Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeeyey shirka wadatashiga iyo qorshaha labada Shariif iyo Mahiga.

Wararka MaantaMogdisho:-Shirkii wadatashiga oo ku dhamaaday mugdi iyadoo wafuudii ka qeybgashay qaarkood ay durbaba firaaqeeyeen magaalada Mogdisho si aysan uga mid noqon xiritaanka xaflad shirkaasi lagu soo xirayo kedib markii ay si hoose u heleen qorshe qarsoon oo ay wateen Mahiga iyo labada Shariif.

Shirka oo ahaa mid sedax geesood ah ayaa waxaa u si rasmi ah ugu dhaxeeyey loolan gudoomiyaha baarlamaanka, C/wali Gaas iyo Shiikh Shariif iyadoo uu midkasta beesha caalamka isku tusinayey inuu yahay ninka kala wada dowlada.

1-C/wali Gaas oo ujeedadii xilka looga qaday Farmaajo aheyd inuu Puntland ku xirayo dowlada yahayna ninka kaliya ee xiriirkii Puntland iyo labada Shariif soo celin kara ayaa hada aduunyada isku tusinaya inuu yahay ninka kaliya ee suuro galiyey in Shariifka Puntland tago gudoomiyaha baarlamankane u madax banaaneeyey inuu qeybiyo warqadaha casuumaada laakinse xubnaha ka imaanaya dhinaca Shariif Hasan uu hogaamiyo Jurile ayaa qorsheynaya marka shirka loo weeciyo Garoowe halkaasi lagu yareeyo tirada mudanayaasha baarlamanka iyadoo laga dhigayo inta u dhaxeysa 185 ilaa 311 mudane oo kaliya doorashada soo socotana lagu qabto Garoowe, isagoo u sheegay aduunyada in siyaasada Soamliya loogu soo hagaago reer Puntland shirkii wadatashigane ay Soamlidu 99% goob joog ahaayeen waxgaradkooda iyo intiiba ay talo ka goday.

2-Shiikh Shariif isagu waxani oo dhan ruwaayad ayey u tahay marba hadaan Shabaab dalka dhan laga sifeyneyn dagaalkii kaka furnaa goboladane ay hakad galeen waxuu isku arkaa in inta ay Shabaab Mogdisho hareeraheeda joogaan in aan isaga marnaba laga maarmin siyaasadiisuna waxey ku dhisan tahay gursigaan yaan leygu iman Shabaabne waxey qasi karto ha qasto oo yaan Mogdisho banaankeeda loogu tagin, mana jirto degaan amaba gobol ay siyaasadiisu ku xiran tahay sida C/wali Gaas ay deganadiisa u nabdoon yahiin oo marka uu waqtigiisa dhamaado u aadayo dhulka Puntland oo u nabdoon Shariifka waxuu xalka ugudanbeeya amaba siyaasada ugu danbeeysa u ah inuu dalka Turkiga ku noolaado ama degaanada uu ka soo jeedo ha qasnaadaano amaba kuwa jaarkiisa maadama uu siweyn u dareensan yahay inuusan hogaamiye Somaliyeed noqon doonin mar kale xitaa dhaqaalaha aduunka ugu badan haduu ku bixiyo doorashada soo socota.

3- Gudoomiayaha baarlamanka isagu wax badan dhinaca siyaasada kaartooyin badan waa degay waana u meel martay isaga iyo Shiikh Shariif isku doon ayey saaran yahiin rajona lagama qabo iney siyaasada Somaliya waqtiga doorashada ka dhiman kedib waxii ka danbeeya ku siijirayaan marka la eego in ka badan 100 page oo report ah oo ka yaalo labada Shariif QM,USA iyo Yurubiyanka oo lagu cadeynayo iney lunsadeen 76 Million oo Dolar oo ilaa hada aan la cadeyn meeshey martay inkasta oo dowlada Mareykanka lacagtaasi qaarkeed cadeeyeen in lagu shubtay shirkado ay ka mid yahiin Xawaaladaha ka howl gala Somaliya iyadoo dhaqaalaha qaarkood lagu qoray Dumar Somaliyeed, inkasta oo aan walito magacyadooda la soo bandhigin hadane warbixinta wey ku jirtaa.

Aduunyada waxey aaminsan tahay hadii aan dhaqaalahaasi la lunsan laheyn ineysan imaan laheyn macaluusha maanta Somaliya ka jirta marka xaalada iyo siyaasada mustaqbalka labada Shariif meel dheer ma gaareyso sida aanu dhawr jeer oo hore ugu cel celinay waxey ku danbeyn doontaa sidii uu siyaasada ugu baxay madaxweynahii Ivorycoast.

