiiraan loo diiday gawaarida booyadaha ee dadka biyaha u dhaamin lahaa , iyadoo waddooyinka loo geliyay miino,waxaa la is hortaagay dhammaan howlihii gargaarka samafalka , waxaana arrinkaasi ka dambeeysa koox ay ku midoobeen dambiilayaal burcad ah oo diidan gurmadka bani’aadanimo oo adduun-weynaha u sameyn lahaa gobolkaasi”.

Madaxweynaha Hiiraan State ayaa waxa uu intaasi ku daray “Soomaalida waa ay is caawisaa , marka ay dhacaan mushkiladahan oo kale,tusaale abaartii 2006-dii ka dhacday Gobolka Gedo , dadka degan Muqdisho iyo Gobolada dhexe waxa ay sameeyeen gurmad ay ku samata-bixinayeen dadka Gedo, iyadoo la gaarsiiyay cunno iyo biyo , hase ahaatee kooxda la magac baxday “Alshabaab” ee heysata hadda Gobolka Hiiraan waxa ay diiday gurmadkii dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ay la gaari lahaayeen walaalahooda dhibaateysan , waxa ayna dadka ku nool Hiiraan ku xukumeen dhimasho iyo xasuuq”.

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatooyinka arxan daradaha ah ee loo geysanayo dadka gobolka Hiiraan ku nool , waxaana uu yiri “ Alshabaab waxa ay ishortaagtay in Hiiraan gargaar samafal uu kaga yimaado hey’ado raashiin ka qeybiyay gobolka deriska la ah ee Galgaduud,dadka ku nool Hiiraan waxa ay loorkii galley ah ku iibsadaan lacag gaareysa 700,000 shilin Soomaali oo u dhiganta “ $ 23 USD”,halka dadka ku nool Deegaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay ku iibsadaan loorka galleyda ah qiimo dhan 120,000 shilin Soomaali oo u dhiganta “$ 4 USD”, taasi waxaa ka daran in qofkii lagu arko loor galley ama masaggo oo uu ka soo iibsaday Galgaduud ama Mudug waxaa uu muteystaa xabsi iyo karbaash , galleydana ama masagadana waa laga daadiyaa”.

Shirka Jaraa’id oo weriyeyaasha idaacadaha ,website-yada iyo Telefishanada ay su’aalo ku weydiiyeen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu xoreeyo gobolkaasi , kana sifeeyo waxa uu ku sheegay koox falaago nabad diid ah , waxaana uu yiri “ waxaan idiin sheegayaa in Alshabaab ay ku xukuntay dadka gobolka Hiiraan ku nool dil iyo xasuuq, waxaan sidoo kale wargelinayaa Soomaalida ku nool wadamada dibadda inay dadka reer Hiiraan ay xasuuqeyso “Alshabaab” oo adeegsaneysa dagaalyahano ajaanib ah ,sidaas darteed waxaan adduunweynaha ka dalbaneynaa gurmad,ummadda Soomaaliyeed-na waxaan ka sugeynaa gurmad .

Dr. Maxamuud Cabdi Gaab oo garbahiisa ay fadhiyeen Saraakiil milatari ayaa waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Hiiraan ay heysato koox cadow ah , waxaana uu yiri “ waxaa Hiiraan qabsaday isbaheysi argagaxiso ah oo aan dooneyno inaan iska dhicino, waxaa sidoo kale ka codsaneynaa qurba-joogta reer Hiiraan iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay nagu gacan siiyaan wixii awoodooda ah taageero maaliyadeed iyo mid milatari intaba sidii dadka reer Hiiraan loo badbaadin lahaa , loogana hortagi lahaa ciribtirka kooxda “Alshabaab” ay ku heyso ummada,waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay la dagaalamaan kooxdaasi dambiilaayaasha ay ku midoobeen”

isha warka – Hiran State
Mogadishu-Somalia
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net




Comments

#1 | ahmed nor on January 24 2011 09:45:48
fikradeeydu

waa alaha isu soo hadeeyo somalida abaraha iyo amaandaradane alha ka ko riyo .

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,605,938 unique visits