4-Mahiga isagu sida uu hada yahay waxuu u muuqdaa m/weynaha Soamliya maadama uu meel kasta taagan yahay dhacdooyinka Mahiga iyo masuuliyinta TFGda oo ay siyaasada ku cusub tahay waxaa ka mid ahaa. Mar caruur imtixaan u fadhiisaneysa dalka Kenya oo Somali aheyd loogu yeeray inuu furo amaba ka soo qeyb galo goob banaan ah oo la fadhiisiyey dhalinyaro Somaliyeed oo la sheegay iney u fadhiisanayaan imtixaano si loo siiyo deeqo waxbarasho.

Mudadii uu socday murankii shirka hada socda ee Farmaajo yiri waa in wadanka lagu qabtaa inuu wacad ku maray inuuba shaqada ka ceriyo R/wasaarahii hore ilaa uu Farmaajo iyo Shariifka hal diyaarad isla saaro si uu u bahdilo una tusiyo ineysan waxbo ka aheyn dalka wadankane dibada laga maamulo.

Waxuu ka mid ahaa bur burkii lagu kala diray xukumadii Farmaajo isagoo markii ugu danbeysay soo jeediyey in la bedelo wasiiradii qurbaha ka tagay. waxuu safar ku tagay si aysan Somalidu iyaga kaliya u shirin Puntland oo uu garab taagnaa Faroole iyo Shariif.

Waxuu hada maamulayaa shirkan isagoo Envoy ah hadane waxuu u muuqdaa hogaamiye Somaliyeed mararka qarkood waxaad moodaa inuuu isaga wadanka u dhashay kuwa ag taagane ay marti yahiin. dadka siyaasada Somaliya sadaaliya waxey leeyahiin Mahiga ma qaldana ee waxuu arkey wadan iska dayacan iyo dhalinyaro siyaasada ku cusub oo dhaqaalo oo kaliya abuurta kaka dhegtay oo dhinac ka xaalufinayo wadankooda.

Sida muuqata marka dhinac kasta laga eego siyaasada mustaqbalka Somaliya wuu ka wanaagsanaan doonaa sida uu hada yahay marka laga baxo xiliga kala guurka amaba kumeel gaarka. shirkan loogu magac daray wadatashiga oo ay buux dhaafiyeen 3da ha'yaddood ee TFGda qofkasta uu dareemi karaa in aan looga hadleynin aayaha umada Somaliyeed waliba marka lagu kala tago oo dadka qarkood dib ugu laabtaan meelahii laga keenay iyagaa afka furan doona oo kala hadli doono intii ka qeyb gashay.

Durbaba wafuuda qaarkood ayaa laga soo xigtay in warqadahii casuumaada laga iibsaday sidaana shirka uga qeyb galeen iyagoo lagu yiri urur hebel ayaan ka socdaa dheh iyo wax la mid ah.

Guntii iyo gabo gabadii dalka Somaliya waxaa ka jira shirqoolo fara badan iyadoo ciidamada Africanka ah ay hada bilaabeen iney qaarajiyaan shaqaalaha amaba suxufiyasha ka socda wadamada Muslinka ah iyagoo ka hor tagayo iney wadamadaasi shaqaalahooda ka howl galaan gudaha Somaliya maadama dhawr wadan oo African ah ay bulshada Somaliyeed gooyni ula baxeen oo ay cidii ay doonaane ceyriyaan cidii ay doonaane keeni jireen waxii ka danbeeyey booqashadii R/wasaaraha Turkiga waxey soo jiitatay indhaha wadamada Muslinka ah taasoo wal wal ku abuurtay dhawr dowladood oo Somaliya deris la ah, maadama hadii wadamo badan oo Islaam ah warbixino ka qoraan ciidamda africanka ah una gudbiyan dowladahooda dowladuhuna ay iyaguna aduunyada u soo bandhigaan tacadigaasi waxaa fashilmayo howlgalka Amisom marka ciidamada Africanka ah ee Mogdisho ku sugan wariyahii u dhashay dalka Maleysia dilkii ay dileen waxuu ahaa digniin loo jeedinayey wadamo badan oo ay shacabkoodu yahiin dad muslin ah oo doonaya iney u soo guuraan kana howl galaan shaqaalahooda Somaliya.

Inkasta oo la hubo ineysan soo labaneyn amaba siyaasada ku sii jireyn labada Shariif hadane iyagey sharaf u tahay iney isna difaacaan oo ay dhaqaalaha lagu eedeynayo iney lunsadeena meel saaraan, intii karaankood ahne ay wadanka ka saaraan xiliga kumeel gaarka ah iyagoo arimo badan daacad ka noqonayo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

#1 | replica handbags on May 18 2012 13:40:50
cheap jordan 13 top on his route, far more popular Jordan 13 for Sale than the jordan shoes for sale "American Gothic" sculpture.

Dennis Allen of Wilmette jordan shoes for sale made his first jordan 12 sale trek to visit the statue Tuesday after hearing it jordan 2 sale was soon jordan 13 sale to be removed. A forme...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,613,350 unique visits